HomeWaa Maxay Dan Qaran? W/Q Mohamed Hagi

Waa Maxay Dan Qaran? W/Q Mohamed Hagi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dan qaran waa siyaasadda ummad dawladnimo qaadatay oo leh dhul, dad, dawlad iyo khayraad u gaar ahi ay tahay in ay dajisato ka dib marka ay shuruudaha dawladnimo kaamil yeesho. ujeedada danta qaran laga leeyahay waa in uu qarankaasi dajisto siyaasad qaran oo ugu yaraan 50 sano ah, oo jiritaankiisa qarannimo suura-galin karta, oo tobankii sano ba hal mar la qiimeeyo. Siyaasaddaa qaranku dajisanayo ee ah danta qaranka waxa ay ka kooban tahay 4 rukun oo waaweyn, dhamaantoodna waxa lagu xidhiidhsiiyaa siyaasadda ammuuraha dibedda ee dalku leeyahay, si ay turjumis uga bixiso sida uu waddankaasi u rabo in uu adduunka ula macaamilo dhan siyaasaddeed, mid dhaqaale, mid amni iyo mid bulsho dhaqan-siyaasaddeed intaba. Sababtuna waa in adduunyadu ay ka kooban tahay dalal fara badan oo siyaasaddo kala duwan leh iyo hab-raac gaar ah oo dhaqan-dhaqaale. Rukumada danta qaranka ee siyaasaddeed lagu dul unko ee 4 ahi waxa ay kala yihiin:-

maxamed-xaaji

 

 

 

National Political Interest, waa dan siyaasaddeedka qaran ee uu dal yeelanayo, adduunyada inteeda kalena kula macaamillayo iyo wajiga adduunku ugu soo haggaagayo. Dantaa saddex farac oo hoose ayaa loo sameeyaa, faraca koowaad waa in dalku uu miijiyo national sovereignty giisa iyo hadba sida uu madaxbannaanidiisu u sugmayso goor iyo ayaan. Faraca labaad waa waxa ay noqonneyso in siyaasiyin waddanku u xor yahay oo aan cidda kale siyaasaddiisa gacanta ku hayn. Faraca saddexaad oo ah ka qaybtan ugu dambeeya waa sida uu rabo in uu siyaasiyan isku xukumo, tusaale ahaan Somaliland waa dal dimuqraadi ah, oo dawlad madaxtooyo ah leh. Taas ayaa si sharci ah loo sugayaa oo ay waligeed ba ahaaneysaa. National Security Interest, waa habka uu dalkaasi ugu talo-galayo in uu amnigiisa xuduudaha iyo gudahaba u sugayo, waxa ka mid ah siyaasadda uu isticmaallayo nooca ay noqonneyso (realism or liberal foreign policy), dhismaha ciidanka noociisa iyo ujeedada ciidanka ee mustaqbalka fog, sida khayraadka badda iyo dhulka loo ilaalinayo iyo amniga nafsiga ah sida loo sugayo oo ah hadba sida danta mustaqbalku ku jirto oo aad looga arrinsaday. National Economic Interest, waa sidii xoogga loo saari lahaa ammuuraha ganacsi ee wax dhoofinta iyo wax la soo degista oo lagu saleynayo hab masiiri ah.

 

 

 

Dal gaar u istaagi karaa ma jiro adduunka, in uu waddanku dhaqaale ahaan la macaamillo waddamada kale oo uu la ganacsado waa laga ma maarmaan, siyaasaddeedii oo qorshe fog leh waa in ay dalka u dajisan tahay. Waxa kale oo intaa soo raaca soo jiidashada suuqa lacagta ee adduunka, maalgashiga caalamiga ah iyo soo saarka khayraadka qarsoon ee dalka. Sidoo kale waxa jira isticmaalka techonology ga dalka iyo ka faa’ideysiga xogta adduunyada ee wax is dhaafsiga sidii looga faa’ideysan lahaa. National Cultural Interest, ummad waliba waxa ay leedahay dhaqan ay aaminsan tahay, sida diinta, afka, iyo sida ay u fikirto. Dhaqanka noocaas ah badanka dalna kuma kali ah, ee waxa jira dalal kale oo badan oo ay wax wadaagaan. Kuwaas siyaasadda isku xidhaysa waa in uu dalku si weyn uga faa’ideystaa. Isla markaana dhaqankiisu waa in uu dalka iyo dadkaba ka ilaaliyaa khataraha ku soo fool leh, oo uu noqdaa mid mabda’iyan ummada isku xidha oo walaalleeya gudaha si ay cadow dibedda ah isaga caabiyaan. Ammuura siyaasaddeedka noocaas ah miyey Somaliland leedahay? Ma se u maleyneysaa in dalalka adduunka oo dhami leeyihiin? Waxa jiray adduunka dalal badan oo aan siyaasaddaa marnaba dajisan, nasiib-darro dhamaantood waa ay dumeen, waxa ka mid ahaa Midawgii Soviet, Iraq, Afghanistan, Libya, Syria, Somalia, Rwanda, iyo Burundi. Kuwa kale oo aad u fara badan oo aan ilaa iyo hadda dumin na waa ay jiraan. Waxa kale oo wanaag ah in Somaliland ay leedahay policies kale oo fara badan oo maanta ba ay adduunka kula macaamisho sida NDP oo ku xidhiidhsan SDF iyo waliba SSA. Waxa kale oo jira Somaliland Vision 2030 ay Wasaaradda Qorsheynta Qaranku diyaarisay iyo National Strategic Plan isna ku socda hay’aadka dawladda oo jaantus u ah horumarka qarankan Iyada oo Somaliland wax badan qabsatay, haddana la iska ma indha tiri karo in ay maanta taaggan tahay ‘’Crossroads’’ haddii ay halkaa ka dhaqaaqi waydo oo ay qorshe wanaagsan oo himilo iyo yididiilo ummada iyo dawladnimada hami galiya yeelan waydo anigu shakhsi baan ahay oo runtii waan u baqayaa. Ma se nasiib xumo hadii ay dadkeedu si fiican u gartaan, halka ay danta qaranku maanta ku jirto. Awoodda ugu weyn waxa leh shacabka Somaliland, iyaga uun baana ka shaqeyn kara wanaagga dalka. Alle ha garansiiyo eh.

 

W/Q Mohamed Hagi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories