HomeWAA MAXAY DOORKA DHALINYARADA EE KU LEE DAHAY HORUMARKA DEEGAANKOODA?

WAA MAXAY DOORKA DHALINYARADA EE KU LEE DAHAY HORUMARKA DEEGAANKOODA?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
  • Sidaynu wada ogsoonyahay dhalinyaradu waxa weeye laf dhabarka umadd kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si fiican looga faiidaysto, Mujtamac walbana Mustaqbalkiisu waxuu ku xidhanyahay dhalinyaradiisa, ummadii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay si fiicanna u tarbiyadaysa dhalinyaradeedawaxay gaadhayaan guulo badan dhinac walba , laakiin umaddii iska dayacda dhalinyaradeedawaxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a.
    Inta badan waxaynu taariikhda ku maqalnaa umada badan oo xadaarado lahaa laakiin xadaaradahoodiibaaba’een , taana waxa u sabab ah dhalinyaradii umadahaa ayaa garan waayay doorkoodii siina wadi kari waayay xadaaradahii iyo horumarkii 
    ay umadahoodu haysteen, tusaale ahaan: xadaaradihii Romanka, Greece, Faraaciinta, China iyo India…IWM.

    wakhtiga qofku dhalinyarada yahay waxa weeye xiliguu uugu awooda badanyahay wax walbana inuu huro ay u fududahay, waxaanu leeyahay xamaasad iyo firfircooni uu wax walba ku qaban karo,markaa hadii si fiican loo towjiihiyo quwaddaa dhalinyarada ku jirta waxa la gaadhayaa guulo badan.
    Diinteenuna qiima dheeraad ah ayay siisay dhalinyarada taana waxaynu ka qaadanaynaa Quranka iyo Sunada Nebiga(nnkh), Ilaahay oo dhalinyaro Mu’miniin ah amaanaya waxuu Aayad Quraana ku yidhi: “Waxay ahaayeen dhalinyaro rabbigood rumeeyay waxaananu u siyaadinay hanuun” Alkahf. Nebiguna (nnkh) waxuu yidhi: “Waxa laygu gargaaray dhalinyarada”, waxa kaluu yidhi: “Waxa ii gargaaray dhalinyarada markii Odayaashu I diideen”
    Sidaynu la wada soconana asxaabtii Nebiga waxay u badnaayeen dhalinyaro, doorkii dhalinyarada asxaabtu rag iyo dumarba ay ku lahaayeen fidinta Diinta Islaamka waynu wada garanaynaa.
    Sidaynu la wada soconana asxaabtii Nebiga waxay u badnaayeen dhalinyaro, doorkii dhalinyarada asxaabtu rag iyo dumarba ay ku lahaayeen fidinta Diinta Islaamka waynu wada garanaynaa.
    Hadaba waa maxay doorka la gudboon dhalinyaradeenaama xilka ka saaran umadooda, maxaa yeelay horumar gaadhi mayno,dhibaatada ina haysatana kama bixi karno ilaa dhalinyaradu gartaan doorkooda iyo waajibaadka saaran.
    Waxaan qurmadan kusoo bandhigayaa siday aniga ila tahay dhawr arimood oo hadii aynu ku dhaqaaqno, mustaqbalkeeni inuun rajo yeelandoono.
    1) Inay noloshooda ka dhigaan mid istiraatiijiyadku dhisan:-
    Waxa inala gudboon inay nolosheena ka dhigno mid istiraatiijiyadku dhisan taana waxaan uula jeedaa inay noqoto nolol ujeedo leh, waayo qof aan garanayn waxuu doonayo iyo waxuu u noolyahay noloshiisuna foodo ku dhisan tahay waxba kama bedeli karo mujtamaca uu la noolyahay.
    Waxyaabaha saldhiga u ah nolosha ujeedada leh waxa ka mida.
    i) Cilmiga:-
    Qofkii doonaaya inay noloshiisu noqoto mid ujeedo leh waa inuu cilmi yeesho, cilmigaasoo mid Diineed iyo mid aduunyaba ah. waayo qof jaahil ahi noloshiisu hadaf iyo ujeedo midna ma yeelan karto,taana waxaynu ka qaadanaynaa Quraanka kariimka ah, ilaahay markuu damcay inuu Aadam ka dhigo khiliifkii arlada(dhulka) waxa uu ku doortay waxay ahayd cilmiga uu baray cilmigaasoo aanay malaa’iiktu aqoonin taasaana ehel uuga dhigtay Aadam inuu dhulka ka noqdo khaliifo. Ilaahay Ayaad ayuu ku yidhi (swt): ” Ilaahay wuxuu idinka abuuray dhulka waxaanu idinka doonayaa inaa camirtaan”:,macneheedu waxa weeye ilaahay wuxuu inaga abuuray dhulka markaa wuxuu inaga doonayaa inaynu cammiro beerano, aqoon la’aanna dhul lama camiri karo lamana beeri karo ,sidaa darteedbaa ilaahay markuu ina leeyahay dhulka beera waa inaynu marka hore cilmigii beeraha baranaa oo la helo engineerkii beeraha iyo dhakhtarkii beeraha ka kadib markaas ayaa wax la beeri karaa. Sida la ogyahayna qof cilmi leh iyo qof jaahil dhinaca iskaga mid maaha. Markaa waa in lagu dadaalo Cilmiga, gaar ahaan dhalinyarada ilaahay fursadaha u siiyay inay tagaan meelo laga heli karo cilmi, mid diineed iyo mid maadi ahba.
    Wixii aan saxay illahay ayaa mahadeeda leh wixii aan khaldeyna shaydaan baa leh.

    Waa Billahi Tawfiiq

    A/nasir A/rahman hassan (naaleeye)

    tell: 4810560

    facebook: ibnu naaleeye

    email:naaleeyeyare@gmail.com

    Doorka ayku ledahay Dhalinyarada Horumarinta Deegaankooda?

  • Lasoco Qaybta 2 aad
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories