Home"Waa Laga Wada-tashanayaa Si Kasta Oo Xal Waara Laga Gaadhayo Oo Ay...

“Waa Laga Wada-tashanayaa Si Kasta Oo Xal Waara Laga Gaadhayo Oo Ay Ku Kala Bogsanayaan Beelaha Walaalaha” Wasiirka arrimaha guddaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceel-afwayn (Dawan)  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha   Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) ,ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay go’an tahay in xal waara oo kama dambays ah laga gaadho shaqaaqada iyo dirirta dhex martay beelaha walaalaha ah ee wada dega degmada Ceel-afwayn ee dagaalka khasaaraha nafeed sababay uu dhex maray.

fartoon

 

 

Waxaanu intaa ku daray in Somaliland Xukuumad,Madaxdhaqameed iyo Culimo ay u kacday sidii nabadeyn rasmi ah looga dhex aslaaxin lahaa beelaha walaalaha ah, waxaanu ku bogaadiyay ciidammada qaranka iyo booliska sida wanaagsan ee ay arrintaa uga hawl galeen iyo Wasiiraddii ka sii horreeyay iyo madaxdhaqameedka nabadaynta ku hawlanaa ee deegaanka hore u gaadhayba.

 

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka Telefoonka  ku siiyay wargeyska DAWAN oo aanu warkan ka soo xiganay isagoo ku sugan magaalada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

 

 

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir oo arrimahaa ka hadlayayna  waxa uu yidhi.  “Maanta(shalay) ayaa soo gaadhay degmada Ceel Afwayn waxaanan u imi in aan kala qayb qaato madaxda iga soo horraysay nabadaynta iyo heshiisiinta ay ka wadaan deegaankan ee lagu soo afjarayo colaadda dhimashada sababtay ee dhex martay labada beelood ee walaalaha ah.”

 

“Waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa ciidamada qaranka iyo booliska oo hormuud u noqday in xabaddu joogsato oo ay kala dhex galaan labada beelood ee walaalaha ah si aan qasaare dambe u dhicin imikana ku sugan goobihii lagu dagaalamay iyo guud ahaan deegaanka ka agdhawba waxaa kale oo aan ku bogaadinayaa Wasiiradda iga soo horreeyay iyo adaxdhaqameedka iyo culimada dalka oo dhan ka kala yimi sida wanaagsan ee ay hawsha u galeen halkaas ayaanan ka sii wadaynaa  nabadaynta beelaha walaalaha ah waxaanan labada beeloodba ugu baaqayaa in ay nabadda iyo walaalnimada u soo noqdaan oo ay eegaan sida looga xun yahay dagaalka dhimasahda sababay ee dhex maray isla markaana ay qiimeeyaan sida loogu damqanayo ee dhan walba looga soo gurmaday hadday dawladda tahay hadday culimada tahay iyo hadday madaxdhaqameedka dalka oo meelo badan ka kala  yimi ay noqotaba.”ayuu yidhi  Wasiir Faratoon.

 

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiyay goorta ay madaxdhaqameedka labada beelood isu keenayaan iyo sida ay dawlad ahaan ka yeelayaan dadka rayidka ah ee hubaysan,ayaa yidhi. “Waa laga wada tashanayaa si kasta oo xal waara lagu gaadhayo oo ay ku kala bogsanayaan beelaha walaalaha ahi,ayaa la yeelayaa  loona kala tegi maayo waxa laga hor tegayaana waa in aan qasaare dambe dhicin oo dad walaalo ah oo reer Somaliland ahi isku dhiman oo aan shaydaan ka dhex shaqaysan taasina hawl yar oo fudud oo la iska odhanayo waanu dhamaynay maaha madaxdii hore u sii joogtay ee hawsha ku jirtayna way joogaan oo Wasiiro iyo madaxdhaqameed iyo culimoba leh ciidammaduna waxay ku sugan yihiin dhammaan deegaanadii shaqaaqadu ka dhacday,waan ognahay in dadka in badan oo ka mid ah gaar ahaan reer miyigu in ay hubaysan yihiin kollay marka dhibaato dhacdana hubka ayaa ka mid ah waxyaabaha khatarta  badan geysta taana ka dawlad ahaan taxadar badan ayaan ka yeelanaynaa imikana deegaanka cid hubaysan oo lagu arki karaa  ma jirto oo aan ciidanka ahayn marka la gaadho in la isu keenana waa la isu keenayaa, waxaa la yidhi waxa umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah markaa nabada ayaa Somaliland u dan ah labada beelood ee walaalaha ahna u dan ah.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Fataroon).

 

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories