HomeWAA MAXAY DAWLADNIMO? WAA MAXAY WASIIRKAN LAGU HAYSTO SHIINU LA SHIRAA?

WAA MAXAY DAWLADNIMO? WAA MAXAY WASIIRKAN LAGU HAYSTO SHIINU LA SHIRAA?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dawlad nimadi waa wax ku dhisan heshiis dadwayne ku kala nool meelo kala gadisan,doonayana in ay wax wada qabsadaan,midoobaan ,wax wada bartaan,ujeedo kaliya iyo fikir kaliya ay wada yeshaan ,Dawladnimo waa Hoy iyo Gabood laga hoos galo dibu dhaca ,Jahliga tafararuqa,eexda Waxbarasho la-aanta iyo Cudurada iwm.

Dawladnimo waa Weel lawada leeyahay, oo lagu wada shubto wax lawada leeyahay. kadibna si cadalad ah loo qaybsado ,Dawlad Nimo waa wax cadaynaya in umadi ay geedi u tahay horumar iyo hiigsi ilbaxnimo ,iyada oo ka guuraysa kana galab caraabaysa nidaamka aan inta badan horu marka laga gaadhin ee ku dhisan kala danbaynta Qabiilka iyo Qabyalada madhalayskaa.

Dawladnimo Sax ah waxaa horumar iyo hogaan toosan u noqon kara Dad loosoo xuushay in ay Gadh-wadeen iyo hogaan tosan ka noqdaan Dawlaadasi Curdinka ee markaasi la Abqalayo.

Dawlad aanay hogaamin Dadkeda aqoon-yahanki ah sida Culimada ,Ganacsatada, Madax-dhaqmeedka aqoonta leh iyo dadka ilbaxa ee aqoonta u ah Dalkaasi ,hadii intaasi ay Dawladasi hogamin waydo macnaheedu waxa ay tahay waxaa hogaminaya intaasi aan kor kusoo sheegay cakis-keeda oo ah,jaahilkeda,Badawgeeda,Aqoonlawaheeda iyo Tuugeeda iwm .

Aan usoo Guda dhaco Halku dhiga Maqaalka oo ah :-

MADAXAWAYNE WASIIRKA AAD NOO MAGACAWDAY HADAANU NAHAY REER HEBEL NAGA BADAL WAAYO SHIINUU LA SHISAA.

Somalidu waxa ay dhaqan u leedahay kuna beeran dhaqan Xoolo dhaqato oo ah midka aynu Ab iyo isirba u leenahay ,kaaso leh mid fiican iyo mid aan fiicnayn. waxa aynu is dhex galinay dhaqeenkeenii qabiilka iyo Dawladnimadii kadibna maxaa kasoo baxay!

Dawladnimadeenu waxa ay ku dhisan tahay Reero isu tagay Qabiilkastana Dawlada waxa uu ku leeyahay Wasiir amma wax la mida ,Dawlada marka jirtana Madaxwaynaheeda waxaa khasab ku ah in uu Qabiilkasta u magacaabo wasiir iwm si ay uga wada muuqdaan Shashada Dawlada kadibna ay u tageeraan.

Qabiil Soomaliyeed ayaa Madaxwaynahii waxa ay u keneen Nin ay rabaan in Wasiir looga dhigo ,kasoo ay markaasi u arkayeen in uu yahay Ninka ugu aqoonta iyo kartida fiican ,kadibna Madaxwaynaha ayay gudoon siiyeen isna waa uu ka aqbalay,waxaanu u balan qaaday in Ninkaasi Qabiilku wato in uu kusoo bixi doono liiska Wasiirada dhawaan la magacabayo.

Wasiirka Alxamdu lilaa waa la magacabay waanu hawl galay ,waxana loo magacabay Wasiirka Qorshaynta Qaranka ,waxana la odhan karaa waxa uu kasoo baxay wajibaadkisii qaran ee saara ,waxa uu shirar iyo socdaalo isdaba joog ah ugu kicitimay dalalka dibada si uu dalkasi uu wasiirka ka yahay ugu raadiyo ,kaalmo dhaqale,mid aqooneed isaga oo socdaalo aad u badan ugu baxay Dalka Shiinaha.

Qabiilkii uu ka dhashay wasiirku ayaa waxa ay si isdaba jooga markasta Idacada uga maqlaan Wasiirkii Qorshaynta Qaranka oo Dalka Shiine Shir u jooga amma Shiine la sheraaya !!Qabiilkii Wasiirku uu ka dhashay waxaa isu qaban wayday Wasiirkii ay ku tacab iyo taagba beeleen Magacabistisii oo aan marqudha Reerkii la shiriyn .

Reerkii Qaabkan Wasiirkan u shaqaynayaa waa ay anfici wayday ,Dhagahooduna ma maqli karan Wasiir Maalinkii ALLE soo rogaba SHIINE LA SHIRAYA !,Hadalkasi ay Idacada ka maqlayaan waa uu anfici waayay waanu kasii Cadhaysiiyay,kadsibna waxa ay Go-aan ku gaadheen in ay Madaxwaynaha ka ashkateeyaan Wasiirka Shaqadiisii loo doortay garan wayay ee garab maray ee SHIINE UUN LA SHIRAYA .

Waxa ay u tageen Madaxwaynahii Dalka ka talinayay, waxa ay af-buuxa ku yidhaahdeen MUDANE MADAXWAYNE NINKII AANU KUU KEENAY EE WASIIRKA NOO AHAA ,WAXA AANU U ARAGNA IN UU YAHAY NIN AAN SHAQADISII KASOO BAXAYN,ISLA MARKANA BEESHII DORATAY EE KUU KEENTAY WAA UU GARAB MARAY WAANU KHIYANEYAY.

Madaxwynahii Su-aal ayuu waydiiyay odayshii markii ay hadalka dhameeyeen ,waxanu ku yidhi,waxa aad ii sheegtaan Qaladka uu galay ee aan xilka kaga qaado ?

Waxa ay ku yidhaahdeen :

MUDANE MADAXWAYNE WAAGU ILAHAY EE BARYABA WAXA UU LA SHIRAYAA SHIINE,HALKA UU ANAGA NALA SHIRI LAHAA,WAAGII ILAHAY KEENABA WAXA UU QORSHAYNAYA SHIINE HALKUU ANAGA NAGA QORSHAYN LAHAA , ISLA MARKANA DANTAYADA IYO TA REERKA UU WAX KA QABAN LAHAA ,NOQON LAHAANA NIN REERKA U TIRSAN ,BALSE NINKII SHIINU NOQDAY ANAGABA MAHA !!

Madaxwaynahii waa uu yabay waxa aanu arkay Caqliyada iyo garaadka dadka uu u talinayaa halka ay marayso,waxaanu Odayashii u yimi ugu caqli celiyay isaga oo hogo tusalaynaya in wasiirku uu yahay mid umada oo dhan ka dhaxeeya isla markana aanu ahayn mid cid gaara u adeega.

 

W/Q-Qareen / Khadar Ibrahim Aar

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories