Home“Waa biseyl siyaasadeed in Xisbiga talada haya doorashadii iyo guddoonkii Baarlamaanka looga...

“Waa biseyl siyaasadeed in Xisbiga talada haya doorashadii iyo guddoonkii Baarlamaanka looga guulaysto, haddana madaxweynihii…” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Somalia Ee WADAJIR Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ayaa Ka Hadley Doorashadii Shir-Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo salaasada maanta loogu doortay inuu Golahas Hoggaamiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka soo baxay Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

blankSiyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu bisayl siyaasadeed oo dimuqraaddiyadi ku dheehan tahay isla markaana aan dalkiisa Soomaaliya wali gaadhin ku tilmaamay inuu madaxweynaha Somaliland aqbalo oo uu hambalyeeyo guusha Xisbiyada mucaaradku ka gaadheen doorashadii isku-sidkanayd ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada iyo sidoo kale gacanta ku dhigaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, halka uu sheegay in dalkiisa Soomaaliya aanu wali heerkaas oo gaadhin isla markaana aanu ka jirin bisayl siyaasadeed oo wax laysku oggolyahay, balse taas beddelkeedana ay ka jirto is-muquunin laysu awood-sheeganayo iyo in tartanka doorashada layska reebayo.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa arrintan iyo qoddobo kale kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaanu ku bilaabay sidan:-

“Runtii waa biseyl siyaasadeed iyo bilow fiican oo dimoqoraaddi ah in Xisbiga talada hayaa doorashadii, maayarkii Hargeysa iyo guddoonkii Baarlamaanka looga guulaysto, haddana madaxweynihii talada hayey uu hambalyeeyo. Innagu weli waxaynu joognaa doorasho dadban oo weliba qaarkeed tartanka la iska reebayo,” sidaas ayuu yidhi Siyaasigu.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhti kooban kaddib markii uu dhammaaday fadhiga maanta ee golaha wakiiladu doortay Shir-guddoonka, waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay saddexda xubnood ee shir-guddoonka Cusub loo doortay, kuwaas oo saddexdooduba ka soo baxeen Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, kuwaas oo uu Md Muuse Biixi ku hambalyeeyey doorashadooda iyo guusha ay gaadheen oo uu ku tilmaamay mid qaranku wada-leeyahay.

Dhinaca kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu diray farriin siyaasadeed u muuqata jawaabta hadal hore uga soo yeedhay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliya yihiin cadowga koowaad ee liddiga ku ah aayo-ka-tashiga iyo guulaha Somaliland gaadhay.

Waxaanu qoraalkiisa ku yidhi,  “Hambalyo guddoonka cusub ee Baarlamaanka Somaliland. Madaxweyne Biixiyow kuwa Muqdisho isku eryanaya waa walaal wax ka halaysan yihiin ee ma aha cadowgaaga ugu wayn”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah murashaxiinta u taagan Jagada madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu si adag uga soo horjeedaa inta badna dhaliilaa siyaasadda hoggaamineed ee madaxweynaha dalkaas Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories