HomeWaa Caruus Oo Maalmo Yar Uun Baa Ka Soo Wareegay Arooskiisii!!

Waa Caruus Oo Maalmo Yar Uun Baa Ka Soo Wareegay Arooskiisii!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waa abaaro laba iyo tobankii duhurnimo, waxaa uu soo garaacay albaabka gurigiisa, waxa si dagdaga uga furtay ooridiisa oo uu aad u jeclaa, iskuna cusbaayeen.
Salaan iyo soo dhawayn ka dib waxa uu galay qolkii hurdada,
Waxaa uu iska bixiyey dharkii uu sitay, ee uu dabada kaga yimi,
Waxa uu usoo baxay dhanka suuliga si uu u maydho.
Suuliga markii uu galay,
waaba biyihii oo diyaarsan shaanboogi, saabuuntii iyo tuwaalkiina oo iyana is garab yaal,
Qalbiga ayuuna aad uga farxay.
Qubayskii ayuu dhamaystay, waxaa u ku soo noqday qolkii hurdada, xogey kadib ayuu soo baxay, waxana uu soo aaday dhankaa qolkii cuntada.
Indhaha ayuu mar kaliya ku dhuftay cunto diyaara oo dhamays tiran iyo marwadiisi oo dul taagan kursigay ugu talagashay odaygeedu inuu fadhiisto.
Waxaa lagu wada qadeeyey jawi farxadeed, waxaana uu in badan u mahad naqay xaaskiisa iyo kadisyada quruxda badan ee ay u samaysay iyo sida muga wayn ee ay uga farxisay.
Qadadii ayaa la dhameeyey, waxa loo soo kacay dhankaa iyo qolkii hurdada kadibna waxay tiri gacaliye jiifso,
Waa uu jiifsaday waliba dhanka beerka, kadibna waxay soo qaaday saliida jidhka lagu duugu waxayna si naxariis iyo raaxo leh ugu duugtay odaygeedi waliba xubnihii uu ka daalanaa.
Marakay duugistii u dhamaysay, ayey ku tiri xabiibi miyaad ii baahan tahay?
Wuxuu ugu jawaabay may xubi,
Kadibna waxay u raacisay, haye macaane ii seexo waxaan marsan xine’ e
Muddo saacad iyo badh ah kadib, ayaa la adimay salaadi casar, waxa uu kala qaaday indhaha mise waaba xaaskiisi oo dul fadhida.
Waa uu fadhiisay kuna yidhi, galab wanaagsan xayaati.
Si qumaati leh ayey ugu jawaab celisay marwadiisi kuna tidhi, galab wacan gacaliye,
intaa markii lays dhaafsaday ayuu kacay kadibna suuliga tagay, hadana waa diyaar agabkii waysada ee uu u baahnaa.
Xogey kadib soo Wayso dhamaysay, waxaa uu ku soo noqday qolkii hurdada, waxaa u diyaarsan shaah iyo bun ay xaaskiisu u diyaarisay intuu waysada ku guda jiray.
Waxaa uu cabay shaah iyo dhawr xabo oo keeg ah, oo xaaskiisu afka ugu guraysay, wada jira ayey u cunayeyn.

geele adhi

Intaa kadib,
waxa uu u huladay inuu xidho dharkii galabnimo ee uu ku baxayey.
Surwaalka markuu xidhay ayey gacalisadiisu la daba istaagtay shaadkii oo ay gacmaha u galisay, una xidhay ilaa badhanka u sareeya.
Intaa kumay dayne miiski tawalaydka ayey ka tiigsatay dhankeeda midig, waxayna soo qaaday saacad miiska saarayd oo uu lahaa ninkeedu.
Gacanta bidixda ayey ugu xadhay, cadaro dhawra ayey mid ka soo qaaday kadina ku shubtay shaadhka qayb ka mida.
Intaa kadib ayuu u diyaar garoobay inuu baxo, wuxuu gacanta qabtay xaaskiisi oo u eg inay aad u daalanayd, waxana uu si naxariis leh ugu yidhi
Gacaliso, waan ku jeclahay waad i raaligalisay ee alle ayaa raali ahaansho kuu waydiyey.
Ogow oo ogow inaan ku jeclahay, muddadaan kaa maqanahay maganta alle ii ahow macaan.
Waa weedho xaxanto leh oo kalgacayl wayni ku dheehan yahay.
Mabsuud ayey xaaskiisi noqotay waxayna ku warcelisay,
Waayahy xubi garabkaa alle ha galo, isha cadaawuhu kaa dadan
Soo noqo adoo nabada inshaa alaah.
Intaa markii lays dhaafsaday ayuu baxay, waxay gacalisadiisi sii taagnayd albaabka wayna daalacanaysey intuu ka ila libdhayey.

Nolosha qoysnimo ee laysla fahmo ayaa dhaqanadaa lagu arkaa.
Waxay astaan u tahay, is fahan dhaba, jacayl iyo tixgalin aad gun dheer.
Dhadhan gaara ayey leedahay noloshu markaad haysato rafiiq nololeed oo aad ku fahma kaagana farxiya, waana badhaadhaha nolosha.
Qoyskii Riyada…..

Mahad Xasan Geele

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories