HomeVilla Soomaaliya Hadmay Miyirsan Doontaa?

Villa Soomaaliya Hadmay Miyirsan Doontaa?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Heerka garasho ee bani’aadamku wuu kala duwan yahay. Wuxuu ku kobcaa aqoonta iyo waayaha. Wuxuu ku kala duwan yahay hadba sida loogu dhaqmo, oo noqon karta mid waxtar ama mid waxyeello leh, mid Caddaalad ku dhisan iyo mid Caddaalad-darro ku dhaqanta.

ALLE ha u naxariistee Marxuum- Faarax Galooley oo u dhashay Gobolka Banaadir- labadii Ra’iisul-wasaare ee ugu horreeyey xornimadii lixdankii ka bacdi, markay Villa Soomaaliya magacowday, wuxuu yidhi; “Cabdirashiid iyo Cabdul-rasaaq mooyaane inta kale ma Rooti baa” Labadaas Ra’iisul-wasaare waxay u dhasheen gobolka Bari ee Soomaaliya.

blankALLE ha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Shar-ma-arke wuxuu Ra’iisul-wasaare u magacaabay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo isbeddel weyn ku sameeyey qaab dhismeedkii iyo jawigii Siyaasadda ee dalkii Soomaaliya. Hase ahaatee jawigii cusbaa ee siyaasadeed ma raagin.

Laba sanno kadib 1969-kii Golihii sare ee kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, ayaa Villa Soomaaliya inqilaab ku qabsaday.

Muddadaas Marxuum-Faarax Galooley qaab siyaasadeedkii iyo doorashooyinkii markuu ka yaabay wuxuu yidhi “Nin Dooran bay na leeyihiin Doorta”

21 Sannadood kadib halgankii hubaysnaa ee SNM iyo gacan siinteedii SNC ayaa soo afjaray Taliskii Villa Soomaaliya 1991kii. Labada jabhadood midna lalama tashan, waxana Villa Soomaaliya gacanta ku dhigay Cali Mahdi iyo Kooxdii Maano-feesto ee magaalada Muqdisho.

Iskahor-imaadyadii sannadkaas ka bilowday Soomaaliyadii Talyaanigu xukumi jiray wali way socdaan. Talisyadii iskaga dambeeyey Villa Soomaaliya, nooc kasta oo ay ahaayeen deganaansho kumay soo celin dalkaas.

Xaaladda Villa Soomaaliya maanta ayey ugu liidataa. Ciidamo shisheeye oo ka socda ama u adeegaya dano kala duwan, mararka qaarna iska soo horjeeda ayaa hadba lagu soo kordhinayaa. Dhab ahaan maanta Villa Soomaaliya faraha waxba uguma jiraan.

Jawaabtu waxay tahay waxay Villa Soomaaliya miyirsan doontaa:-

  • Marka shacbiga Soomaaliya ay ka quustaan riyada midnimo dambe oo Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato.
  • Marka shacbiga Soomaaliya ay fahmaan in Villa Soomaaliya ay ka dambayso kala qaybsannaanta iyo iska-hor-imaadka shacbiga iyo gobollada dalkooda.
  • Marka shacbigu ogaado in Villa Soomaaliya taliskeedu yahay, magac kastaba haloo bixiyee mid aan ka duwanayn kii kaligii taliyihii hore u soo maray.
  • Markay shacbigu ku qasbo in nidaamka federaalka ah ee ay qaateen sida uu yahay Villa Soomaaliya u ogolaato in lagu dhaqmo.
  • Marka la joojiyo farogelinta Villa Soomaaliya ku hayso Garsoorka iyo Baarlamaanka dalkaas.
  • Marka lagu qasbo Fiilada in Banaadir ay noqoto gobol sida gobollada kale ee dalkaasi.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay Villa Soomaaliya waxay miyirsan doontaa marka shacbiga dalkaas ku nooli ay ogaadaan in fikirka fiiladaasi yahay mid u eg “Dameerkii lagu yidhi Beri baa darane bur dhaaf, ee ugu jawaabay ‘yaan dabadey dareemaba bixin’

Waxa qoray; Xuseen Cali Nuur

Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories