HomeWaa Xildhibaanaddii! – Faallo, Cumar M. Faarax

Waa Xildhibaanaddii! – Faallo, Cumar M. Faarax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ciise Cabdi Ducaale, waxa uu baarka ka jaray da’da todobaatameeyadda. Waa haasaawe  ruug, aftahamo xeel dheer leh. Waa dhaqan aqoon gaaso-baxay oo bulshadda iyo gedihiisuba ay afkiisa uun dhawraan. Ma hadal badna laakiin wuxuu marka uu wax ka hadlayo gudbiyaa ereyo kooban  xikmad leh oo maadi ku lammaan tahay.

Ciise waxa uu degan yahay  magaaladda Hargeysa, allaaba waxa uu galabtii asxaabtiisa kula qaataa mukhaati shaah macaan oo ku taala xaafadiisa meel aan sidaasi uga sii fogayn. Inkasta oo aanu aqoon maadiya lahayn, haddana waxa uu ka mid yahay dadka hibadda eebe u siiyay aqoonta dabiiciga ah. Wuxuu  u soo joogay waayo- iyo maalmo badan oo ku taxnaa nolashiisa oo ka dhigay  inuu noqdo waayo arag buuxa.

Oday Ciise isagoo ka khax-waynaya goobtaasi uu laasimay ayaa waxa isaga iyo saaxiibaddii ku soo dhacay war dhiile leh. Kuye’ waxa xalay inantii ina hebel hebel oo  maraysay  goob heblaayo  helay niman dhalinyaro ah oo balwad ka dhigtay inay  Haweenka iyo dadka  nugul ka qaadaan Mobile-da cawayskii. Waxa loo sheegay in inantaasi nabaro wajiga laga gaadhsiiyay, handadaad ka dibna Telefoonkeedii gacanta si argagixiso ah looga faro-maroojiyay.

Ciise iyo Saaxiibaddii iyagoo isla galabtaas aan goobtiiba ka kicin ayaa haddana nin meesha soo fadhiistay uu u sheegay inay habeen hore niman dhalinayaro ah oo mindiyo daab weyn ku hubaysani ay gacanta kaga dhufteen mindi. Isla markaana ka qaadeen Telefoonkiisii gacanta xili uu marayay 11 cawaysnimo meel xaafaddo dhexdood ah. Haddii odayaashii meheradaasi  fadhiyay ka amakaageen dhaqan budhcad dariiqeedkan ku soo batay magaaladda Hargeysa ayaa mid waliba habaar iyo haaraan ay iskugu dareen kooxdan bulshadda ciishay. Waxay isla garteen in  iyagoo ciidammadda booliska lala kaashanayo ay ka hawl-galaan sidii dhaqankan xun loo suulin lahaa.

Cabaar haddii ay wad-wadeen  odayaashaasi sheekadda arrintan oo uu Oday Ciise-na uu aamusnaa intaasi oo dhan. Ayuu inta uu mar dambe soo hambabaray wuxuu si kadis ah isagoo gacantiisa dhabanka ku haya uu ku tiraabay “Waxa inantii laga sheekeeyay iyo ninkan inala fadhiyaba helay Xildhibaanaddii!.”

Ciise Saaxiibadii yaabe  waxaanay si  hal-haleel ah inta ay qosleen  ugu jawaab celiyeen  “Xildhibaano Maxay ah?,” ka dibna inta uu qadar kooban aamusay ayuu ugu hal-celiyay. “Waxaan uga jeedaa dhalinyaraddan 25 jirku ugu  weyn yahay ee dariiqyadda dadkooda ku dhibaya ee hablaha iyo dadka waaweyn mindiyaha u soo tuntay ee dadka laynaya isla markaana Mobile-da ka qaadaya. Waa raggii aan ku waday inay Goleyaasha qaranka galaan ee madaxweynaha iyo Goleyaasha Baarlamaanku shuruucdii dalka u fureen si fursad loo siiyo.”

 “Aheey…. Ah! Waxa  tacab khasaar taagan Goleyaashii u fadhiistay iyo Madaxweynihii kuwan Mobile-da qudha ku jaraya xeerarkii u furay. Waar waxaan macnawiyan idin idhi  dadkaas waxa helay Xildhibaanaddii,”ayuu yidhi Oday Ciise, ka dibna waxa goobtii hadheeyay qosol gariir ay dadkii goobtaas fadhiyay iyo kuwii ka ag-dhawaaba ay kuraasta ka dhaceen.

Waxgaradkaasi Waxay isla garteen inay  jiraan dhalinyaro wanaagsan oo dhaqan iyo edaab leh oo aqoon leh oo dabarkan madaxweynuhu ka furay dhalinyaradda fursad naadir ah ay u tahay. kana faa’iidaysan kara wakhtiga u hiiliyay.

Maalintaasi wixii ka dambeeyay goobtii oday Ciise iyo saaxiibadii  Bar-kulanka u ahayd waxa looga yaqaanaa tuugta Mobile-da hal-hayska ah “Waa Xildhibaanaddii”

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories