HomeWaa Maxay Casharka  Shacabka Somaliland ka Baran Karaan Masiibada Dhimasho & Dhaawac...

Waa Maxay Casharka  Shacabka Somaliland ka Baran Karaan Masiibada Dhimasho & Dhaawac ee  Soomaaliya? – Warbixin by Mohamud Walaaleeye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Illaahay naxariistiisa jannada haka waraabiyo intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, qaraxii iyo masiibadii ka dambaysay ee shalay ka dhacday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Laba usbuuc ka dib, waxa mar kale dhacay masiibo Ilaahay laga magangalo, kuwii ka dambeeyeyna la weydiisto inuu ciqaabkeeda aduunka degdeg uga muujiyo, intaanay gaadhin xisaabteeda aakhiro, intaan ka toobad keenin, dilkii loo geystay dad ka baddan labaatan, halka dhaawaca lagu sheegayo ilaa afartan, masiibadii ka dhacday Hudheelka Naasa-Hablood 2 ee Muqddisho. Ilaahay haka dul qaado ummada Soomaaliya ee cadowgu sida arxan-darada dhiigooda u daadinayee wakhti walba, innagana (Somaliland) Ilaahay waxaan weydiisanaynaa inuu sharkooda innaga Ilaaliyo, isagaa awoodee, Aamiin.

Xadiis Nebigeenii Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa, “Qofkaan ka fikirin arrimaha Islaamka, Innaga Mid Maaha,” taasoo laga fahmayo in ummada Islaaamku jidh keliya tahay, oo hadii xubin ka mid ah xanuun haleelo, jidhka intiisa kalena dareemayo, sidii Xadiska kale sheegayey, loona baahan yahay, isla markaana waajib tahay in dhibaato kastoo ka dhacda, Ilaahay haka wada Ilaaliyee ummad Islaam ah meeshay doonto dunida haka noolaatee, xil ka saaran yahay qof kastoo Muslim ah inuu la dareen noqdo, kana murugoodo, isla markaana waxuu u tari karo, af, gacan iyo niyadba la wadaago.

Haddanu soo aragnay, halista maalin walba haysata shacabka dalka jaarkeena ee Soomaaliya, innaguna dhankeena u heelan nahay inaynu la qeybsano murugada, kuna taageerno waxaynu awoodno, ma jirtaa cashar aynu ka baran karno, loona baahan yahay bulshada Somaliland gaar ahaan iyo guud ahaan ummada Islaamku inay kaga jawaabaan.

Waxaan qabaa in jawaabteedu tahay HAA. Talaabooyinka mudan innaynu qaadnana waxa u horeeya in qof kastoo innaga mid ah ka fogaado dembi noocuu doono ha noqdee, khayrkiina uga digo, taasoo hadii la waayo ummadii ku sifowda ciqaabka Eebe halis u tahay, sida Ilaahay Quraanka tusaale inoogu sheegay Aayad macnaheedu ahaa, ‘ka cabsada fitno qaarkiin sameeyaan, oo ciqaabka ka dhasha wada saamayn doono ummada,” sidaa darteed, waa in qof walba afkiisa iyo gacantiisa ummadu ka nabadgashaa, ummaduna wadajir isaga ilaalisaa kuwa dunuub ama xumaan dhexdooda ka samaynaya, haddaay tahay af, gacan ama niyad ka nacaan, si aanay u saamayn ciqaabka ka dhasha, (Weliba wakhtigan xasaaasiga ee ololayaasha doorashadu socdo, waa in waalidiintu iyo guud ahaan ummada Somaliland u dareen yeeshaan ficilada ubadka qaarkood wiilal iyo gabdho samaynayaan, oo si weyn looga dheregsan yahay inay ka baxsan tahay dhaqanka iyo asluubta suuban ee diinteena islaamka, hadii laga gaabiyana su’aasheedu sugayso maalin dambe qof kastoo ka gaabiya iyo waalidiinta gaar ahaan, ciqaabteedana halis loo yahay aduunyada, Ilaaahay dariiqa xaqa dhamaanteen ha inna waafajiyee. Aayad quraanka ayaa Ilahay inoogu sheegay, “Ma Jirto dhibaato dad ku dhacda, Ilaa waa sababta dunuub ay galeen, oo qaarkoodna laga dhaafay).

Ta labaad nimcooyinka Ilaahay bixiyo marka Islaamnimada laga yimaado waxa u horeeya Nabadgelyada, taasoo loo baahan yahay, waajibna ka saaran yahay ummada Somaliland inay fiiro gaar ah u yeeshaan adkaynteeda iyo ilaashashada xasiloonida iyo nabadgelyada ay ku caano-maaleen, lana yimaadaan sababtay ugu sii negaan lahaayeen ama xadhigii nimcada dabar uga dhigi lahaayeen oo ah Mahadnaqeeda, (Inay Ilaahay uga mahadceliyaan nabadgelyada uu siiyey, weydiistaana inuu u siyaadiyo.)

Ugu dambayn, waxaan kula dardaarmi lahaa qof kastoo reer Somaliland ah, inuu ku dhaqmo, inta kalena u dardaarmo, xadiis nebigeena CSW ayaa macnahiisu ahaa “Qofkii Ilaahay iyo Rasuulkiisa Rumeeyoow, Kheyr ku Hadal ama Iska Aamus.” Ilayn diinteenu waa nasteexee, Ilaahay dhamaanteen ha inna waafajiyee, dhibaato dhamaanteedna mid muuqata iyo ta qarsoon Jinka iyo Insigana innaga ilaaliyo, innaga iyo ummada Islaamka dhamaantood, isagaa Awoodee, Aamiin.

Mohamoud Ali Walaaleye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories