HomeWaa maxay sababta ay salka ku hayso Toogasho Macalin Berbera wax ka...

Waa maxay sababta ay salka ku hayso Toogasho Macalin Berbera wax ka dhigaa ku dhaawacay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil oo ay Guri wada galayeen?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa ka hadlay toogasho ka dhacday magaalada Berbera, taasoo sababtay dhaawaca Guddoomiyihii Waxbarashada gobolka Saaxil Ibraahin Digaale oo mid ka mid ah Macallimiinta deegaankaas oo ay guri wada degganaayeen xabbad kaga dhuftay Bawdada, kaasoo dhaawiciisa loola soo cararay shalay dhinaca Caasimadda Hargeysa.

badhasaabka saaxilMacallinkan ku kacay Toogashada Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Saaxil ayay Guri wada degganaayeen Guddoomiyaha uu dhaawacay, xilli uu u kacay Salaaddii Subax ee Subaxnimadii Axadda ee toddobaadkan, kaasoo markiiba Ciidammada Ammaanka magaalada Berbera gacanta ku dhigeen, una taxaabeen Xabsiga, halka Guddoomiyaha dhaawiciisana loola cararay Cusbitaalka Berbera si loogu dawooyo, waxaanay xabbadda oo Baaskoolad ahayd kaga dhacday Bawdada Midig sida uu Himilo khadka taleefanka ugu sheegay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa toogashadaa dartee u tegtay magaalada Berbera, subaxnimadii toogashadaasi dhacday maalinnimadkeedii, waxaanay dhinaca magaalada Hargeysa u soo qaadday dhaawaca Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Saaxil Ibraahin Digaale si loogu daweeyo Cusbitaallada Hargeysa, sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Badhasaabka Saaxil.

“Macalinka iyo Guddoomiyuhu isku aqal bay galayeen. Guddoomiyihii waxa loo qaaday Hargeysa oo shalay (dorraad) waxa halkan timi Wasiirka Waxbarahada oo qaadday. Isagiina (Macallinka) waa la qabtay. Markii aan weydiiyey waxa uu u toogtay wuxuu igu yidhi; ‘Tuug baan moodayey oo sidaasaan xabbadda ugu riday’, wixii uu isticmaalayna Baaskoolad bay ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo xalay Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey sida kiiskaasi u dhacay isagoo Fahmi ku sugan gudaha magaalada Berbera ee xarunta gobolkaas.

Badhasaabka gobolka Saaxil oo hadalkiisa sii watay, ayaa ku dooday in kiiskaasi baadhis ku jiro, isla markaana ay Ciidanka Boolisku Saldhigga Booliska Berbera ku xidheen ninkaas Macallinka ahaa ee Guddoomiyaha toogtay, waxaanu Fahmi oo arrintan ka hadlayaa yidhi; “Laakiin, waxa kiiskiisa gacanta ku haya CID-da oo baadhaysa. Waa Macallin wax ka dhiga Dugsiyada Berbera. Haddana wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga Booliska ee magaalada Berbera, kiiskiisana waa la baadhayaa.”

Sidoo kale, Wargeyska Himilo waxa uu Khadka Taleefanka isla xalay kula xidhiidhay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Cabdi Cali, isla markaana waxaannu wax ka weydiinnay toogashadani sidii ay u dhacday iyo sababta ka dambaysay ama ay salka ku haysaa waxay tahay ee uga soo baxay baadhistooda, waxaanu yidhi; “Kiiskaas weli baadhis baa ku socota kamana hor-dhici karo, waxna kaagama sheegi karo illaa ay baadhistu dhammaanayso.”

“Labada nin guri bay wada-galayeen, Macallinkuna wuxuu ka tirsan yahay Macallimiinta gobolka, waanu xidhan yahay oo gacantaannu ku haynaa, Guddoomiyihii Waxbrashada gobolka Saaxil-na Hargeysuu idinla joogaa oo shalay (dorraad) baa la soo qaaday.” Sidaa ayuu yidhi oo uu Wargeyska Himilo u sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Cabdi Cali.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Waxbarashada oo aanu intaas dabadeed isku daynay inaanu dhinaceeda wax ka weydiinno maadaama oo macalinka iyo Guddoomiyuhuba maamul ahaan hoostgaan wasaaradda ay madaxda ka tahay, isla markaana ay iyadu magaalada Berbera ka soo qaadday Guddoomiyaha la dhaawacay, nooma suura-gelin inaanu ku helno khadka telefonka gacanta oo aanu ka wacnay xalay.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay nooceeda ee dhexmarta masuul iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda Waxbarashada, waxaanay ku soo beegmaysaa laba todobaad ka dib markii sidan oo kale gudaha magaalada Gabiley uu askari k atirsan ciidanka booliska gobolka toogasho ku dilay taliyihii Saldhigga degmada Arabsiyo oo markii dambe cusbitaalka Hargeysa ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu askarigaasi ku toogtay. Askariga falkan geystay oo gacanta lagu dhigay, ayaa maalin ka dib lagu xukumay dil toogasho ah ka dib amar ka soo baxay madaxweynaha Somaliland oo ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan sharci loo horgeeyo.

@himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories