HomeWaa Maxay Saxalkan Saaxil Dul Hoganayaa?

Waa Maxay Saxalkan Saaxil Dul Hoganayaa?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Saaxil waa Gobol ka mid ah gobolada Soomaliland, Berberina waa magaalo ay ku taalo dekedda ugu weyn ee Somaliland. Waxa yaab iyo amakaag igu ridey markaan warbaahinta ku arkay rag waaweyn oo dadka sharafta leh ee reer Somaliland la hor yimi erayo aanay xitaa caruurtu ku hadaaqin sida ” Annagaa Berbera iyo Saaxil iska leh hadaanu nahay reer Hebel “. Waxaan u arkaa inay caqli foorara ay ku hadlayeen, malaha way murqaan sanaayeen. Oo ragga noocaas ahina weli ma noolaayeen?adduunyada maxaa rag ku nool. Kuwa noocaas u hadlaya waxaan weydiin lahaa maalintii dadka Berbera intay Faqashtii geyso xeebta  Batalaale ay sida xoolaha gowr gowracayeen maxaad idinkoo reer keliya ah nooga difaaci weydeen? Hadaad maalintaas keligiin idinkoo reerkaad ku faanaysaan oo keliya ah Berbera noo xorayn lahaydeen dee maanta cidiba  idin lama sheegateen, oo waxa lo odhan lahaa intaas oo sindheer ah baa meesha keligood kaga dhimatay oo way u qalmaan inay keligood sheegtaan, laakiin ma dhicin oo waynu ku wada dhimanay. Hadaba Berbera iyo dekadeedaba cidna Kama sheegan kartaan. Berbera iyo dekeddaba waxa Iska leh dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, ee taas ku abshira oo afxumada joojiya. Berbera waxaynu la hiigsanayney inay noqoto sida Dubai iyo Singapore oo kale magaalo-dekadeed aynu ku ciil baxno, ee ilmaadeerayaal xaal bixiya oo ceebta innaga fogeeya. Waxaan idiin ku dhaaranyaa oo igu Walaahay ah inaydaan qof reer Soomalilandta kale ah Berbera ka lahayn idinkoo reernimo ka duulaya. Runtu ma fantaa!

Waxa iyana jirta qolo kale oo iyana leh dekad baanu ka samaysanaynaa degaanka Ceel Garde. Nimakani waxay leeyihiin beesha yada baa deked iyo horuumar u baahan. Oo ilayn waabay naga maqnaayeen rag noocan oo kale ahi, oo horumarka iyo dekadeynta reerka jacayl intaas le’eg u qabey. Cajiib. Miyaanay awal jirin Wasaaradda khayraadka badda iyo dekaduhu? Dekad iska daayoo bal ka waran hadaan iminka idhaahdo Maxjar aan sharci looga soo qaadan wasaarada xoolaha ayaan Berbera ka samaysanayaa? Dekad marka la samaysanayo miyaanay ahayn inay dawlada wadanka ka talisa iyo wasaaradii ku shaqada lahayd inay faraha ku hayso, ilayn waa arrin khusaysa dhaqaale, cashuur, iyo nabadgelyoba’e. Mida kale waqtigan abaaraha lagu jiro ee xoolihii iyo dadkiiba ay le’anayaan xagee laga keenay lacag meel dekad ah la gelinayo? Waa haday dawladu lug ku leedahaye. Intee in le’eg bay dawladu maalgelinta dekedda ku leedahay? Haddii ay dawladu lacag gelisey maxay ugu balaadhin weydey lacagtaas dekedda Berbera si ay baaxaddeedu ( capacity) u korodho? Hadii aanay dawladu wax dhaqaale ah aanay ku lahayn xagee nimankan dekedda dhisayaa ay lacagta ka keeneen? Ma looga baahan meel Berbera 35 kilomitir u jirta in dekad cusub laga dhisto xitaa hadii dhaqaaluhu inoo saamixi lahaa? Baahida waqtigan xaadirka ah keentay xagay salka ku haysaa? Tolow mise qabyaalad hinaas iyo Berbera ayaa nalaga sheegtay baa afar tan oday ku keliftey inay dhagxaan iyo cagacagafyo intay meel geeyaan yidhaahdaan Deked baanu dhisanaynaa, oo waa sidii ninkii meel axan lagu cunayo yimi ee hilibkii wax laga siin waayey ee yidhi “Annaguba axan waa qalan doonaa” oo kale.

Anigu waxaan qabaa inay arrintani tahay Xaajo intan la arkayo ka fog. Tolow ma muddo kordhin danbe ayaa laga qodqodayaa meesha? Ma gacan shiishiye ayaa meesha ku jirta. Mise waa talo xumaan meesha dadka qaarkii la martay iyagoo is leh wax dadka usoo kordhiya?. Arrintu si kastaba ha ahaatee, dawladii dalkan ka masuul ahayd kama muuqato meesha. Iminka waxa muuqata sida la leeyahay inay ciidan beelaysani( Militia) ay Ceel Garde ku duuleen oo ay mashaqooyin halkaas ka rideen. Markaas waxa fiican inay dawladu dadkeeda la hadasho oo ay doorkii dawladnimo iyo haykalkii kala danbeynta iyo dawladnimo soo celiso, waayo Caqli maaha deked baan dhisanayaa iyo ma dhisan kartid inay xumaan iyo xiqdi ay dadka walaalaha ah reer Saaxil ku kala dhex abuurto. Hadii ay si deg deg ah dawladu wax uga qaban weydo dee waxa dhici doonta  karis xun iyana wax kula’. Dadkii ay madaxweynaha iyo xaaskiisu ka soo kala jeedeen baa is haysta oo dawladuna faraha Kulama jirto waxaanu idiin leenahay jiib noom taani. Kordhinsiimo Dawlada Kulmiyow Saaxil ha ka baadhbaadhina horaa loogala quustee. Ma Kalshaale cusubaa? Bal adba!

 

Mahadsanid,

Calikubad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories