Home“Waan dhunkanayaa cagaha hooyaday, maxaa yeelay udgoonkii jannada ayaan ka helayaa, hooyonimaddu...

“Waan dhunkanayaa cagaha hooyaday, maxaa yeelay udgoonkii jannada ayaan ka helayaa, hooyonimaddu waa dareen gaar ah”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Istanbul (SLpost)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inaanay dumarka iyo Raggu sinnayn, isla markaana si weyn u dhaliilay ololeyaal ku saabsan isku dhererinta raga iyo dumarka oo indhaha ka laliya fekerada hooyonimadda.

RecepSida lagu faafiyey waregeyska Tribune, oo ka soo baxa dalka Turkiga, Madaxweyne Erdogan, oo ka hadlayey kulan lagaga hadlayey kaalinta haweenku ka qaadan karaan wax-qabadka, isla markaana ka dhan Kooxaha u ololeeya xuquuqda Haweenka, kaas oo lagu qabtay magaalada Istanbul, waxa uu sheegay in kala duwanaanshaha dabiiciga ah ee ragga iyo dumarku muujinayo sida aanay shaqooyin isku mid ah u qaban Karin.

“Diinteena Islaamku way qeexday booska haweenaydu kaga jirto bulshada ee hooyonimadda,” ayuu Erdogan u sheegay kulan haweenka Turkigu lahaayeen oo ay ka mid ahayd gabadh uu dhalay oo lagu magacaabo Sumeyye.

“Dadka qaarkood ma fahamsana arrinkan, halka qaar kale is-diidsiinayaan. Uma sharaxi kartid kuwa u ololeeya haweenka, maxaa yeelay ma aaminsana doorka hooyonimadda.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waan dhunkanayaa cagaha hooyaday, maxaa yeelay udgoonkii jannada ayaan ka helayaa, hooyonimaddu waa dareen gaar ah.”

Waxuu sheegay inaan la simi Karin raga iyo dumarka, maadama taasi ka horimanayso abuurka dadka. “Dhismaha jidhkooda, dabeecadahooda iyo muuqaalkoodu wuu kala duwan yahay, isku meel ma dhigi kartid hooyo ubadkeeda jaqsiinaysa iyo nin, ma sinaan karaan raga iyo dumarku dhinaca waxqabadka”

“Uma diri kartid inay dibedda u baxaan oo ay xabaalaha qodaan, taasi waxay ka horimanaysaa awooda jidhkooda quruxda fiican,”

Erdogan ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshe Kooxaha u ololeeya haweenku ku sheegeen in haweenay kasta oo Turkiga ah dhalaan saddex caruur ah.

Waddanka Turkiga, ayaa ka mid ah Waddamo Muslimka ah ee ku yaala Qaaradda Yurub, ayaa inta badan waxa ka jira ololeyaal reer Galbeedku dabada ka riixayaan oo xuquuqda Haweenka ee reer Galbeedku u magac-bixiyaan loogu ololeeyo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories