Home"Waa cadaan, waana la og yahay in Somaliland ay ka dhismeen,kana shaqeeyaan...

“Waa cadaan, waana la og yahay in Somaliland ay ka dhismeen,kana shaqeeyaan « SHABAKADO TAHRIIBTA KA SHAQAYSTA», kuwaas oo dhismay, xoogaystay intii Xukuumada Kumiye talada dalka haysay”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

UCID_MingisteHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Xukuumadda talada haysa tallaabo wax ku ool ah ka qaadi weydo shabakadaha macaash-doonka ee ka Ganacsada Tabriibinta Dhalinyarada dalka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID  Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), ayaa lagu sheegay in Shabakadaha Tahriibka ka ganacsada ay dalka ku soo bateen intii ay talada haysay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay wax-ka-qabashada dhibaatadan.

Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan : « Sida  ay ka dheregsan tahay Busho weynta reer Somaliland gudaha iyo dibadaba ,waxaa si xawli ah u korodhay  mudadii Xukuumada Xisbiga Kulmiye  hogaanka wadanka  haysay dhibaatada Tahriibta ee Dhalinyarada reer Somaliland. Dhalinyarada reer Somaliland ayaa maanta ah kuwa ugu badan ee  ku dhimanaya, Saxaraha—badaha iyo Xabsiyada wadamada Tahriibta loo  sii maro.

Baadhitaano  iyo   xogo lagu kalsoonaan karo, waxay cadeynayaan oo ay daaha ka qaadayaan arimahan  hoos ku qoran :-

1.Waa cadaan,waana la og yahay in Somaliland ay ka dhismeen,kana shaqeeyaan « SHABAKADO  TAHRIIBTA KA SHAQAYSTA », kuwaas oo dhismay, xoogaystay intii Xukuumada Kumiye talada dalka haysay.

2.Waxaa  caddaan ah in Shabakadahaasi ay macaash  weyn  ka sameeyeen Tahriibta, mudadii ay jireen, dhaqaalahaasi intiisa badani  loo adeegsado arrimo aan Somaliland u dan ahayn.

3.Waxaa  jira warar sheegayaa, amase sida Saxaafada Somaliland qaar ka mid ahi qoreen ,in xubno ka mid  madaxda  ugu saraysa Xukuumada Somaliland in ay wax ku leeyihiin Shabakadaha Tahriibta ee xiligan hafiyey Somaliland, waxaa sidoo kale wararkaasi sheegayaan Xubnahaa Xukuumada ka tirsani ay dhaqaale buuran ka heleen Tahriibta iyo  dhibaatada ubadka reer Somaliland, laakiin hore ayaa loo yidhi (Nina dhuuni ayuu ku dhex joogaa Nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay).

4.Waxaa wax lala yaabo ah,wax laga xishoodo ah in maanta Xukuumada Somaliland ay tahli kari weydo in ay talaabo ka qaado, shaqsiyaadka Xukuumada ka tirsan ee  la sheegay in ka mid yihiin Shabakadaha  Tahriibiya ,badaha ku guray Dhalinyaradii reer Somaliland ,ee beri noqon lahaa hogaankii wadanka.

5.Waxaa wax laga xishoodo ah,musuqmaasuqa ku habsaday Xukuumada Somaliland.Waa cadahay  in 70%  dhaqaalaha wadanka soo galaa uu ku dhaco jeebabka shaqsiyaad  tirsan oo la yaqaano,waana sababta keentay in la waayo shaqo abuur,tahriibtuna noqoto  halka la beegsado.

Xisbiga UCID  wuxuu  aad iyo aad uga tiiraanyeysan yahay dhibaatada Tahriibta ee mudadii u dambaysay ku sii xoogaysanaysay Somaliland,taas oo ay sabab u tahay  Xukuumada oo ka gaabisay  in ay shaqo u abuurto Dhalinyarada habeen iyo maalin badaha – Saxaraha iyo Xabsiyada ku dhimanaya.

Xisbiga UCID wuxuu balan qaadayaa, haddii uu qabto hogaanka wadanka in uu mudo kooban wax kaga qaban doono  dhibaatada Tahriibta—Shabakadaha iyo shaqsiyaadka ka shaqaystaba, shaqo abuurkuna noqon doono talaabada koobaad ee lagu dhaqaaqo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories