Home"Waa Markii Ugu Horaysay Ee Dawladda, Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumaddiisu Isku Adeegsadaan...

“Waa Markii Ugu Horaysay Ee Dawladda, Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumaddiisu Isku Adeegsadaan Ciidamada RRU – da” Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa muujiyay sida uu uga xumaaday in cudud ciidan iyo mid dawladeed lagu joojiyo kulankii ay shalay ku qabsanayeen hoteelka Maansoor, waxaanu si cad u sheegay inay tahay markii u horaysay ee ay xukuumadda iyo KULMIYE isu adeegsadaan ciidamada RRU.

 
Xildhibaan Talyanle, oo hadal ka jeediyay munaasibadan oo bedelkeeda lagu qabtay hoteelka Guuleed, wuxuu yidhi  “Waxaa maanta sharaf ii ah inaan la hadlayo waxgaradkii, nin garabeedkii, labeentii Somaliland, xisbiga Kulmiye golihiisii dhexe intii badnayd, golihii fulinta, wasiiro, xildhibaanno, iyadoonay degaan ahayn oo aanay beel ahayn ee ay tahay madal Somaliland isku aragtay oo ay ku bahowday oo taageerayaasha Kulmiye si awood leh oo laxaad leh ay kaga soo qayb galaan iyagoo taageeraya musharaxiintoo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, waxaa jirtay in xalay madaxweyne xigeenku soo hadlay oo noo yeedhay, oo nagu yidhi subaxnimada Sabtida ha ii yimaadaan saddexda musharax iyo labadayaga guddoomiye xigeeno.”

 

Wuxuu xildhibaanku, intaas raaciyay “Waxaanu isla eegnay arrintaas waxaanuna isla garanay inaanu u tagno. Balankii oo aanu halkaas dhignay ayaa xalay waxay ciidamada RRU-du ku gudeen oo guluf galiyeen hotelkii aanu qadada maanta ka balaminay oo Maansoor ahaa. Ciidankii hotelka joogay waa la qaaday, waa lala wareegay oo meeshii argagax baa laga abuuray. Waa markii u horaysay ee dawladda Somaliland ee xisbiga Kulmiye golihiisa wasiirada, goleyaasha qaranka oo dawladda oo isku duubani ay isku adeegsato RRU. Waa wax aad iyo aad loola yaabo oo aan hore u dhicin. Markii intaasi dhacday ninkii Hotelka lahaa ee ganacsadaha ahaa wuu dano sheegtay oo wuxuu yidhi haddii aanay xukumaddii iyo xisbigiinii is waafaqsanayn meesha dad cadaan ah baa jooga, waxaana madashan inoogu deeqay Cali Cumar Guuleed.

 

Source: Geeska

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories