HomeWaa Kuma Wasiirka Macdantu? Somaliland Maxuu ka Hergalieyey?

Waa Kuma Wasiirka Macdantu? Somaliland Maxuu ka Hergalieyey?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xuseen-Cabdi-DucaaleWaa wasiir afgaaban ,shaqo badan , xidhiidh qoto-dheer la leh caalamka saliida , waa nin dhexdhexaad ah ,waxaa uu ku jirra wasiiradda Quraba jooga ah ee cilmigooda dib ugu soo ceeliyo dhulkooda hooyo isagga iyo Wasiira dhawr ah, Waxaa uu aqoontiisa Dugsigi sare ku qaatay sheikh Secondary School oo haldoorka somaliland ka soo bilow Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland iyo kii labaad alle haw naxariiste Cabdiraxmaan Axmed Cali,Maxamed X.Ibraahim Cigaal ,Madaxweyne Siilaanyo dhamantood waxay ka soo baxeen sheikh.

Wasiir xuseen waxa uu bartay cilmiga Injineerka Bataroolka oo ka dhigtay University of Oklahoma kaaso muddo dheer ugu shaqeynaayay shirkadda saliida ee chevron ee dalka Maraykanka ,waxaanay shaqadiisu aheyd maamulka mashaaricida ,taaso maanta u sahashay inuu Somaliland oo aan la ictiraafsaneyen heshiis shidaal badhis ah uu la galo afar shirkadood .

Wasiir xuseen intii uu xilkan hayey waxaa uu maaligalin ka helay qeybta biyaha EU-da 20 million dollarka maraykanka kuwaaso biyo balaadhin loogu sameynaayo caasimadda hargeisa , hirgalintiisuna waqtigan ay heysoo wasaaradda Biyahu, sido kale wasiirku waxa geed dheer iyo mid gaaban-ba u koray in bal dalka laga hirgaliyo tamar badasha saliida culayska iyo qaaliga isku darstay ee laydhka magaalooyinka dalka taaso mashruuci koowaad ay ka wada shaqeeyeen hayda Usaid ee marayknaka ,Shan marwaxadood oo tamrta cuboonata ah ka sameeyen madaarka hargeysa islamrkaana marwaxdiiba waxay sameynaysa tamar dhan 25 kwt ,waxaanay gabi aahanba dabooleen baahidi leydh ee Garoonka Cigaal International oo u baahna boqlkii ba soddan tamrta shanta marwaxadood .

Tamarta laydh ka dhalinta dabaysha ayaa gabi ahaanba ka socta gobaladda dalka sida Berbera boorma burco caynaba laascanood iyo hargeysa oo bar bilow u aheyd ,
Waxaa jirra qolyo jecel inay faafiyaan inta xun ,khilaaf cay aflagaadada maalin cid isu jawaabaysa , iyo Fawdo in dalkeena laga fuliyin wax horumar ah gaar ahaan maalgashi dibadeeda ,ok hadaba waayahay khayraadka dalkeena ma waxay rabaan in saacada qiyaama ka so gaadho waatan la diiday ,horeeysa iyo danbeysaba in talaabo dhanka guusha lo kace?

Waxaan odhanayaa argtidayda ii gaarka ah aniga maanta hadii macadan qodistii u horeysya dalkeena laga fuliyey ,oo heshiis taarikhi ah xukuumadda hogaanka haysa la gashay shirkadda ARC, waa talaabo horumarineed ,dhaqaale ,siyaasi,iyo mid maalgashi ,maxaa yeelay macdanta biriliyam ee dadkadda Berbera dhawaan laga dhoofin doona ,waxay keeni doonta Dhaqaale Miisaniyadeena iyo inuu shacbkuba ku diirsadaan .
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale taarikhada waxaa uu ku galaya Macdanta dalkeena maanta laga soo saaray oo shaqo abuur u sameeyn doonta boqolaal ka mid ah shacabkeena gaar ahaan dhalinyarta ,taas faa`idaadu noqonayso mid cid walba gaadha ,hore hadii aynu Berbera uga dhoofin jirnay neef adhi ah ,hada waxa laga diri doona macdan .

Dhanka Deeganka Siimoodi Ee Dagmada Baki waxaa uu noqday buqcadii u horeysay ee ay Somaliland Macdan Tijaari ah oo rasmiya ka hesho ,taasi waxay sumcad iyo maamuusba u noqonaysa deegaankaas iyo dadkiisa oo muujiyey geesinimo iyo guurti ,iyagoo jecel goorkasta inay xukuumada ku garab istaagaan horumarka iyo guusha dalkeena ,hadii awal siyaasiga iyo koofiyad bacalaha Hargeisa jooga taar dheereya u diri jiray deegankiisi oo uu kicin iyo mala`awaal ka shaqeyn jiray, imka yur bay dhaheen waxgaradkii iyo aqoonyahankii deeganada Somaliland cidhif ila cidhif ,shuushka iyo suuska hore-na sufeynteeda iyo Nadifintooda waa lagu jiraa ee cid danbane yaanay ku soo hungoobin.

Somaliland dhawaan waxay laga baran doona suuqyada caalamka mageecduna waxaa uu ku biiri doona dowladaha aduunyadda laga helo Macdano iyo khayraadka kala duwan , maadamo ay macdanteedii la bartay taasu waxay muujinaysa in hayaanka dib curashada aqoonsigu uu tubtiisi hayo.

Ugu danbeynti waxan halkan hambalyo uga diraya Wasaaradda Macadanta iyo Tamrta Jamhuuriyadda Somaliland oo aan aminsanahay in Dalkeeni kaalin weyn uga ciyaarto ictiraafka oo shirkasta oo ah laga hadalyo saliid ama macdan kur ugu qaaday Magaceeni marlabaad waad mahadsantihiin hawlaha Qarankan Curdinka ah aad u haysaan allena haydinla garab galo .
Mohamed Maclim
Macalinm11@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories