Home“Waa in si dhakhso ah loo sii daayo jariiradaha xidhan, wixii ka...

“Waa in si dhakhso ah loo sii daayo jariiradaha xidhan, wixii ka baaqdayna dawladdu ha bixiso iyadaa gashay danbigaase”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay hab-dhaqan shuruucda dalka ka baxsan kula dhaqmayso isla markaana kaga jawaab-celinayo dhaliilaha maamulkeeda loo jeediyo iyo qorsheyaasheeda ololeysan ee ay mar kale ku doonayso inay hoggaanka dalka gacanta ku sii hayso.

ina xaashiMaxamed Xaashi Cilmi oo xiligan ka mid ah siyaasiyiinta ku bahowday Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, waxa uu si adag ugu dhaliilay xukuumadda tallaabada ay u martay xayiraadda xarumaha warbaahineed ee Wargeysyada dalka qaarkood.

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu arrimahan ka hadlay shir-jaraa’id oo ay maanta qabteen siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, waxaanu ugu horreyn ka hadlay Xayiraadda Xukuumaddu ku riddey Wargeyska Haatuf.

“Inaga oo ictiraaf raadinayna, inaga oo ay ahayd inaynu sharciga ku dhaqano, inaga oo ay ahayd inaynu Soomaalida kale kaga duwanaano oo aynu tusno  wanaaggeena iyo sidaynu halgankeena ku soo marnay; isaga oo madaxweynuhu ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa intii halganku socday, maanta lagama filayn xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay xaq-darro xalaashadaan, waxay  ahayd haddii jariirad wax laga sheegayo in ninkii qoray maxkamadda la geeyo oo uu ka dacwiyo wixi lagu helana lagu qaado, jariiraddana in marna la xidho may ahayn, waayo jariirada dad ayaa ka shaqeeya,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaanu intaas ku daray, “Nin durbaan qaatay cilaaq dalbay ayaa la yidhi marka uu ninku madaxnimo u baxo oo uu xil ummadeed qaado inuu yidhaa cidbaa wax I tidhi maaha, waa  la odhanayaa waana lala xisaabtamayaa, wixii ay xumeeyeen ayaa la sheegayaa, jaraa’id ayaa sheegaya oo dadka ayaa sheegaya. Waa la xukumay oo ninkii arrintan loo haystay maxkamadba lama marin maaha wax sharciya, mana aha wixii aynu maanta ku kici lahayn.”

Maxamed Xaashi Cilmi waxaa uu sidoo kale ka hadlay qaabka ay u dhaqmaan ciidamada RRU-da xilliyada habeenkii, waxaanu yidhi, “Maanta waxaynu u baahan nahay inaynu tusaale fiican noqono oo wixii ina soo maray aynu ka nasano mana aha inaynu mid kale galno  oo RRU-du kolba aqal jabiso oo dadka loo dhaco habeenkii, dadkana layska xidh-xidho, waxaasina waa wax inaga fogaynaya aqoonsigii aynu raadinayey.”

Maxamed Xaashi waxa uu intaas raaciyey hadalkiisa, “Nasiib-darrada ugu waynina waxa weeye raggii  ina Siyaad Bare ku dhaliilayey inay xaq-darro ku kaceen oo aynu ka dagaalanay oo aynu ku ridnay inay iyagii galaan waa nasiib daro wayn, waxaanan leeyahay madaxweynaha waa in si dhakhso ah loo sii daayo jariiradaha xidhan, wixii ka baaqdayna dawladdu ha bixiso iyadaa gashay danbigaase,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories