HomeWaa kuma Hogaamiyaha ugu wanaagsan ee Somaliland soo maray? Boqor Faysal Cismaan

Waa kuma Hogaamiyaha ugu wanaagsan ee Somaliland soo maray? Boqor Faysal Cismaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

faysalaDadka reer Somaliland ma haystaan hogaamiye wanaagsan? Hore ma u soo maray? Mase higsanayaan?

Akhristeyaal maanta waxaan halkan ku daah-furaynaa codbixin aynu u qaadayno madaxweyneyaashii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray 1991-kii ilaa 2010 oo madaxweyne cusub la doortay.

Qormaddan ama Barmaamujkan oo ku salaysan lafa guris iyo aaraa-wadaag taxane ah oo aan doonayo inaad ila wadaagtaan dhamaantiin, waxaynu diirada ku saari doonaa laba qaybood oo kala ah: hogaamintii Madaxweyneyaasha iyo sida ay xukuumaddoodu ugu  kala fiicnaayeen dar-dar gelinta  Hay’addaha muhiimka  u ah Dawladnimada.

Hadaba, intii ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland waxa soo maray afar Madaxweyne.

Laba ka mid ah ayaa shacbigu si toos ah u soo doorteen labada kalena waxa lagu doortay Shirarkii ka dhacay Burco iyo Hargeysa sanadihii sagaashamaadkii.

Waxa ay kala yihiin, Madaxweynihii ugu horeeyay AHN, Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Mudane Daahir Rayaale kaahin iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo iminka afar sanadood talada hayay.

Afartaa Madaxweyne mid waliba wuxuu lahaa ama uu leeyahay hanaan maamul oo Taariikhda u geli doon, ha xumaato ama ha wanaagsanaadee, taasoo u geli doonta ama ugu jirta, diwaanka qaranka,haday tahay horumarinta nidaamka dawladnimo ee dalka iyo wixii Dhaliilo lahaa.

Hadaba Akhrisyeyaal, Mawduucan oo sidaan kor idiinku xusay  noqon doona dood iyo aragti wadaag ku dhisan hab dhexdhexaad ah, isla markaana ka reeban u xaglin cid gaar ah, ama xisbi gaar ah iyo hogaamiye aynu dano khaasa ka leenahay, waxaynu ku hor mari doonaa sida ay ugu kala wanaagsanaayeen  laba Wasaaraddood oo muhiim u ah haykalka dawladnimo iyo dhismaha Qaranka, kuwaasoo aynu qaab la mid ah sidan madaxweyneyaasha u falanqeyn doono Wasiirradii soo maray tan iyo markii dhidibada loo taagay Qaranka.

Labadan Wasaaraddood oo kala ah arrimaha dibadda iyo Arrimaha gudaha, waxa soo maray Wasiirro tiro badan oo ka tirsanaa Xukuumadihii waddanka soo maray, tan hada  talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ilaa xukuumaddii ugu horaysay ee Cabdiraxmaan-tuur.

Wasiirrada soo maray labadaa Wasaaraddood ee xukuumaddahaas kala dambeeyay, waxa xusid mudan in qaarkood dhowr jeer la bedelay, qaarna ay muddo dheer xilalka hayeen oo ay shaqaynayeen.

Hadaba, su’aasha isweydiinta leh, ayaa waxa ay tahay, xukuumadde  ugu wanaagsanayd ee ay labadaa Wasaaraddood aadka u dhisnaayeen.

Tusaale ahaan,  waa kuma Wasiirkii ugu wanaagsanaa xaga shaqada ee soo maray Wasaaradda arrimaha dibada ee horumarka ku sameeyay qastiga iyo ujeeddada ay u taagantahay,  haday tahay soo jiidashada diblomaasiyaddeed ee Caalamiga ah iyo hawlaha Ictiraaf raadinta?.

Wasaaradda arrimaha gudahase Wasiirkee ugu wanaagsanaa ee soo maray intii ay isbedelayeen afartaa xukuumaddood?

Su’aalahaas Jawaabahooda, Iyadoo aan loo eegayn Qabiilnimo, xisbinimo, Gobolaysi iyo deegaamaysi toona, fadlan ra’yigiina ku soo hagaajiya email-ka iyo Taleefoonada hoos ku qoran.

Email: Kingfaysal111@hotmail.com ama Telefoon: 063-4426644/ 063-4438402.

FG: natiijada coddeynta waxaan soo bandhigi doonaa dhamaadka bishan Barakaysan ee Ramadaan hadii eebbe yidhaahdo.

Markaasoo aynu bilaabi doono u codeynta hogaaminta Madaxweyneyaasha hadii alle ka dhigo.

Ilaahow xaqa na waafaji.

By: Boqor Faysal Cismaan Faarax

Hargeysa/ Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories