HomeViktor Janukovytj: Aniga Ayaa ah Madaxweynaha Sharciga ah ee Ukraine

Viktor Janukovytj: Aniga Ayaa ah Madaxweynaha Sharciga ah ee Ukraine

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Russia(SLPOST)Madaxweynihii xilka laga xayuubiyey Viktor Janukovytj ayaa saxaafadda kula hadley magaalada Rostov-na-Donu,

VIKTOR

dalka Ruushka ee ku dhaw xadka Ruushku la wadaago Ukraine. Waa markii u horeysey ee muuqiisa la arko tan iyo markii uu ka soo baxsadey dalkii uu Madaxweynaha ka ahaa ee Ukraine..

Janukovytj: “Dowladda la dhisey waa sharci darro”

Intii uu ku guda jirey shirsaxaafadeedkiisa ayuu ka hadley Janukovytj xukuumadda kumeel-gaadhka ah ee la dhisey waxaana uu ku tilmaamey in ay tahay mid sharci darro ah, sida isagu hadalka u dhigey, isaguna yahay Madaxweynaha sharciga ah ee la soo doortey. Janukovytj ayaa sheegay in Ukraine ay eersatey dalalka reer Galbeedka ah wixii ka dhacay Ukraine masuuliyadeeda ay qaadayaan reer Galbeedku.

Janukovytj ayaa sheegay in qalaalsaha Ukraine uu bilowdey xiligii Midowga Yurub ay bilaabeen in ay wada hadal la galaan Mucaaradka, kadib waxaa dalka ka bilowdey halkaas, sharciga oo luma, argagax, fawdo iyo jaahwareer.

Janukovytj waxa uu ku sheegay shir saxaafadeedkiisa in aanu ka qaybqaadanayn doorashada la muddeeyey bisha May 2014, waxaana uu ku tilmaamey doorasho sharci darro ah maadaama isagu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Ukraine. Waxa uu meesha ka saarey in xilka laga xayuubiyey, waxaana uu sheegay in naftiisi khatar ay gashey sidaasna uu u baxsadey, waana mid la igu khasbey ayuu yidhi.

Dhinaca kale Dacwad oogaha Ukraine ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in ay si rasmi ah dalka Ruushka uga dalbanayaan in ay dib ugu soo celiyaan Janukovytj. Xukuumadda cusub ee Ukraine ayaa shaacisey in Janukovytj uu yahay denbile lana weydiinayo dad ka badan 100 qof oo amarkiisa lagu diley, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in uu lacago badan kala baxay AKoonada Dowladda Ukraine.

Dalka Switzerland ayaa dacwad oogaha Ukraine ka codsadey in ay baadhaan lacago la dhigay oo ay leeyihiin Viktor Janukovytj iyo wiilkiisa. Booliska Swisska ayaa isla maanta baadhitaan ku sameeyey shirkad uu lee yahay wiilka Viktor Janukovytj.

Somalilandpost.net

Hargeysa/office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories