Home“Waan Aqbalayaa Haddii Doorashada La Iga Guulaysto Dadweynahaana go'aanka iska leh” Madaweynaha...

“Waan Aqbalayaa Haddii Doorashada La Iga Guulaysto Dadweynahaana go’aanka iska leh” Madaweynaha DDS

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jigjiga, (SLP)-  Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuu aqbali doono haddii doorashada madaxweynenimo ee deegaankaas lagaga guulaysto.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in shacabka deegaanku ay dooran doonaan hoggaankooda, waxaanu xusay in xisbi ahaan ay hayaan wax-qabad ay ka hirgeliyeen deegaanka, isla markaana ay rajaynayaan in mar kale in la doorto.Iley

“Waxaa doorashada soo socota ku tartami doona shan xisbi oo uu ka mid yahay xisbiga ka taliya deegaanka ee aan anigu ka mid ahay, waxaanan rumaysanahay in shacabku ay dooran doonaan ciddii tusta wax-qabad fiican,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdi Maxamuud oo u warramayay idaacada BBC, laanteeda afka Soomaaliga.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in xisbiyada talada deegaanka ku tartami doona la diiwaan-geliyay, isla markaana ololaha doorashaduna uu yahay mid meel wanaagsan maraya xilligan.

“Dadweynaha deegaanku waxay wax ku dooranayaan waa rabitaankooda iyo ciddii tusta wax-qabad iyo horumar. Xisbiyada tartamayana guushiisu waxay ku xidhan tahay hadba wuxuu la yimaado si uu shacabka ugu qanciyo,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxewynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaanu intaas ku daray inay ku dedaali doonaan in doorashadu ay deegaanka uga dhacdo si xor ah oo xaq ah, isla markaana ay doorashadani noqoto mid si dumuqraadi ah ay ugu tartamaan shanta xisbi ee loolanku ka dhexeeyaa.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd inuu aqbalayo haddii doorashada xisbigiisa lagaga guulaysto waxa uu ku jawaabay. “Haa waayo dadweynaha ayaa go’aankooda iska leh, ciddii ay xilka u dhiibtaan ayaa hawsha wadaysa, ciddii aanay u dhiibbana xil qaban maayo.”

Ugu dambeyn, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in go’aanka shacabka lagu qasban yahay in la qaato, shanta xisbi ee tartamaya xisbigii la doortaana deegaanka maamuli doono, kii laga guulaystana la maamuli doono.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories