Home“Waannu Guulaysanaynaa, waxaanu Aragnaa Saadaasha Dabaysha, Ragga Aan Garanayn Ee Leh Dagaal...

“Waannu Guulaysanaynaa, waxaanu Aragnaa Saadaasha Dabaysha, Ragga Aan Garanayn Ee Leh Dagaal Ayaa Dalka Ka Dhacaya, Dagaal Dalkan Ka Dhici Maayo Dawlad Adag Ayaa Ka Talisa, Anagaa Amniga Ka Masuul Ah” Wasiirka Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay gacan adag ku hayaan ammaanka dalka, isla markaanay aanay suuro ah ahayn in dalka uu dagaal sokeeyo ka dhaco.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in xisbiga KULMIYE uu kalsooni buuxda ka qabo inuu ku guulaysan doono tartanka doorashada Madaxtinimada dalka oo qabsoomi doona 13-ka bishan November, isaga oo asxaabta mucaaridka ugu baaqay inay aqbalaan najiitadda doorashad hadii lag guulaysto, sidoo kalena waxa uu sheegay inay iyagu KULMIYE ahaan aqlabayaan hadii laga helo doorashada.

099A41Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimaaasi kaga hadlay khubad aad u diiranayd oo uu maanta ka jeediyey xarunta beerta xoriyada magaalada Hargeysa, oo ay isugu yimadeen taageerayaal tiran oo uu leeyahay xisbiga KULMIYE, kuwaas oo soo gabgabaynayey ole-olaha doorashada, waxaannu yidhi “ Afar maalmood ayaa ka hadhay doorashadii Madaxtooyada ee qaranka Jamhuuiyadda Somaliland, maalmo ka dib waxa qarankani yeelan doonaa Madaxweyne cusub iyo Madaxweyne ku xigeen cusub, wuxu yeelan donaa Madaxweyne cusub oo bedeli doona Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dalkan u soo hagay si wanaagsan, oo ummaddan ugu tagaya dhaxal iyo dhito fiican, oo aan caad saarnayeyn. Ummadda Somaliland waxa horyaala sadex khiyaar oo kaliya, ma horyaalaan shan khiyaar ama toban khiyaar, waa sadex mar wax kala dooranayaan sadexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, marna waxay kala dooranayaan lix musharax oo laba ay jaal tahay, sadexda murrashax Madaxweyne waa Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Faysal Cali Waraabe, sadexda xisbi ummadda Somaliland way taqaanaa, soo ma taqaano? Sadexda musharax Madaxweynena ummadda Somaliland way taqaanaa, saaka cidna miyaa la khaldayaa? Cidna la khaldi maayo.”

Wasiir Xaashi ayaa intaasi ku daray “ Sadexda xisbina waa la garanayaa, innagu KULMIYE ayeynnu nahay, waxa aynnu nahay xisbigii hurumarka, waxa aynnu nahay xisbigii waxqabadka, xisbigii midnimada, xisbigii wada-jirka, xisbigii qaranimada ayeynu nahay, waxaynnu wadanaa labada musharax oo ummaddu garanayso, oo iyagu dalka garanay, gurigi iyo geed-geed qarankan u garanaya, maaha rag looga sheekaynayo, ma wadano musharaxiin dhagta wax loo saarayo, ee waxaynu wadanaa musharaxiin hal-abuur leh, oo wax walba iyagu garanaya, hindise leh, hal-abuur leh, hiigsi leh ayeynu wadanaa, Qarankanina wuxuu u baahan yahay hoggaamiye wanaagsan, waxa soo maamulay hoggaamiye wanaagsan oo ah Axmed Siilaanyo, ninka kabahiisa gashanayaa waa inuu noqdaa hoggaamiye wanaagsan. Sadex nin ayaa qarankan Madaxweynenimadiisa u sharaxan, kurisga Axmed Siilaanyana hal nin ayuu qaadaa laba nin ma qaado, layskuma cidhiidhyo karo hadaynu laba saari lahayn, nin uun baa maamulaya qarankan, waxaynu leenahay qaranka hoggaankiisa waxa u tartamaya laba nin oo wanaagsan iyo hoggaamiye wanaagsan, waxa aynnu leenahay qaranku rag wanaagsan oo kaliya umma baahna, rag wanaagsan waxa u baahan guryahooda, iyo qoysaskooda, nin wanaagsani wuxuu u arrimiyaa gurigiisa  laakiin qaran uma arimiyo, qaran waxa u arimiya hoggaamiye wanaagsan, waxa aynnu leenahay Muuse Biixi Cabdi waa hoggaamiye wanaagsan, hoggaamiye wanaagsan ayey wadnaa, qaranka iyo shacbiga Somaliland waxaannu leenahay hoggaamiye wanaagsan ayaa doonaysaane doorta, tallada waa mar aad garan wayo iyo mar aad gaadhi waydo.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena luuqad adag kula  hadlay siyaasiyiin sheega in dalku uu khtar ugu jiro dagaal sokeeye waxaanu yidhi  “ Somaliland waxa ay u baahan tahay xisbiga KULMIYE, waxa ay u baahan tahay musharaxiinta xisbiga KULMIYE, Kulmiye wuu guulaysan doonaa aniga caad igama saarna, Dagaal sokeeye oo dalkan ka dhacayaa ma jiro, kuwa ku riyoonaya ee dadka ku cabsigalinaya waxaannu leenahay dagaal Sokeeye waa soo dhammaaday, siyaasad ayeynu ku kala adkaanaynaa, hadaa na legadaana waa nasiibkiin, hadaanu idin legadnana waa nasiibkeen, annagu dagaalka waannu naqaan, in nala legdo waanu naqaan, in aanu wax legednan waanu naqaanaa, waannu guulaysanaynaa, waxaanu aragnaa saadaasha dabaysha, raga aan garanayn ee leh dagaal ayaa dalka ka dhacaya, dagaal dalkan ka dhici maayo dawlad adag ayaa ka talisa, anagaa ammaniga ka masuul ah, doorashadana komishanka ayaa ka masuul ah, KULMIYE soo guulaysan maayo, soo KULMIYE ma nihin.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories