Home“Waa qalad in isku mar doorashadu ka dhacdo Somaliland iyo Soomaaliya, Komishankuna...

“Waa qalad in isku mar doorashadu ka dhacdo Somaliland iyo Soomaaliya, Komishankuna kamuu fiirsan waqtiga uu cayimay”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo ka mid ah   golaha wakiiladda Somaliland ayaa  ku tilmaamay  inay qalad tahay in Komishanka doorashooyinka u cayimo in doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha wakiiladdu qabsoomaan sanadka 2016 oo ay dhacayso doorashadda Soomaaliya.

VLUU L100, M100 / Samsung L100, M100
VLUU L100, M100 / Samsung L100, M100

Waxaanu sheegay in ay lagama-maarmaan tahay in la kala leexiyo mudadda la qorsheeyay in ay dhacaan doorashooyinka Somaliland iyo ta maamulka Xamar oo la sheegay in ay ku beegan tahay sanadka 2016-ka. waxaanu sidoo kale  sheegay in golaha guurtidu awood u leeyahay inay qiimeeyaan wakhtiga ay ku qabsoomi karaan doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamed Xuseen oo shalay  magaaladda Hargaysa ugu  waramay  qaar ka mid ah warbaahinta,  ayaa   u soo jeediyay   golaha guurtida inay kala duwan wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Somaliland iyo Somalia, maadaama oo aynu kala nahay laba dal.

“Golaha guurtida ayaa awood u leh inay qiimeeyaan wakhtiga lagu qaban karo doorashooyinka, dastuurka ayaana awood u siiyay Komishanka doorashooyinkuna talo ayuu soo jeediyay oo wuxuu yidhi muddo hal sano ah ayaan ku qaban karnaa doorashooyinka, markaa waa in golaha guurtida la qiimeeyaan  sanadkaa in Komishanku doorashooyinka doorashadda ku qaban karo iyo in ay ka badnaan karto iyagoo duruufo badan eegaya” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi   “Waxaa  jirta, oo iyadna taasi  ka daran Soomaaliya  waxa doorashadda ka dhacaysaa 2016, waana qalad in isku mar doorashaddu ka dhacdo Somaliland iyo Soomaaliya.

Waana  in la kala duwaa Komishankuna halkaa kamay fiirsan waxaanan leeyahay guurtidu  waa inay dhaafiso doorashadda Somaliland wakhtiga doorashadda Soomaaliya oo isku mid ma nihin Soomaaliya.

Waanay  ku degdegeen Komishanka wakhtiga ay doorashadda u cayimeen guurtida ayaanan ka sugaynaa wakhtiga doorashadda dhacaysa”.

 

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Xuseen waxa   uu sheegay inay weli  qabyo yihiin xeerarkii  lagu soo dooran lahaa  goleyaasha wakiiladda,  guurtida iyo kala  xadayntii gobolada iyo degmooyinka dalka.  Waxaanu  tilmaamay  in arrintaasi  saamayn ku  yeelanayso doorashadda.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa  uu yidhi “Waa qabyo xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiiladda iyo guurtida, waxa kale oo qabyo ah kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka dalka oo gobolo cusub ayaa la magacaabay oo lama garanayo in doorashaddu ka dhacayso iyo in kale, saamayn ayaanay ku yeelanayaan  doorashadda waxyaabahaas oo dhami”.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories