HomeWaa Kuma Masuulka ugu Wax-qabadka Badan Xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo Kartidiisa...

Waa Kuma Masuulka ugu Wax-qabadka Badan Xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo Kartidiisa u Qiray?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ku tilmaamay inay ka mid tahay wasiirrada xukuumaddiisa ee ugu kartida badan isla markaana shacabka dalka ka kasbatay kalsooni ay arkeen wax-qabadkeeda.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sidaas ka sheegay munaasibad Xalay uu magaalada London ula qaatay Jaaliyadda Somaliland iyo xubno ka tirsan Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka, waxaana munaasibadda goob-joog ka ahaa oo madaxweynaha ku wehelinayey socdaalka uu ku gaadh dalkaas Marwada Madaxweynaha Aamina Waris Sh Maxamed Jirde, Wasiirrada Waxbarashada iyo Duulista Hawada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Md Maxamuud Xaashi Cabdi.

Madaxweynaha-SomalilandMadaxweynaha oo jaaliyadda uga war-bixinayey wax-qabadka Xukuumaddiisa ku tallaabsatay muddadii ay xilka hayeen, waxa uu tusaale u soo qaatay Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo uu tilmaamay inay qayb ka tahay horumarka xukuumaddiisa dalka ka qabatay, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka qabatay Waxbarashada dalka.

Madaxweynaha oo wax-qabadka Xukuumaddiisa tusaale ugu soo qaatay Wasaaradda Waxbarashada, waxa uu yidhi, “Dalkeennu intii uu jiray iyo intii ay dawladdani jirtayba wax badan iyo meelo fara-badan baa iska beddelay. Waxyaabo fara-badan baa la qabtay oo waa tii laga wada-warramayey, horena warkeeda waa loo haystay horumar dhinac walba leh, caafimaadka leh, tacliinta leh. Wasiir Samsam, wasiirrada ugu aktifsan ee dalka wax ka qabtay runtii weeye ee tacliinta aad iyo aad u horumariyey.

Bari dhowayto, markaanu ku wareegaynay dalka oo dhan, meel aanu istaagno oo aan laga faaninaynin ma jirin wax-qabashadeeda oo waa tii billadaha lagu wada-siinayey.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in aanay xukuumad ahaan diiddanayn dhaliilaha loo jeediyey, isaga oo qiray inay jiri karaan godaloolooyin xukuumaddiisu yeelan karto, balse ay soo dhawaynayaan cid kasta oo talo-wadaag iyo tusaaleba u soo jeedisa isl amarkaan ay qaadanayaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories