HomeWaabeeye Iyo Cali Mareexaan: Saaxiibo Ay Siyaasadu Kala Fogaysay Oo Maanta Kala...

Waabeeye Iyo Cali Mareexaan: Saaxiibo Ay Siyaasadu Kala Fogaysay Oo Maanta Kala Taagan Laba Daraf Oo Kala Fog

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Dabayaaqadii sannadkii 2005, markii la doortay golaha wakiilada Somaliland waxa ay wasiirka hawlaha guud Cali Maxamed Xasan “Cali Maareexaan” iyo xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) golaha wakiilada soo galeen iyagoo gacmaha is haysta, lagana soo wada doortay gobalka Togdheer islamarkaana ay ka soo wada baxeen xisbiga KULMIYE oo wakhtigaas ahaa mucaarad.

IMG_1106

Ku sinaan shan sannadood oo ay ahaayeen xildhibaano mucaarad ah, waxa ay xiisadaha siyaasadeed ee dalka amaba golaha ku soo kordha ku wada waajihi jireen aragti midaysan iyadoo la arki jiray iyagoo dhinac ka wada istaagaya cidda ay u arkaan inay wiiqayso xisbigooda KULMIYE amaba halganadooda siyaasadeed ee kale. Waxa ay isku xidhnaantoodii sii laba laabantay markii uu Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii xisbigooda uu noqday Madaxweynaha Somaliland, waxaanay markan bilaabeen ololeyaal ay ku fulinayaan mashaariic horumarineed. Waxa ay wada jir socdaalo ay ugu baxeen dalalka Yurub oo ay qaadhaan uga soo ururiyeen madaarka Burco, cisbitaalka dhimirka Burco, Jaamacadda Burco iyo goobo bulsho oo kale.

Sidoo kale, waxa la lagu xaman jiray in markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada qabtay ay xukuumadda ka qaateen qandaraasyo ay ka heleen lacago ay ka faa’iideen.

Markaad Cali aragto, waxaad aragtay Waabeeye, markaad Waabeeye aragtana waxaad aragtay Cali. Hase yeeshee sidii ay saaxiibtinimadooda iyo isku duubnimadoodu sidaas u ahayd, waxa mar qudha ku yimid isbedel ay waayaha siyaasadeed aabo iyo hooyo u yihiin.

Maanta, maaha laba nin oo aragti ahaan dhinaca siyaasadda wada socda, waxaanay kala baydheen bishi November ee sannadkii tagay oo ku suntan shirkii golaha dhexe ee KULMIYE. Cali Mareexaan wuxuu garab istaagay murashaxnimadii Muuse Biixi, waxaanu noqday wasiirka hawlaha guud, halka uu xildhibaan Waabeeye ka horyimid Muuse Biixi kana mid noqday isbahaysiga madaxtooyada ay kala dheeraadeen. 

Siyaasadu waxay sabab u noqotay in saaxiibadii sidaas isugu sidkanaa ay kala durkaan, lagamana yaabo maanta inaad aragtid wada socodkoodii iyo saaxiibtinimadoodii, waxaanay u dhowdahay in aragtidooda siyaasadeed ay habeen walba sii kala fogaato, sababtoo ah waxay ku guuldaraysteen inuu midina midka kale ku qanciyo inuu aragtidiisa la qaato.

Inkastoo aan weli la arag iyagoo warbaahinta isu marinaya warmo siyaasadeed, haddana waxa la arkaa isagoo mid waliba difaacaya kooxda uu aragti wadaaga siyaasadeed la yahay, taas oo suurtogal ka dhigi karta in aakhirka ay iyagu isku soo muruxsadaan.

Dadka qaarkood ayaa aaminsan inay saaxiibtinimadoodii ka door bideen inay kala raacaan siyaasadaha kala fog ee labada oday ee adeerka u ah kuwaas oo kala ah Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro. Cali Maareexaan wuxuu hadda wasiir ka noqday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, halka xildhibaan Waabeeyana la saadaalinayo in isaga iyo isbahaysigiisuba ku biiri doonaan xisbiga Waddani ee uu Cirro hoggaamiyo.

Si kastaba ha ahaate, saaxiibtinimadii Waabeeye iyo Cali Maareexaan, waxa kala fogaysay siyaasad, waxaana la odhan karaa waxa dhex yaala dabino siyaasadeed oo ay in badan u xidheen siyaasiyiin kale, kaas oo aakhirkii iyagii isku soo jeediyay.

Xigasho Geeks Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories