HomeWaa Kuma Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), sideesu uga dareen-celiyey Xilka loo...

Waa Kuma Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), sideesu uga dareen-celiyey Xilka loo magacaabay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale), ayaa ka dareen-celiyey Xilka madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay.

blank
Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi dabagale

Taliyaha Cusub ee Booliska Somaliland oo la hadlay Telefishanka Saab Tv, waxa uu sheegay Eebbe inuu u fududeeyo culays Xilka Qaran ee loo magacaabay.

“Allah ha noo fududeeyo, xil qaran weeyaane,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Daba-gale oo ka gaabsaday inuu wax intaas dheer ku daro su’aalo uu weydiiyey Weriye ka tirsan Telefishanka Saab Tv.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu ku magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland inuu noqdo Sarreeye Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale), kaddib markii 1-dii bishan uu geeriyooday Taliyihii hore ee Booliska Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo in muddo ah xannuun u jiifay.

blank
Taliye ku-xigeenka 1aad ee Booliska Somaliland Cabdi Xasan Mire

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale isla maanta Xilka ka qaaday Taliye ku-xigeenkii 1aad ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Cige oo isku deegaan ka soo jeedaan Taliyaha Cusub, kaas oo bilowgii bishan Xannuun ku soo booday muddo laba todobaad ah oo uu xilka hayay. Waxaanu madaxweynuhu beddelkiisa u magacaabay inuu Taliye ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska noqdo Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire Faarax oo ahaa Taliyihii Qaybta Bariga ee magaalada Hargeysa.

 

Waa Kuma Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi?

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale), waxa uu ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Ciidamada Qaranka.

Bilowgii Dhismaha Ciidanka Qaranka Somaliland intii u dhaxaysay sannadihii 1994-kii ilaa 95-kii waxa uu noqday Taliyaha Ururka 1aad ee guutada 1aad ee Ciidanka Qaranka. Labadii sanno ee xilligaas ku xigay waxa uu ahaa abaan-duulaha Ciidanka Qaranka ee Xeebta Galbeedka. Waxa kale oo uu soo qabtay xilka Taliyaha guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka sannadkii 1997-kii ilaa 2000.

Xilligii u horreysay ee uu Taliye Daba-gale ka hawl-galo Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa ahayd intii u dhaxaysay sannadihii 2000 ilaa 2003-dii wakhtigaas oo uu ka mid noqday saraakiisha sar-sare ee waaxda Hoggaanka Hawl-gelinta Taliska Guud.

Sannadihii 2005-kii ilaa 2008-dii, waxa uu ahaa Hoggaan ku-xigeenka Taangiyada iyo Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamada Qaranka.

Intii uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Qaranka, waxa uu tabobarro ku soo qaatay Kulliyado Milatari oo ku kala yaalla dalalka Ingiriiska iyo Ethiopia muddadii u dhaxaysay sannadihii 2004-tii oo uu dalka Ingiriiska u tagay waxbarasho iyo Sannadkii 2008-dii ilaa 2011-kii oo uu dalka Itoobiya waxbarasho ku soo dhammaystay.

Muddadii uu ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, booska u sarreeya ee uu ka gaadhay ayaa ahayd inuu soo noqday Taliyaha Hawl-gelinta Ciidamada Milatariga Somaliland isaga oo soo noqday Gaashaanle Sare.

Haseyeeshee, Bishii May ee sanndkii 2015-kii, waxa isagoo xilkaas haya dallacsiiyey oo darajada Sarreeye Guuto siiyey Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories