HomeWaa Waajib In Somaliland Ka Qayb Gasho Shirka London Ee Somalida Loo...

Waa Waajib In Somaliland Ka Qayb Gasho Shirka London Ee Somalida Loo Qabanayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

-Markad Eegto Waayaha Siyaasadeed, Nabadgalyo Iyo Diblumaasiyadeed Ee Ku Xeeran qaranka somaliland

-Markad eegto hawlgalada bulshada caalamku in mudo ahba ku fara galinaysay arimaha somalida oo majara habawsan si xaqiiqda jirtana ka fog loo wado

-Markad eegto ku xad gudubka bulshada caalamku ay ku xad gudbayso xuquuqda qaranka somaliland

-Markad eegto ku tumashada bulshada caalamku ay ku tumanasyo xeerarka caalamiga ah iyo axdiga qaranmada midoobay

-Markad eegto sida loo dabray somaliland somalida kalena loo dilaayo

Waxaa waajib muqadasa ah in dawlada somaliland si fiican uga qayb gasho shirka dawlada Britain u qabanayso ee arimaha somalida lagaga hadlaayo.

waa in diyaar garaw farabadan xukuumadu samaysaa. Waa in ay diyaarisaa wafti culus oo ka kooban qaybaha bulshada, hay’addaha dawlada, axsaabta mucaaridka iyo haweenka.

sidoo kale waa in la sii falanqeeyaa, meelna laysla dhigaa waxa shirka lala tagayo.

shacbiga somaliland wuxuuu u baahanyahay in shirka lala tago su’aalo murugsan oo jawaab u helidooda la gaadhi waayay.

Su’aalahaas waxaa ka mid ah waxay bulshada caalamku uga jeedo magaca soomaaliya. Waxaynu maqalnaa somaliya ayaa loo sameeyay dawlad ku meel gaadh ah iyo waxaa loo qorayaa distoor iyo waxaa laga saarayaa ku meel gaadhka oo waxaa loo dhisayaa dawlad rasmi ah, waa ayo hadaba soomaaliyadaasi? somaliland miyay ku jirta mise kuma jirto? haday ku jirto yaa haysta sharciyada wakaaladeed(mandate) ee shacbiga ee wax u dhisaysaa somaliland? siday ku dhici kartaa dhisme dawladeed iyo qoraal distoor oo aanay qayb ka ahayn sida loogu sheegi karo ka mid ahaanshaha somaliland.

waxaynu ognahay in jamhuuriyadii soomaaliya ay ka joobnayd laba dal oo mid waliba xoriyadiisa si gaar u ah uga qaatay dawladihii gumaysan jiray, kuwaasoo kala ahaa somaliland iyo sooomalita oo waliba somaliland ahayd ta xoriyada hor qaadatay.

waxa kale oynu ognahay in jamhuuriyadii soomaaliya ay mudo 21 sanadood ah ay ahayd dawlad fashilan sidaa darteed iyo sida uu qabo sharciga caalamiga ahi waxaa fashilmay heshiiskii midnimada somaliland iyo soomaalita maadaama oo nuxurkii midnimada oo ahaa jiritaanka jamhuuriyada soomaaliya uu fashilnaa 21 sano.

sidaa darteed waa maxay sharciga u diidaya in somaliland ay aayaheeda ka tashato maadaama aanay jirin dawlad lawada leeyahay oo arintaa laga wada hadlaa?

Qaramada midoobay miyay xaq u leedahay soo celinta midnimadi fashilantay? mise waxa ku waajib ah in ay xurmayso aaya ka tashiga somaliland sida ku cad axdiga qaramada midoobay?

somaliland waxay raacday dhabbe dimuqraadi ah waxaanay qabatay doorashooyin xor iyo xalaala oo beesha caalamku maal galinaysay makhraatina ka ahayd. Halkaa waxaa ka soo baxay wakiiladii sharci ee shacbiga somaliland haday tahay xukuumad, baarlamaan iyo dawlado hoose. Waa in bulshada caalamku aqoonsato qirtana wakiilada sharci ee doorashooyinka kusoo baxay, cid kale oo matali karta shacbiga somalilandna aanay jirin. Waa in xukuumadu arintaa culayska saartaa madasha LONDONna la hortagtaa jawaabo cadna ka heshaa, si meesha ay uga baxdo dad aan cidna ka wakiil ahayn oo magaca somaliland lahuwiyaa.

Suaasha kale ee loo baahan yahay in bulshada caalamka aynu isla fahanaa waxay tahay danta soomaaliyeed, ta geeska africa iyo ta caalamkuba ma waxay ku jirta in laysku qoofalo oo la mideeyo soomaaliya mise waxay ku jirta in somaliland iyo somalia mid walba gaarkeeda u taagnaato waxna loola qabto? xukuumadu waa inay bulshada caalamka ama madasha shirka LONDON horgaysaa in nabada iyo xasiloonida iyo horumarka ay ku imanayaan aqoonsiga madax banaanida somaliland. Hadii somaliland la aqoonsado somaliyana waxa ka dhalan doonta iyo tartan horumarineed oo ay la gasho somaliland iyo gobolkaba

Aqoonsiga somaliland wuxu dhidibada u taagayaa nabad ku wada noolaanshaha dalalka geeska africa(sidii ay SNM meesha uga saartay colaadi u dhaxayn jirtay soomaalida iyo Ethiopia)

balse soo celinta dawlad midaysan oo soomaaliyeed waxay dib u abuuri karta dagaal sokeeye waxaanay soo celin kartaa mabdi’ii soomaali wayn ee qori ku xoraynta ku salaysnaa.

Waxaan xukuumada kula talinayaa in arimaha kor ku qoran iyo wixii kale ee ay ku daraysaba ay degdeg ugu hawl gasho.

Waxaan ku soo khatimayaa waftiga somaliland waa in uu hogaamiyaa madaxwaynuhu isla markaana ay la socdaan gadh cas ka tirsan guurtida, aqoonyahano ka socda golaha wakiilada iyo aqoonyahano ka socda haweenka

Yousuf Nour Mahamed ( Guruuje )

Capacity Building Director

Somaliland National Commission Aids( SOLNAC )

Tel :    4424031

office : 518596

Hargiesa Somaliland 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories