HomeWaan-waan iyo Wada-hadal dhexmaray Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland oo Baajiyey Isku-dhac Milatari...

Waan-waan iyo Wada-hadal dhexmaray Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland oo Baajiyey Isku-dhac Milatari oo Dhexmari lahaa labada dhinac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa sheegay in wada hadal dhex maray Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland inuu joojiyay dagaal  ka dhex qarxi lahaa labada dhinac isla markaana Puntland ay aqbashay inay ciidankeeda dib ula noqoto.

CADAMIWaxaa kaloo uu Wasiir Cadami intaa ku daray in daan daansigu uu marka horeba dhanka Puntland ka yimi oo ay bilaabeen dhaq dhaqaaqa millatari isla markaana ay Somaliland-na dhankeeda ka gashay heegan dhulka Somaliland ee ay xuduuda wadaagaan Puntland.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ugu horrayn hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“Wax walba waxbaa keena anigu weftigii balaadhnaa ee Madaxweynuhu hogaaminayay ayaan ka mid ahaa waxaanu ka bilawnay Lugaya  ee aanu ku tagnay Saylac,waxaanu nidhi yaan loo kala eexan ee hala wada maro deegaammada xeebaha ah,markaa waajibkii waddaninimo iyo xilka dalka naga wada saaran annagoo gudanayna ayaanu Laasqorayna tagnay si aan cidina u odhan anaga nalooma iman oo waa nala dhaafay ayaanu dalka xeebihiisa oo dhan u soo marnay,markaa dambi cidna kamaanu galine deegaanayagii iyi dadkayagii ayaanu u tagnay,laakiin qoladaasi way ka hadleenoo inay yaabeen oo fajiciso ku dhaday ayay sheegeen.”

Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wata kana hadlayya jawaabta ay Puntland ka bixisasay safarka Madaxweyne Siilaanyo   iyo wada hadal Puntland iyo Somaliland dhex maray wuxuu ku dhamaaday  ayaa yidhi.

“Markaa jawaabta Puntland ka soo baxday waxay noqotay inay ciiddammo soo dhoobaan meel aan ahayn dhulkii la isku hayayba oo ay yidhaahdaan dhulkiiba la qabsay Anagu TV-na kamaanu adal jaraa,idna wax kumaanu qorin laakiin iyagii ayaanu  la hadalnay oo aanu nidhi colaad iyo nabad miduun qaata,waayo?haddaad na soo doonataan oo dagaal noola timaadaan waanu iska kiin celinaynaa,wada hadal waliba dhex dhexaad ahbaa dhacay waxay ogolaadeen inay halkoodii ku nqdaan, wakhtiaa la qabtay oo saacadbaa la isla qaatay,waxay ahayd intii Weftigu Burco ku soo maqnaa,markaa sidaasay ku noqdeen oo ay ciidankoodii dib ugu qaateen, ugu dambayn dhaqdhaqaaq wuu jiraa waxaana bilaabay Puntland Millatari ka ka soo horjeeda dhaqdhaqaaq sameeyayna wuu ku qasban yahay inuu dhaqdhaqaaq sameeyo iyo inuu diyaar ahaado,imikanadanna ciidanku heegan ayuu ku jiraa oo xataa ciidan tababar u socday ee dugsi tababar ku jiray oo deegaanka Badhan ka yimi xeryihiisii ayuu ku noqday,cid aanu ku duulayna ma jirto,laakiin ciidanayagii ayaanu xeryihiisii ku celinay.”

Ugu dambayn Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlayay sababta soo cusboonaysiisay colaadda ka dhex huraysa Puntland iyo Somaliland,ayaa ku tilmaamay inay la socotay doorashadii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas oo uu ku tilmaamay nin balaayo doon ah.

“Ninna nabada ayuu ka shaqeeyaa oo wuxuu yidhaahdaa waar aan wada hadalo aan wax iska weydiino waxa inaga dhexeeya,ninna isagoo dhiboo ah ayuu dagaal ku baaqaa oo yidhaahdaa waxbaan xorayayaa oo uu sarajoogga ku ataxiyaadsadaa..”

Waa markii ugu horraysay ee Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland uu toos u shego inay Somaliland iyo Puntland wada hadleen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories