HomeVirus vs Drones: Furin kale oo dagaal oo ku Furantay Milatariga Maraykanka...

Virus vs Drones: Furin kale oo dagaal oo ku Furantay Milatariga Maraykanka Wakhti uu ku jiro Hawl-gallada Argagixisada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington, (SLpost)- Iyada oo dhawaan la xusay sannad-guuradii 10aad ee bilowga duullaankii Maraykanku ku qaaday Afghanistan, waxa xaqiiqo ah oo jirta inuu haddana dhex dabbaalanyo la-dagaallanka nooc argagixiso ah oo ka duwan tii uu hore ula dagaalamayey. Wararka laga helayo Milatariga dalkaas ayaa sheegaya inay khaatiyaan ka joogaan Viruses-ka Computerrada gala oo faro-baas ku haya xarumaha laga hago diyaaradaha aan duulliyeyaasha lahayn ee ka hawl-gala dalka Afghanistan iyo goobaha kale ee uu dagaalka kaga jiro Maraykanku.

blankMajaladda Wired oo maalintii Jimichii soo daabacday warbixin uu diyaariyey qoraaga caanka ah ee Noah Shachtman kaas oo sheegay in saamaynta Virus-ka la dareemay laba todobaad ka hor. Viruskan oo noociisa lagu sheegay ‘keylogger’ waxa uu diiwaan-geliyaa amar kasta oo la fuliyey wakhti ay diyaaradaha aan duuliyeyaasha lahayn hawl-gallo ugu maqnaayeen meel dibadda ka ah dalkaas.

blank
Drones-ka waxa laga maamulaa xarunta oo ku taala Gobolka Nevada ee Marayka

Xog laga helay Milatariga Maraykanka ayaa sheegaya in nooca Virus-kani uu dhowr jeer iska caabbiyey isku-day lagaga saarayey computerrada saldhigga Creech Air Force oo ku yaala duleedka magaalada Indian Springs ee gobolka Nevada.

Waxa la sheegayaa in Maraykanku aanu weli soo dejin diyaarada, inkasta oo wararku sheegayaan in Viruskani aanu wax saamayn ah ku lahayn dhaq-dhaqaaqa iyo la-wareegista hawsha ay diyaaruhu wadaan.

blank
Mid ka mid diyaaradaha Drones-ka nooca loo yaqaanno REAPER ee loo malaynayo in Virus-ku saameeyey

Si kasta ha ahaatee, Alex Knapp, oo warbixinnada ku qora majaladda Forbes, waxa uu rumaysan yahay in Virus-kani uu saameeyey Diyaaradaha iyo xarumaha laga hago. “Haddii weerarkani yahay mid ku-talo gal ah, markaa waxa suurto-gal ah in macluumaadkii isaga gudbay habka isku-xidhnaanta, loo wareejisan karo meelo kale oo aan la aqoon, inkasta oo wakhtigan aanay jirin wax caddayn ah oo jirta,” ayuu yidhi Alex.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories