HomeWaa maxay Maalinta Jacaylka “VALENTINE DAY” & Sababaha Diinta Islaamku ku diiday?

Waa maxay Maalinta Jacaylka “VALENTINE DAY” & Sababaha Diinta Islaamku ku diiday?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sheekda maalinta loo bixiyey Jacaylka Aduunka “Valentine Day) ayaa ka dhalatay iska horimaad dhexmaray boqor Roomaan ah iyo nin diinta Kiristaanka haystay oo Valentine la odhan jiray, soo bilaabmatay qarnigii saddexaad, xilli boqortooyadii Roomaanku cadaadis saareen dadkii haystay diinta Kiristaanka. Boqor Roomaanku lahaa oo la odhan jiray Claudius II ayaa amray in dhamaan dadku caabudaan 12 Ilaah, isla markaana sheegay in la dili doono qofkii ku dhaqma diinta Kiristaanka.

Ninkii la odhan jiray Valentine oo si weyn u aaminsanaa diinta Kiristaanka ayaa diiday amarkii boqorka Roomaanka, isla markaana sheegay inaanu uga hadhayn hadii naftiisa uu ku waayayo ku dhaqanka diinta Kiristaanka, taasoo keentay in xabsi la dhigo.

Maalmahii ugu dambeeyey noloshiisa valentine ayaa ninkii haystay xabsiga uu ku jiray oo xiiso u qaaday dabeecadaha ninkan weydiiyey inuu gabadh uu dhalay oo lixaadka aragu ka maqnaa inuu wax u baro.

Gabadha oo Julia la odhan jiray ayaa la sheegay inay maskax fiican lahayd, waxaanu Valentine uga sheekayn jiray qisooyin kala duwan, taasoo gabadhii si weyn u soo jiitay.

Maalintan loo bixiyey Jacaylka aduunka Valentine Day ayaa ah xaflad jaahiliyadii la xusi jiray, waxaana lala xidhiidhiyaa nin wadaad Kiristaan ahaa Valentine oo la dilay14 February 270 CE.Habeenkii dhimashadiisa ayuu valentine u qoray warqad gabadhii uu wax bari jiray ee Julia “ka Timi Valentine), taasoo markii dambe loogu magic daray Port Valentine, waxaanu ku aasan yahay kiniisadaPraxedesee magaalada Roma ku taal. Taariikhda geerida Valentine ayaa lagu sheegaa in gabadhii Julia ku beertay geed ubax ah xabaashiisa, kaastoo wakhtigan loo adeegsado inuu yahay calaamada jacaylka iyo saaxiibtinimada, sannad walba 14 February, manta oo kalena aduunka inta badan laga xuso, isla markaana fariimo jacayl, xidhiidh iyo saaxiitinimo laysku dhaafsado aduunka maalintan sannad walba.

 Haddaba culimada Islaamka ayaa si weyn uga digay in ummadaha islaamku kala qeybqaataan xuska iyo dabaadegyada dadka gaaladu sameeyaan sanna dwalba maalintan lagu magacaabo Jacaylka aduunka (Valentine Day), maadama shareecada diinta islaamku xaaraantimaynaso, samaynta iyo ka qeybqaadashada wax kastoo ka horimanaya.

Ummad walba islaamka iyo gaaladu waxay kala leeyahiin munaasibado ay sameeyaan ama u dabaaldegaan, isla markaana aanay banaanayn in dadka muslimiintu qeyb ka noqdaan wax kastoo diinta islaamku aanay ogolaan. Dhab ahaan munaasibadahu waa astaamo lagu kala garto kala duwananshaha gaalada iyo islaamka, markaa hadaad kala qeybgashid dadka gaalada munaasibadahooda, waa adigoo ka mid noqday ama raacay hadalkooda gaalada.

Uma banaana ummada islaamka inay kala qeybgalaan dadka gaalada wax kastoo qeyb ka ah xafladahooda, ama cuntooyinka, hadyadaha ama dabeecad ay ula jeedaan xuska munaasibad, isla markaana ma banana inay sidooda isku diraan fariimo kalgacal ama jacayl la xidhiidha maalinta ay ku magacaabeen jacaylka aduunka.

Xadiis Nebiga CSW uu ka werinayo Abuu Daaud, ayaa lagu sheegya in Nebigu CSW markuu yimi Madiina loo sheegay laba maalmood oo aydabaaldegaan, waxuu weydiiyey maxuu yahay, waxay u sheegeen “Waxaan u dabaaldegi jirnay xilligii Jaahiliyadda,” Nebigu CSW waxuu yidhi, “Ilaahay waxuu idiinku bedelay laba maalmood oo ka wanaagsan, maalinta Ciida Al-Adxa iyo maalinta Ciida Al-Fitr.”

Xadiiskaasi waxuu si cad u muujinayaa in munaasibadahu yihiin calaamadaha kala saara bulshada caalamka ama muslimka iyo gaalada, isla markaana waxuu si cad u mamnuucayaa in laga qeybgalo munaasibadaha dadka jaahiliinta ama gaaladu dhigtaan.

 Caalmikii Islaamka Sheekh Uthaymeen (Ilaahay haka raali noqdee) oo la weydiiyey dabaaldega maalinta Jacaylka Aduunka iyo waxa diinta islaamku ka qabto ayaa yidhi,

U dabaaldega maalinta jacaylka aduunka Valentine Day, ma banana in laga qeybgalo xuskeeda, sababaha soo socda awgood: Waa maalin la sameeyey, oo aan wax daliil ah ku lahayn diinta islaamka. Waxay dhiirigelinaysaa jacayl iyo ficilo waali la sameeyo.

Waxay ugu yeedhaysaa qalbiyada dadka in laga buuxiyo arrimo aan micno lahayn, taasoo ka horimanaysa dariiqa saxa ee Ilaahay inna amray inaan raacno.Ma banaan maalintan qaab kastoo loo weyneeyo, hadday tahay cuntooyin, cabitaano, dhar, hadyado isweydaarsasho ama wax kale. Dadka muslimiintu waa inay ku faanaan diintooda islaamka, qofka islaamka ahna isagaa dariiqa xaq dadka ugu baaqa, maaha in dariiq khaldan loogu baaqo, isla markaana aanay isu dhigin dad liita oo ku deyda fikradaha gaalada.

Xadiis nebiga CSW laga weriyey oo gebi ahaanba xaaraantimaynaya dabaaldega maalinta Jacaylka aduunka Valentine Day ama xaflad kastoo aan diinta islaamku ogolayn ayaa micnahiisu ahaa “Qof kastoo isku-ekeysiiya dad kale (Gaalada) waa ka mid). Ilaahay dariiqa xaqa ha innagu hanuuniyo dhamaanteen, shacabka Somaliland iyo guud ahaan ummada islaamkana waxaan ku waaninayaa inay iska ilaaliyaan ficil kastoo u ekeysiin kara Gaalada.

Qore: Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories