HomeVladimir Putin oo markii saddexaad loo dhaariyey Madaxweynaha Dalweynaha Ruushka

Vladimir Putin oo markii saddexaad loo dhaariyey Madaxweynaha Dalweynaha Ruushka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[M]oscow (SLpost)- Raysal-wasaarihii hore ee dalka Ruushka Mr. Vladimir Putin ayaa markii saddexaad loo dhaariyey xilka madaxweynaha dalkaas oo uu dhawaan ku guulaystay.

blank

Siday ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, munaasibad kooban oo guriga dalkaas looga taliyo ee Kremlin lagu qabtay, Mr. Putin waxa uu u dhaartay qabashada xilka, iyadoo ay jidadka dibadda ka ah ka socdaan mudaharaadyo rabshado wata oo lagu diidan yahay qabashadiisa hoggaaminta Ruushka inuu markale ku soo laabto.

blankMr. Putin oo 59 jir ahi, waxa uu dalka Ruushka soo xukumayay ilaa 2000, xilligaas oo ahayd markii koowaad ee uu Madaxweyne noqdo, iyadoo afartii sannadood ee u dambeeyayna uu ahaa Raysal-wasaaraha dawladda Moscow.

Hadda dhaarintiisan muddo-xilleedka 6-da sannadood ahi, waxay xafiiska ku hayn doontaa ilaa 2018, iyadoo xilligaasna uu fursad u haysto inuu u ordo sidii uu xilkaas u qaban lahaa mar afraad. “Waxaan shaqada u tixgelin doonaa sida aabaha qaranka iyo in qarankeenu uu macno u leeyahay noloshayda,” ayuu yidhi Mr. Putin oo la hadlayay 3000 kun oo qof oo marti-sharaf ahaan u yimi hoolka aqalka Kremlin.

blankXilliga ay dhaarintu socotay, waxa jidadka caasimadda Moscow ka socday dibad-baxyo lagaga soo horjeedo in kooxda Putin qabato talada Kremlin, iyadoo ay mudaharaadyadaas abaabulayeen ilaa 1000 kun qof oo ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka, kuwaasoo qaarkood ay Booliska isku dhaceen, lagana hortegayay rasaasta rabadhka ah.

Dibad-baxyada lagaga horjeedo Madaxweynenimada markii saddexaad ee Putin, waxa loo xidhay ilaa 120 qof oo uu ku jiro hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka Boris Nemtsov, iyadoo Axaddii shalayna xabsiga la dhigay inka badan 400 boqol oo dad ah oo doonayay inay mudaharaad la hormaraan guriga Kremlin.

Laakiin, ka dib markii uu si uu dhaarto gacantiisa dulsaaray nuqul ah oo ka mid ah Dastuurka dalka Ruushka, Mr. Putin waxa uu ku dooday wanaajinta dimoqraadiyadda dalkaas. “Waxaynu doonaynaa in aynu noolaano, kuna noolaano dal Dimoqraadi ah oo qof kastaaba xaq u leeyahay fursadaha dalbashada shaqo iyo awoodiisa. Waxaynu doonaynaa in aynu noolaano, kuna noolaano guusha Ruushka, loona tixgeliyo ta ugu wanaagsan dunida, ugu furfuran, ugu daacadsan, saaxiib ahaana loogu jecelyahay,” ayuu yidhi Madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxweynaha xilka wareejiyay, Dmitry Medvedev oo isna hadal ka jeediyay munaasibadda, waxa uu afartii sanadood ee u dambeeyay u soo shaqeeyay sida saaxiib yar oo uu leeyahay Mr. Putin.  “Waxaan ku soo shaqeeyay sidii aan ku balanqaaday u dhaarashadaydii xafiiska oo ah in aan si furan oo daacadnimo ah wax kasta ku qabto,” ayuu yidhi Mr. Medvedev.

Wakaalada Wararka ee Reuters waxay sheegtay in la rejaynayo in Salaasada beri uu Mr. Putin si rasmi ah Mr. Dmitry Medvedev ugu magacaabo Raysal-wasaaraha dalka Ruushka.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories