Home"Waa runtiinna oo bari baanu isku tanaasuli jirnee, Cirro iyo Muuse ayaan...

“Waa runtiinna oo bari baanu isku tanaasuli jirnee, Cirro iyo Muuse ayaan go’aanka iyo talada goyn jirin… labadan nin Qur’aanka in la saaraa weeyi” – Faysal Cali Waraabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa faahfaahin ka bixiyey Jewiga uu ku soo dhammaaday kulamo shalay ilaa xalay magaalada Hargeysa uga socday wakiillo ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Somaliland oo Isku mari qodobbo ka mid ah tiir-dhexaadka qabsoomidda doorashooyinka la qorsheeyey daba-yaaqada sannadkan inay ka qabsoomaan dalka.

 

blank

 

Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, Waddani iyo Kulmiye, ayaa markii u horeysay shalay in muddo Isku soo hor-fadhiistay wada-hadallo xal loogu raadinayo muranno siyaasadeed laysku mari waayey oo muddooyinkii u dambeeyey hadheedhay doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, iyadoo fadhiga shalay uu ku soo biiray xisbiga Mucaaradka ee WADDANI oo dib-joog ka ahaa geeddi-socodka diyaar-garowga doorashooyinka sababo la xidhiidha xisbiga oo qaaddacay inuu ka qayb-qaato doorashada sababo la xidhiidha xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo xisbigu kalsooni-darro ka muujiyey soona jeediyey in gebi ahaantooda la beddelo, tirada xubnaha Komishanka oo Toddoba ahna laga dhigo 9 xubnood.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in ilaa hadda laysku mari la’ yahay qodobka guddiga doorashooyinka, go’aan ka gaadhistiisuna ku xidhan tahay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu labadoodaba ugu baaqay inay isu-tanaasul sameeyaan. Faysal Cali Waraabe waxa uu kaga dhawaajiyey in beesha Caalamku dareen ka qabto go’aan ka gaadhis la’aanta khilaafka hadheeyey doorashooyinka. 

 

“Barigii dhawayd ee aanu tagnay Kenya, waxa lanagu yidhi, ‘Waar waad isu tanaasuli jirteene, maxaa idinku dhacay?’ Waxaanu nidhi waa runtiin oo bari baanu isku tanaasuli jirnee, Cirro iyo Muuse ayaan go’aanka iyo talada goyn jirin. Markaa labadaa nin baa maanta taladii gooyoo, labadii nin baanu fahmi kari weynay baanu ku nidhi,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxan imika laysku hayaana waxa weeyaan ma todobaan ka dhignaa mise Sagaal, markaa labadoodii baan midna tanaasuuleyn. Markaa xalku wuxuu noqonayaa ciddii doorashada wadda, annaga doorasho ayaa noo dan ah, doorashado hadday dhici weydana dalku wuxuu galayaa mugdi, beesha caalamku way innaga tagaysaa, innaguna waa kala tagaynaa.”

 

Guddoomiyaha oo la weydiiyey in labada dhinac heshiis ku yihiin kala-diriska Xubnaha Komishanka, waxa uu iftiimiyey inaan laysku raacsanayn kala diristooda ujeeddada guud ee laysku mari la’yahayna arrintaas salka ku hayso. 

 

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu la hadlay Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Muuse, “Markaa waa inaad soo ducaysaan, labadan nin ee Guddoomiyaha iyo Madaxweynahana Qur’aanka in la saaraa weeyi, danta guud inay eegaan weeyi oo waxa innagu hareeraysan eegaan oo in midkood tanaasulo.” Sidaas ayuu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta magaalada Hargeysa kula hadlay qaybo ka mid ah saxaafadda dalka.

 

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories