Home“Waad ku mahadsantihiin in aad Noogu Baaqdeen Degmada Axmed Dhagax, Waanuna iman...

“Waad ku mahadsantihiin in aad Noogu Baaqdeen Degmada Axmed Dhagax, Waanuna iman Doonaa” Xulka Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Boorama(SLpost) – Maalmihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay warar ku saabsan in xulka gobolka Awdal ka walaacsan yahay ka qayb qaadashada wajiga labaad ee isreeb-reebka ciyaaraha gobolada Somaliland ee Hargeysa. Shir jaraa’id oo inamada ciyaartoyga ahi dhawaan qabteen waxay ku soo bandhigeen walaacooda ay ka qabaan dhinaca ammaankooda Hargeysa, sidoo kalena waxay maamulka Awdal ku dhaliileen inaan taageero loo fidin ciyaartoyga, balse maanta waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka qayb qaadashada ciyaaraha.

 

Haddaba shir jaraa’id oo ay maanta wada jir u qabteen isu duwaha wasaaradda ciyaaraha ee Awdal iyo ciyaartoyga Awdal ayay ku shaaciyeen inay Hargeysa iman doonaan maalmaha soo socda. Waxay rajo fiican ka muujiyeen inay ku guulaysan doonaan goobka gobolada oo ay ku tilmaameen kii ugu xamaasad badnaa ciyaaraha gobolada.

 

 

Geesta kale waxay ka mahadceliyeen balanqaadyo soo dhaweyneed oo ka soo yeedhay xulka gobolka Hawd iyo guddida nabadgalyada ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kuwaasi oo sheegay inay si diiran oo gaar ah Hargeysa ugu soo dhaweynayaan xulka Awdal, maadaama hore Boorama loogu soo dhaweeyay Xulka Hawd iyo taageerayaashiisa.

 

 

“Run ahaantii haddaanu nahay xulka gobolka Awdal aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay, waxaanad ka jawaabteen soo dhaweyntii aanu idinku soo dhawaynay gobolka Awdal, waxaanu idin leenahay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, waanuna iman doonaa ciyaaraha, iyadoo maalintana la shaacin doono.”

 

“Waxaanu leenahay waad naga farxiseene idinka Alle ha idinka farxiyo.waxaanu marti idiinku nahay waa degmadiina, waa hoygiina. Waxa kale oo aanu marti idiinka nahay inaad na taageertaan sidii aanu idiin taageeray eenu sacabada idiinku tunay eenu idiin lahayn Hawd Guul ( Viva Hawd), anagoo ku kalsoon inaad na taageeri doontaan waxaanu cod dheer iyo mid gaaban idinku leenahay  waad ku mahadsan tihiin baaqa aad noogu baaqdeen inaad nagu soo dhawaynaysaan Degmada Axmed Dhagax, inshaa Allah maalin cad ayaanu halkaasi idiinkaga soo degi doonaa.”

 

 

“Dhalinyaradu way isku tagaan oo way isku wareegaan, Hargeysa oo caasimadii ahna u malayn maayo in khalkhalba dhici karo. Markaa arrinta amniga dadka uun baa shaaha ku cabaya oo dad buunbuuninaya ayaa jira oo iyagu dano gaar ah ka leh, hadday Hargeysa tahay iyo hadday Boorama tahayba, oo markii Boorama la imanayay ba dad baa khaakhuul ku waday dhalinta Maroodijeex. Markaa koobkan oo ah kii ugu xamaasad iyo xalad badnaa waxaanu jecalahay inaanu ku guulaysano oo lagu xardho Awdal,’ ayaa ka mid ahaa erayada masuuliyiinta ciyaaraha gobolka Awdal iyo ciyaartoygu ka yidhaahdeen shirkaasi jaraa’id.

 

 

Xulalka Hawd iyo Awdal oo Boorama ku ciyaaray ciyaartii furitaanka koobka ayaa maalintaasi kooxda Hawd oo ciyaarta laga badiyay sheegeen in shiid iyo orin taageerayaasha kaga timid ciyaartu ka qastay balse arrimahaasi ayaa la daweeyay, waxaanay tilmaan toolmoon oo ka mid ah ujeedada is dhexgalka ciyaaraha noqon doontaa siday u soo dhaweeyaan xulka Hawd dhigooda Awdal.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories