Home‘Waan Dedaalley laakiin Nasiib uma helin inaan ku guulaysto’ – Murashax golaha...

‘Waan Dedaalley laakiin Nasiib uma helin inaan ku guulaysto’ – Murashax golaha Deegaanka Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxan ku jiray ololaha doorashada muddo bil ka badan oo aan Hargeysa, Bullaxaar, Lughaya iyo Berbera isaga dab qaadayay si aan u guto waajibaadka iga saarraa inaan baraarujiyo dadkayga, kana kasbado taageerada aan u baahnaa inaan kaga mid noqdo golaha deegaanka degmada Berbera. Wuxu ahaa hawlgal culus iyo tacab badan kaasoo aan xataa ku mutaystay inuu isoo  gaadho shil baabuur oo gaadhigu igula dhacay jidka u dhexeeya Bullaxaar iyo Laasgeel balse ilaahay iga badbaadiyay aniga iyo dhammaan intii ila socotayba.

blankWaxan u dadaalay oo aan u jeclaa inuu nasiib kaygu I gaadhsiiyo inaan ka mid noqdo golaha deegaanka degmada Berbera oo aan dadkayga iyo dalkayga u adeego balse kuma aan guulaysan dadaalkaas oo  sidaan u dadaalay hadana nasiib umaan helin kursigaa.

Guusha iyo guul darradu waa laba siman, loolanka doorashaduna waa bakhtiyaa nasiib, qofkasta oo caqli iyo iimaan lihi waa inuu garto inay labadaasi simanyihiin oo aanu ka qoomamoon haddii aanay siduu jeclaa u dhicin. Waxa laga yaabaa inuu manta nin kursi ku helay inka yar intay qaar badani ku dhaceen, waxana laga yaabaa inaanay in badan oo aan ku jiraa siday u dadaaleen iyo nasiibkoodu is waafaqan, halka xubno aan dadaal badan u gelini guulaysteen degmooyinka qaar.

Waan ku qancay nasiibkayga, waxanan hambalyo u dirayaa labada xildhibaan ee ururka aan ka sharraxnaa ka soo baxay ee kala ah Ismaaciil Maxamuud Muuse Aadan iyo Maxamuud Maxamed Cali Hurre oo iyagu ah xildhibaannada ku soo baxay labada kursi ee RAYS Berbera ka helay.

Waxan leeyahay dhammaan musharixiinta dhacday  degmada Berbera iyo dhammaan ururada iyo xisbiyada tartamay ee degmooyinka iyo gobollada dalka haddii ay Somaliland ku guulaysatay doorashada, innagana mid dhacay iyo mid soo baxayba waa guul ee saamaxnaa kum sida khayrku ku jirana ilaahay ilaahaybaa og ee haniya intii soo baxday.

Ugu dambayn waxan u mahadcelinayaa dhammaan dadweynihii sharafta badnaa ee dhalinyarada, haweenka, waalidiinta iyo cid walba lahaa ee codkooda isiiyay doorashadii 28 Nov, 2012. Si gaar ah waxan u mahadcelinayaa masuuliyiinta ururka RAYS ee uu ugu horreeyo Xasan Gaafaadhi iyo  dhammaan hawlwadeenadii firfircoonaa ee sida niyadsamida ah iila shaqeeyay mudadii ololaha iyo maalintii doorashada oo aanan wada xusi karin balse ay ka midyihiin Cabdi Madoobe Axmed Yuusuf,  Hodan  Gaarriye, Xasan Jaamac Cali, Shabcaan Cali Shiine, Cali Bakayle, C/qaadir Ismaaciil Cabdi, Oday Gadhyare, Kaltuun iyo xubnaha kale ee aan halkan ku xusin.

Somaliland Guul

Mahad Bile Cali Cigaal

Tel: 4017321

mahadbilecali@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories