HomeWaa been ma istaadhmi doonto...! Bal waa taase ha dhaqaaqdo….! Bal yaa...

Waa been ma istaadhmi doonto…! Bal waa taase ha dhaqaaqdo….! Bal yaa joojin doona…?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Somaliland maanta waxay ku jirta marxalad ka duwan kuwii hore ay usoo martay , waxaan muuqata in dalku horumar samaynayo mudadii seddexda sanno ee ugu dambaysay  gaar ahaan dhinac adeegyada bulshada sida ; waxbarashada , caafimaadka , jidadka, iyo waliba dhismayaasha xarumaha dawlada, maalgashiga , xidhiidhka caalamiga ah iyo tayaynta hay’adaha kala duwan ee xukuumadda.

Dhamaan mashaariicaha horumarkaas aan sare ku xusay waxaa fulisay xukuumadda hadda  ee uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo)  waana balanqaadkii waxqabad ee xukuumadda oo si cad oo muuqda u hirgalay.

In lagu soo celceliyo waxqabadka Xukuumadda maaha.. waayo way cadahay.. laakiin sababta keenaysa in sidaa la yelaa waa Dad aad moodayso in ayna dalka joogin iyo in ay mucaaridnimada sidaa u yaqanaan  oo maalin kasta in aan waxba la qaban sheegaya (Mentally Retarded) oo leh Dawladi ma jirto way ka sii dartay halkii la taagnaa ka hor intaan la dooran.

Bulshada tiro yar ayaa hiyi-kaca oo aan waxba hubsan oo u qaata weedhahooda kuwo xaqiiqda ka tarjumaya. Balse aqlabiyadda shacabku waxay arkaan waxqabad muuqda, waxayna aqoon wanaagsan u leeyihiin shakhsiyaadka weedhaha dhiiladda leh la dhex wareegaaya.

Waxa waayo-aragga iyo dadka aqoonta leh ee dalkan laga rabaa inay hawsha u rogaan fikir maskaxeed oo xeel dheer oo dalka iyo dadka waxtara. Sidoo kale qurbajooga waxaa iyagana la gudboon inay dalkooda maalgashadaan oo ay ku daydaan qurbajooga wadamada aynu dariska nahay sida qurbajooga dawlad-degaanka Somalida Ethiopia.

Mucaaridku wax kasta way dhaliilayaan, diidayaan, ka hor imanaynaa… inay khaldan yihiina waa ay muuqataa.

Markii la soo saaray Doonidii ugu horaysay ee ku shaqaynaysay  Uumiga iyadoo hore loo isticmaali jiraya tan Shiraac.. ayaa maalintii la iclaamiyay in berri la tijaabinayo oo la isugu iman doono  webiga… bulshadiina faraxad ku jirto ayuu mid dadkii ka mid ahaa yidhi waa been ma istaadhmi doonto..

Maalintii markii la yimi ee ay istaadhantay … ayuu haddan yidhi bal waataasi ha dhaqaaqdo.. markii ay dhaqaaqdayna wuxu yidhi bal waa taasi yaa joojin doona…!

Mucaaridku waa sidaasi waxtar kasta waxay sheegayaan tan oo kale … laakiin iyagu way garanayaan..

Maalin kale nin dhakhtar ah ayaa la yidhi dhalinyaradan  Isbiirtada cabtay bal si practical ah u tus waxyeelada isbiirtada…

Markii uu dhalinyradii isugu yeedhay ayuu soo qaaday laba madiibadood..

Mid wuxu ku shubay biyo saafi ah, tii kale iyagoo arkaaya ayuu ku shubay Isbiirtadii.

Wuxu ku yidhi Bal eeg.. Dirxigaasi waxaan ku ridayaa biyaha saafiga siduu noqdo… wuu ku riday waanu iska dabaashay….

Bal imika eega ayuu ku yidhi waxaan idin tusayaa waxyeelada isbiirtada waxan ku ridayaa madiibada ay isbiiratadu ku jirtee.. markii uu ku riday ayuu markiiba dhintay !… iyagoo dhalinyardii qancay ayuu mid ka mid ahi yidhi .. dhakhtar oo soo haddaan cabo gooryaanka calooshaydaba dili mayo?  Bal sida qaldan ee uu u fikray … … waa kaasi fikirka qaar kamid ah mucaaridku..

Waxaa loo baahan yahay inaynu dadaal  la nimaadno haddii aynu nahay shacabka oo aynu maskax iyo muruqba kagala qayb qaadano dedaalka waxqabad ee ay ku guda jiraan masuuliyiinta aynu hogaaminta qaranka u igmanay. Niman fadhiya oo maalin kasta warabaahinta ku jiraa waxba masooo kordhinayaan…

Ninki caalimka ahaa ee ISAK NEWTON isagoo maalin hoos fadhiya geed tufaax ah ayay xabad tufaax ahi ku soo dhcaday.. Halkaasi ayuu ka bilaabay maxay Xabad tufaax ahi ay hoos ugu soo dhacayasaa .. may kor u kacdo…. Waana ninka soo saaray xeerka Cufis jiidadka Dhulka… kaasi waa nin keliya oo fikiray oo cilmigaa dhan soo kordhiyey,  ….hadal iyo qaw-qaw looma baahna fikir iyo waxtar baa la rabaa… bal wax soo kordhiya..?

Xikmad ayaa tidhaa “ haddaanad dhulka waxba kusoo kordhinayn , siyaado ayaad tahay iskaga dhimo” waxaan leeyahay dalka wax kusoo kordhiya

 “Lama helo wadaadow waxaan cidi u hawshoon”  Timacadde.

Dalka Jaban malaha khayraad dabiici wakhtigan (natural resource) waxa kaliya ee maanta ay ka faa’ideystaan waa wakhtiga iyo dadka waxaanay leeyihiin xirfado (human skill and technology ) taasna waa sababta maanta ay ugu  horumareen waxkasta.

Gabagabadii ,  hadday hiifta daayaan Hebelo ama aan laga hoos qaadin haaka waynu odhan oo dalku horumar wuu gaadhi.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories