Home“Waa xaq in shacabka Jabuuti ugu abaalgudaan waxqabadkii iyo horumarkii uu gaadhsiiyey...

“Waa xaq in shacabka Jabuuti ugu abaalgudaan waxqabadkii iyo horumarkii uu gaadhsiiyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar.”Xasan Suudi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

“Lagamu qiimeeyo inta xilli ee qofku qabtay xilka, ee waxa lagu qiimeeya waxuu qabtay, mucaaradkana waxaan leeyahay noqda kuwo wax dhisa..” Mr. Xasan Suudi Xirsi

Hargeysa(SLpost)-Xasan Suudi Xirsi, oo ka tirsan aqoonyahanka Somaliland ayaa faahfaahin balaadhan ka bixiyey horumarka xukuumada Jabuuti ku talaabsatay, oo mudan ku deyashadiisu, isla markaana sheegay inuu diyaar u yahay inuu la gara istaago hiilkiisa, si aan looga leexin dariiqa horumarka.

 Xasan Suudi ayaa sheegay sannadihii 1990-kii ka horeeye dhaqaalaha dalka Jabuuti hoos-u-dhac weyn ayaa ku jiray, shaqaalahuna mushahar ma qaadan billo bdan, wax walba wax taagnaayeen, laakiin markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele xukunka qabtay, waxay gaadheen in afar dekedood dhistaan, waxaanu yidhi, “Markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar xukunka qabtay waxuu bilaabay dedaalo, shacabkuna ku taageeray oo horumar lagu gaadhsiiyey dalka Jabuuti, oo keenay in afar dekedood laga dhiso, waxa la bilaabay wadooyinka tareenada isku xidha dalka Itoobiya iyo jabuuti, ama socda.

 Mr. Xasan Suudi ayaa sheegay in shacabka Jabuuti noqdeen dad garta waxqabadka iyo horumarka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar gaadhsiiyey, isla markaana la yimi abaalcelintiisa, waxaanu yidhi, “Shacabka Jabuuti waxay noqdeen ummad garatay horumarkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar gaadhsiiyey, isla markaana abaalcelintoodii noqotay inay taageeraan inuu xukunka u sii hayo, talaabada oon hore dunnida uga dhicin marka laga reebo dalka Masar.” Isagoo raaciyey, “Abaal qof gala in loo gudo ayuu mudan yahay, waa xaq in shacabka Jabuuti uga abaalgudaan waxqabadkii iyo horumarkii uu gaadhsiiyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

 Mr. Xasan Suudi ayaa sheegay inuu qori doono buug magaciisa la yidhaahdo Jabuuti shalay iyo Maanta, isagoo ka hadlaya sababaha ku kalifayna waxuu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan ugu hiiliyo shacabka iyo xukuumada Jabuuti horumarka ay gaadheen mudadii Madxaweyne Ismaaciil Cumar xukunka u hayey, isla markaana ugaga hiiliyo kuwa doonaya inay ka leexiyaan dariiqa horumarka oo hakad ka geliyaan.

 Mr. Suudi ayaa sheegay inaan dalka Jabuuto lahayn beero iyo wax kale laakiin ay heleen arrin deeqday oo wax walba ku heleen waa nabada, naaska irmaan ee horumarka ay ku gaadheen, waxaanu yidhi,

“Jabuuti naaska irmaan ee horumarka gaadhsiiyey waa nabada, waa in shacabkoo kaashanaya hogaaminta madaxweyne Ismaaciil Cumar ilaashadaan, maxaa yeelay waxay ka dhigtay gogoshii nabada aduunka iyo in wadamadda caalamka ugu waaweyn fadhiisimo ku yeeshaan.” Bishan gudaheeda dalka jabuuti waxa ka dhaca ijtimaaca aduunka ee Tabliiqa, isla markaana Madaxweyne Ismaaciil waxuu ugu deeqay dhul badhaan oo loo dhisay kulankaa diiniga ah.

 

Mr. Xasan Suudi oo ka hadlayey dedaalada xukuumada jabuuti samaysay ayaa sheegay inay gaadhsiisay in shirka jaamacada Carabta, markii koowaad taariikhda lagu qabto dal ka baxsan, oo Jabuuti ah, horumarka dhinacyada kala duwan ku gaadheen dedaalada shacabka jabuuti oo kaashanaya, waxaanu yidhi, “waxa laga hadlaa saddex xilli ayuu qabtay, markaad eegtid dalka Jarmalka, markii afaraad ayuu Chancellor-keedu hayaa, lagamu qiimeeyo inta xilli ee qofku qabtay, ee waxa lagu qiimeeya waxuu qabtay, mucaaradkana waxaan leeyahay noqda kuwo wax dhisa, een horumarka dumin.

 Mr. Xasan Suudi oo ka hadlayey dhibaatada iyo halaaga lagala kulmo dawlad la’aanta ayaa u soo jeediyey shacabka Jabuuti iyo mucaaradka inay kaga tusaale qaataan dawlad la dumiyo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Dawlad la’aan iyo dawlad la dumiyo shacabka iyo mucaaradka dalka Jabuuti ha kaga tusaale qaataan Soomaaliya, Liibiya, Yemen, marka nidaamkii dawladnimo loo burburiyo hebel baa doonayee ka kac, markaa qolyaha mucaaradka waxaan soo dhoweynayaa, laakiin waxaan leeyahay yaanay noqon mucaaradnimadaadu mid wax dumisa, ee mid wax dhista u bedela.”

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories