HomeUrurradii hadhay oo ku baaqay Mudaharaad Saddex maalmood ah oo ay kaga...

Ururradii hadhay oo ku baaqay Mudaharaad Saddex maalmood ah oo ay kaga soo horjeedaan natiijada Guddiga diiwaangelinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost)- Toddoba ka tirsan Ururrada siyaasadda ee ku hadhay qiimaynta wejiga labaad ee Guddiga diiwaangelintu Jimcihii ku dhawaaqeen, ayaa ku baaqay inay Axadda Berri ah isugu soo baxayaan Muddaharaadyo ay ku muujinayaan inay kaga soo horjeedaan natiijada Guddiga.

Hoggaamiyeyaasha Ururrada Ururrada ka hadhay doorashada degaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa qadacay Go,aanka ay soo sareen Guddiga diwaan galinta, isla markaana waxay ku  baqeen muddaharaad soconaaya saddex cisho, waxaanay ururrada sidan ku baaqay kala yihiin NDP, UDHIS, JAMHUURIGA, GURMAD, NUUR, DAMAL iyo SSCD.

blankHoggaamiyayaasha toddobaa Urur waxay sheegeen inay go’aan midaysan ku gaadheen inay muddaharaad nabadgelyo ah ku muujiyaan cabashada ay ka qabaan natiijada guddiga diiwaangelinta ururrada, taasoo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah oo aanay aqbalaynin.

Guddoomiyaha Ururka UDHIS Ibaarih Cabdillaahi Xuseen (Dhego-weyne), oo ugu horreyn shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Madaxda Ururrada hadhay kulan ay yeesheen kaga hadleen sida ay u arkaan go’aanka guddiga diiwaangelinta, isla markaana ay go’aansadeen muddaharaad. “Waxaannu maanta (shalay) halkan isugu kaayo keenay waa inaannu Ummadda dareenkayaga gaadhsiinno oo muujiyaan wixii waddanka ka dhacay, waxaannu halkan ku gaadhnay go’aan. Go’aannadaana waxaa ka mida cid walba way arki doontaa Siilaanyo waxa uu soo dhaweeyay Qarannimadii Somaliland iyo Dawladnimadii inuu meel ku soo xidh-xidho oo uu gogooyo ayuu rabaa, waana mid aan la oggolanayn waxaa uu go’aan ku gaadhay iyo taladaa uu guriga yar la galay ee afarta yar-yar ee Bajaajka ah uu la tashanaayo waa waxaan la aq-bali karayn.” Sidaas ayuu yidhi Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne).

Waxaanu Dhagaweyne oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Qaadan mayno Ummaddana waxa weeye inay dareenkeeda ay muujiso oo barito bannaanbax la iskugu soo baxo weeye oo wayna soconaysaa in Gobal-walba laga sameeyo bannaan baxyo ayey  ku gadheen go,aan. Ba waxaynu eegaynaa ciidda uu wax ku sameeyo iyo ciidda uu is hortagaayo oo waxa uu sameeyo in leeg ayaanu samaynaynaa.”

Waxa sidoo kale, halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Jamhuuriga Axmed Sandoon, oo sheegay inuu xaaraan yahay go’aanka Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland soo saareen Jimcihii dorraad. “Ma aqbalayno oo waa xaaraan go’aanka guddiga diiwaangelintu, waxaan Ummadda reer Somaliland farayaa aniga oo ah Guddoomiyaha Jamhuuriga saddex cisho oo mudaharaada inay isugu soo baxaan ayaan farayaa.” Sidaas ayuu yidhi Axmed Sandoon.

Guddoomiyaha Ururka NDP Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyaduna halkaas ka hadashay waxay tidhi; “Aniga oo ah Guddoomyaha NDP waxaannu dhammaatayo goosannay oo aannu isku raacnay inaannu diidno go’aanka ay soo saareen Guddiga diiwaangalinta Ururrada ee qaldanaa ee caddaalad-darrada ahaa. Xeer NO: 14- waxay ku tahay qalad oo shahadooyinkii nala siiyey ee ahaa inaannu nahay Ururro tartamaaya waxay ku tahay qalad.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories