HomeWaa Ceeb Inay Madaxtooyadu Shacabkeeda ku Caydo Warbaahinta Cashuurtooda Lagu Maalgeliyo

Waa Ceeb Inay Madaxtooyadu Shacabkeeda ku Caydo Warbaahinta Cashuurtooda Lagu Maalgeliyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Waa Nasiib daro weyn in cashuurtii shacabku bixiyeen lagu caayo shacabka Xubno ka mid ah, Wargeyska Dawan waa Wargeys shacabku leeyahay oo lagu maal geliyo cashuurta shacabka mana haboona in qofka maamulaya Wargeyskaasi ee waliba mushahafkiisa laga bixinayo cashuurta shacabka inuu u adeegsado dano shaqsi oo uu ku caayo dad sharaf iyo karaamo ku leh shacabka Somaliland, waa wax laga xumaado inay Xukumadii sida xoolo libaax ku dhex dhacay  ay ka qayliso dhaliilo run u badan oo uu muwaadin ka mid ah shacabkeenu si anshax leh ugu sheegay, haday run tahay Waxa uu sheegay Boobe oo sida aan u arko ay tahay wax run ah oo aanay cidina indhaha ka qarsan karin, waa inay Xukumadu isa saxdo halkii ay qaylin lahayd waa inay  ceebaheeda asturtaa. waxa hore loo ogaa in Xukumada laga caydhiyay Wasiiradii aan u soo shaqo tegin inay ka shaqaystaan oo ay jeebabka ka buuxsadaan lacag balse u soo shaqo tegay inay shacabkooda u shaqeeyaan, Wasiiradaas oo aan ka xusi karo Maxamed Xaashi (Wasiirkii Maaliyada), Wasiirkii ugu horeyay ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ku qasbay Shirkadaha isgaadhsiintu inay wada hadli karaan oo qofka sita telephone mobile ah uu la hadli karo shirkada kale iyo in Dalka Somaliland yeesho Country Code balse Shirkadaha Dalku duufaano ku kiciyeen Wasiirkaasi si aanay u hirgin qorshihii Wasiirku. ayna Madaxtooyadu go’aansatay inay Wasiirkaas Shaqada ka erido, waxa kale oo xusid Mudan Wasiirkii ugu danbeeyay ee Boobe oo la ogyahay inuu ahaa nin aqoon iyo waayo aragnimadiisa looga maarmi waayay Wasaarada Warfaafinta oo markii la arkay waxqabadkiisii ay Madaxtooyada dad ka ag dhaw oo aan rabin horumarka dalkeena ay ku shimbiro waaqleeyeen. maantana way cadahay inay Xukumadu ay ka xuntahay Wasiir kasta oo si daacad ah wax u qabanaya oo marka uu is yidhaa wax sax oo horumar ka samee Waajibaadka loo igmaday ay jiraan casaafiir kaga kacaysa Wasaaradaas oo ku yaacaysa Madaxtooyada. Hadii Wasiirka loo dayn waayo shaqadii loo igmaday oo uu u  madax banaan waayo shaqadiisa waa nasiib daro weyn. Madaxweynuhu shaqada ha u dirsado casaafiirta hoganaysa Madaxtooyada ee xafiisyadoodii loo igmaday ay madhan yihiin ee ka shaqaynaya u kala waranka xukumada. waa wax inagu cusub waana munaafaqnimo inay Madaxtooyadu samaysato Ciyaala Suuq aan dal iyo dadnimo garanayn oo ka shaqeeya Wasiir hebel iyo agaasime hebel badel oo hebel iyo hebel magacow. dadkan shaqada qaran loo dirsaday ee shaqada ka dhigtay inay madaxtooyada dharaar oo dhan kolba xafiis ka sheekeeyaan ee shaqaalihii madaxtooyadu ka shaqaysan kari la’yihiin.  Imika shacabku waxay sugayaan in Wasiirkii ugu danbeeyay dhinaca waxqabadka iyo horumarka oo ah Sacad Cali shire badelkiisa inay maqlaan madaama aanay xukumadani rabin Wasiir waxqabad leh.  Haday Xukumadani rabto waxqabad waa  inay u daysaa shaqadooda masuuliyiinta qaranka ee ay xilka u wakiilatay oo waliba ay isku garab taagtaa masuul kasta xilkiisa qabsado hadii xitaa looga soo cawdo.  hadaad curyaamiso shaqadii Masuulkaaas aad u xil saartay sideed uga sugaysaa inuu waxqabad sameeyo oo aad la xisaabtanto hadhaw. Qarankani wuxuu u baahan yahay inuu ka baxo ku dhex mashquulka arrimo yaryar oo aan macno lahayn oo madaxtooyada lagula wareego, waxa laga sugayaa waxka weyn Qabiil hebel qanci iyo casaafiir marfashyada intay ku soo qayilaan yidhaahda qabiil hebel ayaa Xukumada ku kacsan ee la kulan odayaashooda iyo Wasiir hebel badel. waa in waxaas laga koraa oo laga xishoodaa. waa in qaranka loo fikiraa sidii loo horumarin lahaa ee shaqo loogu abuuri lahaa kumanaanka ka soo qalin jabinaya Jaamacadaha ee aanay jirin cid ay wax ka sugayaan balse meesha qudha oo ay sugayaan ay tahay inay shaqo u abuurto Xukumada maaanta jirta ee iyada dhexdeedii ka dhamaan la’.
C/raxmaan Maxamed
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories