HomeWAA MAXAY SIYAASADA DHAQAN DHAQAALE EE HORU MARINTA DALKA

WAA MAXAY SIYAASADA DHAQAN DHAQAALE EE HORU MARINTA DALKA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hor u dhac

Dawlad kasta waxay leedahay siyaasado kala duwan oo ay ku hor u mariso wadankeeda iyo dadkeedaba ayna wax ugu dhimin dawladaha kale iyo shucuubta kalaba, siyaasadahaasi waxay noqon karaan mid guud iyo mid la xiriirta arimaha dhaqaalaha ama arimaha Bulshada ama arimaha Amniga IWM.
Sidaas daraadeed maadaama aan u dhuun duleelo arimaha dhaqaalaha waxaan akhristayaasha sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa maqaal gaaban oo la xiriira arintaasi si ay ugu yara nastaan, akhristihii igu dhaamana uu usii hor mariyo qoraalkayga.

blank

Hadaba siyaasada dhaqan dhaqaale ee ay dowladi ku hormariso wadankeeda ama waajibaadka kala xiriira arintaasi ee
miiska u saran laguna qiimeeyo inay wax ka qabatay iyo in kale waxaa ugu muhiimsan :-
Economic Growth Policy ( Siyaasada kobcinta dhaqaalaha).

Waxaan taas ku macnayn karnaa in ay dawladu leedahay siyaasad cad oo la xiriirta kobocaas dhaqaale iyo sidii ay u kala dooran lahayd kaabayaasha dhaqaalaha sida (Beeraha, khayraadka bada, khayraadka xoolaha, farsamada iyo warshadaha, iyo ganacsiga ) siday iskugu dheeli tiri lahayd awoodeedana kaabaha ugu kobac fiican ay xooga iskugu gayn lahayd waqtiga gaaban waqtiga dheerna ay uga shaqo galin lahayd dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxaa jirta laba dariiqo oo lagu qiyaaso kobacaas oo kala ah :
A) Gross Domestic Production (GDP).
Oo macnihiisu yahay alaabta ama adeega laga soo saaro sanadkii gudaha wadanka, alaabtaas ama adeegaasi ha soo saaraan dadka wadanka u dhashay iyo dawladooda ama dad wadan kale ka yimid iyo dawlado kale .

B) Gross National Production (GNP).
Oo macnihiisu yahay alaabta ama adeega la soo saaro sanadkii gudaha wadanka oo laga jaray dadka ajaanibta ah ee wadanka wax ka soo saaray oo lagu daray dadka wadanka u dhashay ee dibada wax ku soo saaray.

1) Low Price Inflation. ( Sicir barar hooseeya).

Dawladu waa inay la dirirtaa sicir bararka khayaaliga ah si sumacadeedu u jirto waxaana xaqiiqo ah in loo baahanyaha y wax yar oo sicir barar ah (Inflation Targeting).

2) Low Unemployment (Shaqo la,aan hoosaysa).
Dawladu waa inay la dirirtaa shaqo la,aanta baaxada leh ee jiritaankeeda ka hor imanaysa, waana inay abuurtaa shaqo si taas loo helana waa inay leedahay siyaasad dhaqaale iyo wax soo saar cad oo dad cilmi iyo khibrad lehna dajiyeen.

3) Avoid Trade Deficit (waxa la dhoofiyo waa inuu bato)
Dawladu waa inay ka fogaato waxa u soo dagaya ee la cunayo ama la xidhanayo ama lacabayo inay ka bataan waxa ay dhoofinayso, taas oo macnaheedu yahay in dadkeedu ay quutaan waxa wadanka ka soo baxa si qiimaha lacagtoodu hoos ugu dhicin.

4) Unfair to Distribution of Income (waa inaysan jirin kala sarayn wayn oo
dakhli).

Dawladu waa inay yeelato siyaasad cadaalad ku dhisan oo dhaqaale, aana la helin in bulshadu 20% ay qani yihiin IWM, inta kalana ay fuqaro yihiin, taas oo macnaheedu yahay in la isku soo dhaweeyo bulshada, Canshuur ( ama zako) badana la saaro dadka qaniga ah kuwa fuqarada ahna wax loogu qabto.

 

 

 

5) Environmental Sustainability (deegaamaynta waa inay sugnaato).
Dowladu waa inay leedahay siyaasad cad oo la xiriirta Deegaanka sida Dhulka iyo nabaad guurka, bada iyo khayraaka ku jira inaysan nabaad guurin, hawo nadiif ah, waxaana jira laba siyaaso dhaqaaleed oo lakala yiraahdo

a) Ecological Footprint. ( Deegaanka).
Oo macnaheedu yahay in dowladu ilaaliso Deegaanka lagana isticmaalo inta loo baahan yahay.
b) Carbon Footprint. (Asturaada Qashinka).
Deegaanka markii la isticmaalo sida geedaha wax lagu karsado ama dhuxusha, dharka iyo wasaqda IWM inay jiraan meelo lagu asturo si hawadu ama deegaanku nadiif u ahaato.
Ugu danbaystii waan soo gaabiyay siyaadaha dhaqan dhaqaale ee ay dawladi wadankeeda ku hor mariso, ama dawlada shaqada u taala ay tahay ee lagu qiimeeyo wax qabadkeeda dhaqan dhaqale, waxaana jeclaan lahaa cidii iiga sii dhuun duleesha inay maqaalakaygan sii hormariso.

Qore: Siciid Mahad Ismaciil Cagaweyne

Degree of Economics

University of Hargeisa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories