HomeWaa kuma hogaamiyaha af-gambiyey dalka Masar Gen. SISI? - W/Q: Cali Cabdi...

Waa kuma hogaamiyaha af-gambiyey dalka Masar Gen. SISI? – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

El AsisiGen. Cabdi-fataax Siciid Xuseen Khaliif El-Sisi oo madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi uu Taliyaha Guud ee Ciimada Dalkaasi Masar u magacaabay, ayaa ku  dhashay caasimada Dalkaasi ee Qaahira, sannadkii 1954-kii.

  • Sannadkii 1960-kii ayuu bilaabay dugsigii hoose, oo ku yaalay isla Qaahira
  • Sannadkii 1970-kii ayuu dhameeyey dugsigii sare, waxaanu bilaabay siduu u gali lahaa jaamacad. Wuxuu aad u jeclaa inuu noqdo hogaamiye ciidan, balse aabihii iyo qoyskooda ayaa aad uga soo horjeestay qorshihiisa.
  • Sannadkii 1972-kii ayuu si jujuub ah ku galay kulliyad milatari oo lagu barto ciidanka lugta (infantry) iyo lidka taangiyada. Intaasi ka dib wuxuu xidhiidhkii u jaray qoyskoodii oo aan jeclaysan go’aanka uu qaatay.
  • Sannadkii 1978-kii ayuu soo dhamaystay waxbarashadii ciidanka, waxaanu noqday sarkaal ciidan. Muddo yar ka dib wuxuu noqday laba xidigle, waxaanu ka hawlgali jiray waqooyiga dalka masar.
  • Sannadkii 1981-kii ayuu mar kale galay waxbarasho lagu barto difaaca magaalooyinka oo ku yaalla Qaahira.
  • Sannadkii 1987-kii ayuu ka soo dhameeyey waxbarashadii, waxaanu taliye ku-xigeen ka noqday saldhiga lagu tababaro ciidamada lugta, oo ku taalla bariga magaalada Qaahira
  • Sannadkii 1992-kii ayuu u baxay dalka ingiriiska iyo maraykanka, waxaanu soo qaatay casharo ciidan, gaar ahaan naqshada dagaalka.
  • Sannadkii 1998-kii ayuu hogaamiye ka noqday saldhigii tababarka ciidamada lugta ee uu hore taliye ku-xigeenka uga ahaa.
  • Sannadkii 2003-dii wuxuu noqday taliyaha waqooyiga gobolka Alexandria. Wakhtigaasi wuxuu laayay dad mudaharaad ka samaynayey magaalada Alexandria, waxaana dhintay maalintaasi konton qof.
  • Sannadkii 2008-dii wuxuu noqday madaxa sirdoonka milatariga. Waxaanu xilkan hayey muddo kooban. Gen. sisi waa xubinta ugu da’yar golaha sare ee ciidamada dalka Masar.
  • Sannadkii 2012-kii ayuu M/weyne Max’ed  Mursi go’aansaday inuu ku bedelo taliyihii ciidanka oo la odhan jiray Max’ed Xuseen Tantawi. Gen Sisi wuxuu noqday taliyaha ciidanka iyo wasiirka difaaca ee dalka Masar. Waxaanu u dalacsiiyey derejada “General”. Amma gaashaanle sare.markii Gen.Sisi  la isugu daray dalacsiin iyo xilka sare, waxay soo baxayey warar sheegayey in Gen.Sisi uu ku biiray ururka Ikhwaanu muslimiin, halka wararka qaarna ay sheegayaan inaanu ku biirin, laakiin muujiyey dabac taasina ay keentay inuu M/weyne Mursi aamino.
  • Sannadkii 2013-kii horaantiisa ayuu Gen. Sisi jeediyey hadalkii ugu adkaa ee uu Mursi kaga soo horjeedo. Mar uu la hadlayey dad ka soo horjeeda M/weyne Mursi. Wuxuu sheegay inay ciidamadu ay la jiraan dhinaca dadka, wixii ay rabaana loo fulin doona. Hadalkaasi ayaa loo fasirtay inuu Mursi isku-rogay Gen. Sisi.
  • Isla-sannadkaasi waxa dhacay mudaharaad weyn oo gilgilay dalka Masar, waxaanu ka dhacay inta badan caasimada Qaahira. Mudaharaadkan waxa lagaga soo horjeeday M/weyne Mursi.
  • Sannadkan bishii toddobaad waxa kulan xasaasi ah yeeshay ciidamada Masar, oo uu hogaaminayo Gen. Sisi . waxay ku hanjabeen inay soo faragalin doonaan haddii la dhibta la xalin waayo.
  • 3/7/2013—ayuu Gen. Sisi ku dhawaaqay inay xukunka kala wareegeen M/weyne Max’ed Mursi, ka dib markii uu ku guuldaraystay inuu dalka nabad ku soo rogo, dadkana qancin kari waayey. Ka dib waxa markiiba mudaharaad kagaga jawaabay taageerayaasha Max’ed Mursi ee ikhwaanu muslimiin.
  • 24/7/2013—ayuu Gen.Sisi khudbad ka jeediyey xarunta milatariga Masar, wuxuu ugu baaqay shacabka Masar inay soo baxaan oo ka soo horjeestaan argagixisada, oo ula jeedo ururka Ikhwaanu muslimiin ee Mursi ka tirsan yahay.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories