HomeWaad Daashay ee Duubka ii Xidh!

Waad Daashay ee Duubka ii Xidh!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Wakhti waliba wayihiisa iyo warkiisa leh’e, waxa la yidhi wakhti hore oo ku taxan sooyaalka sheeko, ee dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxa jira oday gayiga ka tilmaamnaa, lagu na majeeranto aqoon dhaqan iyo mid bulsho, tallo-aqoon ah. Odaygaasi waxa uu Alle deeq u siiyay inta soomaalidu rag ku xulan jirtay ba. Haddii ba warkiisa iyo hadal hayntiisu ba gaadhay geyiga iyo deegaanka uu ku noolaa, muddo dheerna haddii tallo iyo tilmaan ba loogu iman jiray odaygii, ayaa iyaba waa iska sunnaha noloshee, waxa saluugtay sida uu wax uga arrimiyo afadiisii ama ooridiisii u dhaxday waxaanay xaajigeedii ku tidhi “Aw hebeloow waayadan talladaada iyo arrinkaaguba waa wagash-wagashe  reerka si wanaagsan ugu arrimi ama tallada iyo arrinka iska soo wareeji!” Cajab iyo cibaaro ku noqotay odaygii, se wuxuu ahaa waayeel wax badan u soo joogay oo waayaha adduun wax uga bilawnaayne ismuu hawline wuxuu ku sheegay ooridiisii in uu qorshaynayay inuu tallada reerka wakhtiga jiilaalka ee soo dhaw ku wareejin doono.

Xaajiyaddii iyada ahayd hoosta ka mushxaradday oo tidhi “Alla magane waa tabtaan la rabay.”

Wax wakhti is guraba waxa la gaadhay wakhtigii, iyaduna ma mooganee markiiba waxa ay tidhi “Xaajoow jiilaalkii waa kaas bilaabmay e’ duubka soo wareeji, saligaaaga iyo waysadana halkaas dhigo war isugu keen hadhayna ma jiro.” Odaygiina isagoon hadal iyo hugun toona ugu darin ayuu duubkii wareejiyay niyadda se wuxuu ka leeyahay “Horta heblaayo iyo tallana ha is arkeen!”

Iyaduna waa siday rabtay mushxarad, alalaas, uugaan iyo ciyaar waxay karaysaba samaysay.

Haddii ay maalmo yar maskaxda rogrogtay fikir iyo faqna nafteedii la shawrtay ba, waxa ay u yeedhay odaygii waxaanay tidhi “Xaajoow talladayda si wanaagsan u dhagayso, wakhtigu waa adag yahay waa jiilaal dhalaanka iyo reerkuna wuxuu u baahan yahay wuxuu maalmahan adag kaga baxo oo ku tamariyo, adiguna intaad tallinsay caruurta waxba umaad gawricin oo saruurad ayaa laysay, duunyadeenan xaraysanna markaan rogrogay ee aan dhan walba u eegay waxaan arkay in awrkaa weyn ee reerku ku guuro oo kali ahi ku jiro wax shilis oo ay ku saruurrad goyn karayaan, isla markaana ay jiilaalka kaga bixi  karayaan markaa waa in dhuunta lagu dhuftaa saaka kaas.” Odaygiina yaab, tallo ku caddaatay, ku ye “Dhagayso heblaayoow adigaa reerka u arrimiya  ee sidaad yeelayso yeel.”

Iyada oo  hoosta ka qoslaysa ayaa awrkii ratiga ahaa ee reerku ku guurayay gawrac dhuunta loogu jiiday. Markiibana waxay ku tiraabtay i dhagaysta hilbaha awrka ha wada jar-jarina, maalinba inta reerku  u baahan yahay ayuun baa laga soo goynayaa si aan raqda loo arag oo aan dadku inoo martiyin. Hawraarsan lagu guddoonsan talladeedaas xaajiyadda. Markii hilbihii intii looga baahnaa ay ka goosatayba heeryadii iyo wixii ay haysaba dusha ka saartay, muddo maalmo ah markii hilbihii awrku sidii ahaayeen, waxa ay xaajiyaddii la soo fadhiistay odeygeedii geed yar hoostii oo hadh qoodaal ku yaalla iskaga cibaadaysana, haddiiba cabaar la sheekaytay ayaa waxa si lama filaan ah xaajiyaddii ugu tidhi “Ee Aw hebeloow waxan qadhmuun ee urayaa waa maxay?

Odaygii oo dareensan in waxa urayaa yahay hilbihiiay heeryaysay islaantu Ku yidhi “Heblaayoow waxa urayaa waa talladaadii! Aniguna waanigii daalay ee duubka kuu xidhaye la dabaallo.”

 

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories