Home“Waan is-dilayaa haddii aad goosataan,” David Cameroon oo la hadlayey shacabka Scotland

“Waan is-dilayaa haddii aad goosataan,” David Cameroon oo la hadlayey shacabka Scotland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

LONDON (SLpost)- Raysal-wasaraha dalka Britain, David Cameroon, ayaa dhawaaq Qiiro xambaarsan kaga qayb-qaatay ololayaasha siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka u ololaynaya Midnimada UK u jeedinayeen Shacabka Scotland oo maanta u dareeray codbixin go’aaminaysa inay ka sii mid ahaadaan Midowga Boqortooyada Britain iyo inay noqdaan waddan Madax-bannaan.

Cameroon_OnionRaysalwasaare David Cameroon oo Saaka intii aan loo dareerin goobaha codbixinta uga digayey shacabka Scotland inay ka go’aan UK, ayaa ku hanjabay inuu Qudha Iska jari doono haddii ay go’aamiyaan inay ka go’aan Boqortooyada UK inteeda kale.

Warkan oo aanu ka soo xigannay OnionNews oo laga leeyahay Maraykanka, waxa ay hadalka Raysalwasaaraha u soo xigteen isaga oo leh, “Scotland-neey, waxaad ogaataan inaan is-dilayo haddii aan goosataan, waan ku dhaaranayaa inaan sidaas yeeli doono,” sidaa waxa yidhi Raysalwasaare Cameroon oo dareenkiisu ka duwanaa sidii looga bartay, isaga oo codkiisu u muuqday mid aan deggenayn oo googo’ayey, waxaana mararka qaar la arkayey inuu siganayey ilmo indhihiisa ka soo daadata.

“Sideen u noolanayaa haddii aad tagtaan? Haddii aad u codaysaan inaad madax-bannaani heshaan, sidaasay ku dhammaatay, immikaba waad isii macasalaamayn kartaan, maxaa yeelatay mar dambe ima arki doontaan. Ka fiirsada waxa aad igu samaynaysaan,” ayuu yidhi Raysalwasaare David Cameroon.

Culayska raysalwasaare David Cameroon ka haysta go’aanka ka soo bixi doona natiijada codbixinta maanta dhiibtay oo subaxnimada Berri la filayo in la shaaciyo, waxa uu kaga duwan yahay madaxda kale ee UK inuu ahaa masuulkii saxeexay codbixin aayahooda lagu weydiiyo shacabka Scotland, isaga oo sannadkii 2012 heshiis codbixinta la saxeexday wasiirka 1aad ee Scotland.

Raysalwasaarihii hore ee Britain, Gordon Brown, oo u dhashay gobolka Scotland ee madaxbannaanida raadinaya, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeedda gooni-u-goosadka, halka wasiirka koowaad ee Scotland, Mr Salmon, uu safka hore kaga jiro dhaq-dhaqaaqyada gooni-u-goosata ah.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories