HomeWaa Kuma Cabdiraxmaan Cirro? Taarikh Mug iyo Miisan leh

Waa Kuma Cabdiraxmaan Cirro? Taarikh Mug iyo Miisan leh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cabdiraxman Cirro ),Waxa uu ku dhashay 1955 Magaaladda Hargeysa. Anbeqaadkii wax-barasho waxa uu ka bilaabay magaaladda Berbera oo uu ku qaatay waxbarashadda Dugsiga hoose. Mudane-Cirro geedi socodkii wax-barasho waxa kale uu ku soo-qaatay dugsigii dhexe iyo kii-sare isla Magaaladda-Sheekh, (Sheekh-Secondery School-1977).

Intaas waxii ka danbeeyey Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu u jeeni qaartay waxbarashadiisii sare oo ku qaatay meelo farro badan oo kala duwan. Cabdiraxmaan-Cirro, Shaahadadda-MBA, oo ka qaatay SIDAM-Collage –Muqdisho. Shaahadooyinka kale uu qaatay waxa ka mid ahaa sida-Shahaadda Degree oo ku qaatay wadanka Masar (Institute of National Planning in Cairo Egypt) Postgraduate -African Institute Moscow  Rusia). Cabdiraxmaan-Cirro,Waxbarashadiisa sare waxa kale uu Shaahadadda sare ka qaatay sanadkii 1983-1985 (Bachelor of Science-BSC, USA South Corolina University ). Mud-Cabdiraxmaan Cirro, Sida oo kale isla waddanka Maraykan waxa uu ka qaatay shahaadadda(Master of business administration MBA- Newyork State University).

Cabdiraxmaan M Cabdillaahi-Cirro,Luuqadaha uu ku hadlo waxa ka mid ah luuqada afkiisa hooyo-Soomaali.Luuqada Ruushka(Rusian Language,Luuqada Finland(Finnish Language) .Carabi(Arabic Language.Luuqaqadda Ingriisiga(English Language).

Cabdiraxmaan Cirro-Waayo Arragnimadda iyo Xilalka Masuuliyaddeed ee uu soo qabtay:

1977-1978,Waxa uu ahaa macalin wax-barasho dugsigii hoose-dhexe ee magaaladda Oodweyne. 1981-1988,Waxa uu ahaa u-qaybsanaha Madaxa-waaxda iskaashiga dhaqaalaha wasaaradda arrimaha debedda ee Somalia. 1988-1991-waxa uu ahaa qunsulkii- Dan-wadaagaha safaaradda Ruushka u fadhiyey Somalia. 1997-1998 waxa uu ahaa hanti-dhowrka waaxda-socdaalka ee Finland. Sida oo kalena waxa uu ahaa Project Assistant   International Organization for Migration (IOM) Findland. Xilalka kale uu qabtay waxa ka mid ahaa in uu ahaa xoghaya (Somali Social Democrat (SDP)

Mudane-Cabdiraxmaan-Cirro, Intaasi waxii ka danbeeyey waxa uu u soo-kicitimay dhanka dalkiisa hooyo. Xilalka iyo Shaqooyinka uu Waddankiisa Hooyo ka qabtayna waxa ka mid ahaa, Asaasayaashii Xisbigga Ucid oo ka ahaa xubintii xoghayaha arrimaha debadda ee Xisbigga-Ucid.Kuxigeenkii  guud ee xisbigga-Ucid isla markaana ah Sii-hayaha jagada xoghayaha guud ee xisbiga ucid 2003-2005Mudane-Cirro,Isla sanadkii-2005, waxa uu u tartamay ka mid noqoshada tartankii xubnaha golaha wakiiladda Somalilandgaar ahaan xildhibaanadii iska sharaxay Gobalka Saaxil-Barbera.Tartankii doorashada golaha wakiilada ee uu tartamay Mud-Cirro, waxa uu ku guulaystay Codkii  uu xisbigga Ucid helay ugu badnaan  isaga oo helay Afar-meeloodow-meel(25%) Codkii xisbigga Ucid. Mudane-Cirro, markale waxa uu tartamay Shir-guddoonka golaha wakiiladda (the chairmanship) halkaas oo markale u ku guulaystay in uu ahaado gudoomiya Golaha-Wakiiladda-Somaliland.

Cabdiraxmaan-Cirro iyo Dhalashadii-Xisbigga-Waddani.

 Xilligii uu madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay furista ururrada siyaasadda ee cusub isaga oo u  magacaabay guddi qaabilsan diiwaan-gelintooda,gudiddaas uu M/waynuhu magacaabay waxa ay  diiwaan-geliyeen shan iyo toban urur siyaasaddeed oo kala ahaa,DALSAN, UMMADDA, NASIYE, DAMAL, NUUR, GURMAD, NDB, WADDANI, HORYAAL, SSCD, XAQSOOR, BADBAADO, NASIYE iyo RAYS.Shan iyo tobankan Urur-siyaasaddeed waxa sida likaha uga soo dhex mudhyidhiXisbiga Waddani oo uu fekerka asaaskiisa lahaa Mudane-Cirro kuna wehelinnaayeen asxaabtiisii siyaasaddeed ee ay gorfe-siyaasad waddaaga  lahaayeen.

Maalin Khamiis ah bishii-Oct-6-2011 ayey ahayd ku dhawaaqidii rasmiga ahayd ee Xisbigga Waddani markii uu kaga dhawaqaay Hotel Maansoor Hargeysa Mudane-Cirro Xisbigga Waddani. Shirweynaha WADDANIwaxa uu ku qabsoomay isla MAANSOOR HOTEL ee magaalada Hargeysa waxaanna lagu martiqaaday ergooyinkii Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland” iyo Wufuud fara-badan.Shirweynaha WADDANI waxa uu ahaa kii ugu ballaadhnaa ee ay xisbiyaddu qabsadaan isla markaana Si toosa looga daawanayay dalka iyo debaddaba  oo laga baahinayay Horn Cable TV. Iyadda oo la raacaayo xeerka tiradiisu-farqadiisu tahay afar iyo toban (xeer number 14) iyo xeerka xisbiyadaba waxa lagu doortay hoggaankii  oo kala ahaa Laguna Doortay Gudoomiyaha Xisbigga iyo Shan G-ku-xigeen xoghaya guud iyo ku xigeenkiisa Gudidda fulinta iyo Golaha Dhexe. madaxda sare ee lagu doortay shirweynaha WADDANI waxa ay ahaayeen sidan Guddoomiyaha oo noqonaya Md Cabdiraxmaan M Cabdilaahi (Cirro) iyo shan guddoomiye ku xigeen oo kala ahaa· Axmed Muumin Saeed oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad,Faarax Maxamed Cabdilleoo loo doortay guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Raximullah Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Cabdilaahi Dheere) oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka 3-aad,Cabdi Siciid Raygal waxa loo doortay guddoomiye ku xigeenka afraad, Milgo Maxamed Cilmi  Guddoomiye ku xigeenka 5-aad Shirwaynaha ayaa sidoo kale waxa cod gacan taag ah lagu ansixiyey xoghayaha  oo  loo doortay Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo markaa ahaa Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa.

Intaasi ka dib Xisbiga Waddani waxa uu noqday asxaabta qaranka Xisbigii ugu da’da yaraa marka loo-eego xiligii la-asaasay X-Waddani.Xisbiga-Waddani oo ay koobantahay mudadda uu jiray ayaa hadana ah Xisbiga ugu taageeradda badan dhanka bulshadda Somaliland.Mudane-Cabdiraxmaan-Cirro wakhtigan waxa uu u taaganyey Musharaxa-Jagadda M/weyne ee Xisbigga-Waddani doorashadda sanadka-2017.

W/Q Hamze H Gurre.

Contact

+252634417106

hgurre.madaale@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories