HomeWaalidiinta Dhalinyaro Xabsiyada ku xidh-xidhan oo Codsi diray iyo Taliye Fadal oo...

Waalidiinta Dhalinyaro Xabsiyada ku xidh-xidhan oo Codsi diray iyo Taliye Fadal oo Xasilooni dareemaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waalidiinta Dhalinyaro ku jirta Xabsiyada Hargeysa oo dhowaan magaalada Hargeysa lagaga qab-qabtay hawl-gal ciidamada Boolisku ka sameeyey xaafadaha Caasimadda, ayaa codsaday inaan ubadkooda laga fogeyn oo lagu hayo Xabsiyada magaalada, kaddib markii Taliska boolisku sheegay in dhalinyaradan look ala diri doono Xabsiyo ku yaala gobollada kale ee dalka.

Dhalinyaradan ayaa loo xidh-xidhay falal amni-darro ah oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey magaalada Hargeysa xilliyada habeenkii, waxaanay isugu jiraan qaar loo haysto fal-dambiyeedyo la xidhiidha boob iyo dhac ay u geystaan dadka halka qaarkoodna lala xidhiidhiyey Isku-dhacyo ammaan-darro sababay oo dhexmara dhalinyaro koox-koox ah oo ku dagaalama xaafad-xaafad.

fadal boolisWaalidiintan oo Hooyooyin u badan ayaa mar ay maanta Saxaafadda la hadleen sheegay inay haatan ubadkoodu ugu xidhan yihiin Hargeysa, wax dhib ahna aanay ku qaban islamarkaana aanay doonayn in laga geeyo Gobolada fog.

“Waxaanu nahay Hooyooyinka Kuwa yaryar ee Diyaanada(Kooxda Diyaana), ee la soo Eedeeyay, imika ma jiraan wax dhib ah oo lagu hayo laakiin, waxaanu codsanaynaa inaan nalaga fogayn Caruurta”ayaa ka mid ahaa Hadalka Hooyooyinkan.

Waalidiinta ayaa sheegay in Haatan Ubadkooda loo sii daayo Cuntadana ay u geeyaan, “Waxaanu Nahay Waalidka Qolada Duufaan, Caruurtayada si fiican baa naloogu hayaa,lamina jidh dilin dhib kalena looma gaysan laakiin Waxaanu Madaxweynaha Taliyaha Booliska iyo Wasiirka Daakhiliga ka codsanaynaa maadaama aanu nahay Agoon, Shilinna aanaan u hayn in Meel dhaw oo Caruurtaas aanu ka gaadhi karro naloo geeyo.”

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in Bulshadu deggenaansho iyo xasilooni dareentay tan iyo markii hawlgalkani bilawday, walina la sii wadi doono.

“Qofkasta oo bulshad ka mid ahi waxa uu dareemay ammaanku waxa uu yahay, inuu nabadna ku seexdo kuna soo tooso,waxaana noo qorshaysan in saldhigyada iyo rugaha ciidanka la balaadhiyo oo hadba waxa ay duruufto noo saamaxdo dhisno,waana qorshe wanaagsan,halkii aanu meel dheer uga gurman lahayn waxa ka fiican in goob kasta laga helo rug ama saldhig Boolis,” Sidaa waxa yidhi Taliye Fadal oo maanta ka hadlayey xaflad soo sameeyey dhagax-dhigga Saldhig boolis oo loo samaynayo Degmada Maxamuud Haybe ee Hargeysa oo ka mid ah Xaafadaha ugu badan ee dhalinyarada laga qab-qabtay.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalkan lagu beegsanayo dad gaar ah “cidda ciidanku ku daba jiraan maaha cid walba, maaha kooxaha oo dhan,laakiin, waa qaar qorshaysan oo nabad galyada wax u dhimaya,hawl galkaas ciidanku meel fiican ayuu marayaa,qof kasta marka ay ciidanku qabtaana,sharciga ayaa ciidanku hor keeyaan maxkamadda iyo xeer ilaalinta” ayuu yidhi Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuti Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories