Home“Waa Illaahay mahaddii in maanta culimadii oo dhami ay dalkeena inoogu yimaaddaan...

“Waa Illaahay mahaddii in maanta culimadii oo dhami ay dalkeena inoogu yimaaddaan oo ay inoo duceeyaan” – Madaxweynaha Somaliland  oo Qaabilay Culimada Ansaaru Sunna

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah culimada Soomaalida ee ka qaybgalay kulan miimeedkii saddexaad ee Ansaaru-sunna oo toddobaadkan lagu soo gebo-gabeeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Ugu horrayn wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey culimada isaga timi waddamada deriska iyo daafaha caalamka, waxana uu ugaga mahadnaqay wacdiyadii iyo waanooyinkii arrimaha diinta la xidhiidhay ee ay maalmahanba siinayeen bulshada reer Somaliland.

Qaar kamid ah culimadda waaweyn ee kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin  Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi (General Jiir), Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Almis Yaxye,  Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike, Dr. Cali Maxamed Saalax iyo  Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay, iyaga oo si guudna Jamhuuriyadda Somaliland ugu  ammaanay nabadda iyo amniga taabbo-galka ah ee ka jira, isku-duubnida iyo midnimada shacabka iyo xukuumadda ka dhaxaysa iyo xiisaha bulshadu u qabto barashada diinta Islaamkana si weyn u bogaadiyey.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada waaweyn ee diinta magaca ku yeeshay ee qaybta ka ahaa kulankii ballaadhnaa ee Somaliland lagu qabtay, waxana uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaa soo dhaweynayo khayrka iyo wanaagga ay culimadaasi dalka keeneen iyo muxaadarooyinkii ay bulshada u jeediyeen, waxana uu yidhi,“Ilaahay baa mahad leh nagu simay in intan oo culimo ahi noo timaaddo oo ay noo duceeyaan, ciddii khayrkaas iyo intaas oo culimo iyo ducadaas noo keentayna  waannu u mahadnaqaynaa, waannu jecel nahay intan oo culimo ah oo wanaagga iyo khayrka na farayaa inay If iyo Aakhiroba na xasuusiyaan waa hiil iyo garabgal aannu aad iyo aad u soo dhaweynayno.”

Madaxweynuhu waxa uu culimada ka codsaday inay ummadda uga duceeyaan khilaafka iyo kala qaybsanaanta dhexdooda taalla, kuna waaniyaan inay is caawiyaan oo ay gacan qabtaan dadkooda jilicsan ee u baahan taakulaynta, waxana kulankan   ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka, Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere)  iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Dhinaca kale, qoraal kooban oo madaxweyne Muuse Biixi kulanka culimada kaddib soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku yidhi, “Waa Illaahay mahaddii in maanta culimadii oo dhami ay dalkeena inoogu yimaaddaan oo ay inoo duceeyaan, Illaahay ha ka abaalmariyo wacdigii, waanadii, aqoontii iyo wanaaggii ay gurigeenna inoogu keeneen”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories