Home“Waa ayaan darro inuu 80 jir siyaasiyi kala garan waayo Shir Qaran...

“Waa ayaan darro inuu 80 jir siyaasiyi kala garan waayo Shir Qaran oo wada tashi ah iyo shir-beeleed” – XISBIGA UCID , WAR-SAXAAFADEED

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa difaacay shir Talo-Qaran ah oo oo dhawaan Guddoomiyaha Xisbigaas ku baaqay, waxaanay ku doodeen inaanu ahayn shir beeleed.

Xisbiga UCID oo daba-socda hadal guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku duray Xisbiga UCID iyo Guddoomiyahooda, ayaa dhalleecayn u jeediyey guddoomiye Saleebaan iyo Golaha uu madaxda ka yahay ee Guurtida.

Sida lagu sheegay Warsaaxafadeed ka soo baxay Xarunta Guud ee Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, waxa guddoomiye Saleebaan lagu eedeeyey inuu ka soo bixi kari waayey hawsha Qaran ee uu dalka u hayo.

Warsaxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan: “Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka waxa uu taagan yahay ilaalinta madaxbanaanida JSL.

Annagoo tixraacayna hadalka ka soo yeedhay Gudoomiyaha Guurtida 4-tii bishan Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu kaga horjeeday shirkii Qaran ee aanu baaqnay oo aan ahayn Shir beeleed.

Gudoomiyaha waxa uu caddeeyay inuu bad-baadinayo dan beeleed balse Xisbiga UCID waxa uu u taagan yahay ilaalinta jiritaanka Qaranimada JSL, dal iyo dad iyo dad wada jira, Mudane Saleebaan waxa aanu u sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii Gar-adag oo kale.

Waa ayaan darro inuu 80 jir siyaasiyi kala garan waayo Shir Qaran oo wada tashi ah iyo shir-beeleed. Markaa maaha inuu Saleebaan xajiimeeyo Xisbiga UCID, ayadoo Guurtidu gabtay hawlahay u xil saarantahay ee ka mid tahay arrinka Saylac, Sool iyo Sanaag.

Dastoorka Qaranka waxa ku cad Kursiga uu ku fadhiisiyo Saleebaan inuu yahay ninka Saddexaad ee JSL ee salaanta Qaran la siin karo. Marka uu Saleebaan leeyahay annagu maxaanu qabanaynaa, shacabka ha u caddeeyo ula jeedada uu ka leeyahay.

Sidaa darteed waxa aanu leenahay inuu Saleebaan Ka waantoobo tallada Dalku waa Taayada.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories