HomeWaa maxay yoolkaagu ?

Waa maxay yoolkaagu ?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa malin rajadu cusub tahay, la bilaaby xaashi kamid ah nolasha, aan sii galbinay sannad nagu laha sameyn,khayr iyo sharba. Aan sagootinay dad qiimo ku laha nolasheena , qaar badana ku soo biireen. waxa u koobsaday farxad murugo iyo werwerba . sanad aan ku tilmaami karno isbedelo badan aan ku araganay. shalay ayaan soo dhawynay maanta waynu nabadgalyeenay . uma dabaal dagayo sanadka cusub ee waxa aan iswaydiinayaa, maxaa inoo qorshaysan sandkan aan saaka la kawsanay.

nolashu waa malin tagtay oo soo noqosho lahayn iyo maalin taagan oo aan waareyn iyo malin soo socota oo garasho aanad u laheyn waxa kuu laaban . nolasho waa taraag dheer ka kooban dhacdooyin kala duwan, ka kooban wanaag, farxad iyo hormar wax kaloo ay leedahay xumaan ,dhibaato iyo murugo .waxa ku jira tartan lagu tarmaayo arzaaqda ,shaqooyinka iyo mansabyadaba. Inta aan ku guddo jirno macankeeda iyo qadhaadhkeedaba waxay inagu reebaysa sameyn weyn . dhacadooyinkaasi wax ay inagu yihiin marti ,marti daasi waa laba mid . mid ku jeclaysiinaysa dunida oo kugu abuurta fikir wanaagsan iyo mid ku gu reebta murugo iyo kalsooni daro. Doorashaduna aday kugu xidhantahay . daraasad ayaa sheegtay in 80% qofku fikirkiisa ka kasbado dhacdooyinka uu la kulmo maalintiba.

Geesta kale nolosha bin’aadamku waxa ay ka kooban tahy istaamo uu dul istaagayo si uu wax uga barto ku fahmayana macnaha nolasha noqonayana qof bisil oo dhamystiran . isaguna iswaydiinayo maxaad ku biirisay marxaladan maxaad ka bartay maxaa se kaa la kulmay .. marka uu si fiican u dhuuxo waqtigaa u taagan yahay waxa hubaala in u naftiisa macalin u noqon doono, naftiisana waxa u ku cawinayaa in uu fahmo sharciyda nolasha .waxa aan arkaynaa dad badan oo daawada istaanka ay taganyihiin iyagoon waxaba ku birin ama ka faa’iidaysan sidaana kaga lumo waqti dhan, isagoon iswaydiin nolashan maxay ka rabtaa adna maxaad ka doonaysaa .istaan kasta waa marxalad muhiim inoo ah waayo sunada nolasha ayaa ah carruurnimo, dhalinyaro iyo gabow . waxa jira dad nasiib badan oo ka faa’iidaysta marxaaldaha ,noloshuna may ka badin ee ayagayaa wax ku soo biiriyay go’aanka ayaad leedahay in aad hormarto ama isdhiibto ,rajo yeelato ama daciifnimo moojiso.adduunku wuu socdaa aan la jaan qaadno khaladka aan galnayn aan ka faidaysano ha inoo noqdo tusaale .

haddaba markasta aan eegno mustaqbal keena. wixii tagayna inta wanagsan aan ka qadano shaxda mustaqbalkana aan dhigno . in aad jeexdo mustaqbalkaga waxa ay ku xidhan tahay dareenka masuuliyada aad garato halka aad kaga jirto nolasha marka aad qirato in dalka iyo naftaaduba xaq ay kugu leeyihiin . in aad jeexdo shaxda nolashada oo kaliya kuguma filna wax laga doonaya rabitaan , go’aan naftaadana u balan qaado in aad gaadhayso halka ku muuqata bini’aadmku waa taariikh waxa soo hadha waxa uu qabtay, sida yaanay kugu dhaafin adiga oo bartaadi tagan,indhaaga ha ku eegin.

Waa maxay yoolkaagu ?!! qof kastoo bini’aadam ah inta uu nool yahay waa in uu sameystaa yool iyo hiigsi fog oo doonayo In uu gaadho , way adag tahay sida aad u dooran karto yoolkaaga .mar walba waan maqalna hadaf sameyso , waa maxay hadafakagu laakin meelna laguma xusin sida aad u samaysan lahayn una cadayn lahayn hadafka. aan dhawr qodob taabano sida aanu hadafkeena u cayimi lahayan:

Ilaalinta Xidhiidhka naga dhaxeeya inaga iyo rabigeena na abuurtay .maskaxdana ku hayno sababta la inoo abuurtay in aan nahay khulifo ) وهو الذي جعلكم خلائف الأرض) . amanada oo alle noo dhiibay waxa ka mida dhulkan aan dul joogno in aan si fiican uugo shaqeeno oo muslim ahaana lanoo daba fadhiisto cilmiga iyo xadaarada sidii aan horaba u ahaan jirnay.

Hadafkaagu si u ku gu cadaado waxa lagu ducaysta

( اللهم وفقنا وبصرنا إلى ما تحبه وترضاه من الأقوال والأفعال)

Naftadda waqti la qaado aad kula xisabtanto .

Isku day in aad malin walba wax cusub barato .

Qorsho sameeyso toddobadle ama bile ah.

Xuska hadafkaaga badi isku xeerna dad wanaga kula jecel.

nolashada adaa iska leh kaliga adigana gooni lagala xisaabtami doona . eeg waxa ka dhiman oo ku biiri mar hadi u diin iyo dhaqan toona ka soo horjeedin . cimrigo wuu isgurayaa maalinta ka tagtaana waa malin aad ugu sii dhawatay dhimashada. waxa kaliya aan u baahanay samir iyo caqli fayo oo ku dhisan akhlaaq ilaahyna talo saarta dibna u eegin waxa tagay kalya ka qaado wayo aragnimo . Bini’aadmka waxa waara waxqabdkiisa iyo waxa u kaga tago dunida waxa waraya fikir aad kaga tagaty.

W/Q: Ibtisaam Mustafe Garaw

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories