Home“Waan Ka Raaligelinayaa Bahweyntii UDUB Inaan Xisbigii U Dhibay Cali Warancade Oo...

“Waan Ka Raaligelinayaa Bahweyntii UDUB Inaan Xisbigii U Dhibay Cali Warancade Oo Hankiisu Aanu Wasiir Dhaafsiisnayn” Daahir Rayaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo muddooyinkii u dambeeyay dalka dibaddiisa ku maqnaa ayaa maanta kasopo degay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal.daahir rayaale

Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa ku soo dhaweeyay madaarka guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la tixgeliyo heshiiskii laga gaadhay khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii loo sameeyay xukuumadda iyo golaha wakiillada. “Haddii la heshiiyay, wixii lagu heshiiyay waan la raacaa awalba waa la is-khilaafi jiray, laakiin wixii lagu heshiiyo ayuun buu ku dhamaan jiray.” ayuu yidhi Daahir Rayaale.

Waxa kale oo uu ka hadlay Suldaanka muddooyinkii dambe la hadal hayay ee ka goostay Somaliland waxaanu yidhi. “Wallaahi Suldaankaa tagey waa arrin isaga u gaar ah, umalayn maayo inay ciddi la ogayd oo ay meel tag tidhi, waxaanse leeyahay hadduu Suldaan tagey, Suldaanno awalba way inaga tagi jireen oo Xamar bay tagi jireen oo ay odhan jireen Somaliland waanu ka baxnay, waxaanay u baahan tahay in laga hawl-galo oo sidii loo xaasilin lahaa ee loogu soo celin lahaa.”

Madaxweynihii hore Somaliland ayaa sheegay in xisbigii uu hore guddoomiyaha uga ahaa ee UDUB uu kusoo noqon doono saaxadda siyaasadda, waxaanu burburka xisbigaas ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde. “Waxaan raali-gelin ka bixinayaa inaan xisbigii UDUB u dhiibay nin aanu hankiisu gaadhsiisnayn heer madaxweyne oo ah Cali Waran-cade oo ku faanayay jeebkaan ku ritay xisbigii UDUB oo nimankii hankoodu ahaa madaxweynaha iyo bahweyntii UDUB iyo nimankii soo dalbaday ee Jamaal iyo Cabdirashiid waan ka raaligelinayaa inaan baal maray oo ninkaa hankiisu wasiirka iyo wax la mid ah yahay aan ku wareejiyay, laakiin xisbiga UDUB wuu soo noqon doonaa.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories