HomeUrurrada Xuquuqal Iinsaanka iyo Saxaafadda oo si Adag u cambaareyey Xukunka lagu...

Ururrada Xuquuqal Iinsaanka iyo Saxaafadda oo si Adag u cambaareyey Xukunka lagu Riday Wargeyska Mulkiilaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

haatufHargeysa (SLpost)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta ku xukuntay Guddoomiyihii Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe saddex sano oo Xabsi ah, halka Tifaftiraha Haatuf lagu xukumay afar sano oo xadhig ah iyo Wargeysyadaas oo Maxkamaddu sheegtay in lagu xukumay in lagala noqdo Ruqsadda oggolaansha ah iyo Konton Malyan Shilinka Somaliland0 oo ganaax ah.

Maxkamadda gobolka oo Warbaahinta loo diiday inay goob-joog ka noqoto maanta, ayaa Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland Aadam Salaad Seed oo BBC-da la hadlay, waxa uu sheegay in maxkamadu laashay gebi ahaanba ruqsadii Wargeyska Haatuf .

Dhegaysiga dacwadda ka dhanka ah suxufiyiintu wuxuu bilaabmay kadib markii 7dii April 2014 la xayiray wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times.

Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times waxa ay Xaruntoodii Ciidanka Booliisku la wareegeen 7-dii April ee sannadkan 2014-ka, iyadoo markii danbena Xabsiga loo taxaabay Guddoomiyihii Wargeysyadaasi iyo Tafatirihii-ba. Waxaana lagu eedeeyay Wargeysyadan inay qoreen warar been abuur ah iyo warar khalkhal-gelin kara nabadglyada Somaliland, sida ay Xeer-ilaalinta oo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan u adeegaysaa Maxkamadda u gudbisay, iyada oo la cabbudhiyey Qareennada u doodayey Masuuliyiintaas.

Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeysyadaas, waxay ku doodeen in waxa keliya ee lagu haystaa yihiin warar musuqmaasuq oo ay ka qoreen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Wiilka uu Soddogga u yahay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, kaasoo lagu magacaabo Baashe Cawil oo aan dawladda wax xil ah ka haynin, balse ay uu Haatuf muujiyey awoodda uu haddana dawladda iyo qasriga Madaxtooyada ku dhex-leeyahay isagoo aan Wiilkaasi xil sharci ah oo la isla ogyahay ama la isla yaqaanno haynin.

Qareennada difaacayay Dacwadan ka dhanka ah Masuuliyiinta Haatuf, ayaa hore uga baxay dacwadaas iyagoo sheegay inaan caddaaladi jirin, laakiin-se Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud Aadan Salaad wuxuu sheegay in si cad denbiga loogu caddeeyay Suxufiyiinta Haatuf oo meel ay kaga dhaceen karaamada iyo sharafta Madaxda dawladda.

Ururrada Xuquuqal Iinsaanka iyo kuwa Saxaafadda Somaliland, ayaa si adag u cambaareeyey xukunka lagu riday wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa cadaalad-darro aan loo dul-qaadan karin ku sifeeyey go’aanka maxkamadda gobolka Hargeysa u martay xukunka Suxufiyiinta iyo Wargeyska.

“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xukunka maxkamadda oo xadgudub ku ah qodobka 32 ee dastuurka Somaliland.

Dhegaysiga dacwaddu wuxuu ahaa mid aan waafaqsanayn xeerarka dalka iyo halbeegyada caalamiga ah. Suxufiyiinta la soo eedeeyey lama siin fursad ay isku difaacaan taas oo ka soo horjeeda qodobka 28(2) ee dastuurka iyo qodobka 116 ee Xeerka Habka Ciqaabta. Maxkamaddu waxay dhegaysatay oo keliya xeer-ilaalintii dacwadda soo oogtay.

Qareenada u doodayay suxufiyiinta oo aan ka soo qayb-gelin dacwadda, waxay u sheegeen Xarunta in xukunka maxkamaddu uu yahay mid aan xaq ahayn oo cadaalad darro ah. Xasan Cali Xasan oo qareen u ahaa suxufiyiintu wuxuu noo sheegay in garsoorihii dacwadda qaadayay caqabad ku noqday inay gutaan wajibkooda sidaasdarteedna inaanay fursad u helin inay difaacaan suxufiyiinta. Qareenadu waxay si buuxda uga qaybgaleen hal dhegaysi qudha. Dacwaduna waxay socotay iyada oo aanay joogin qareeno difaaca eedaysanayaasha.

Maxkamaddu halkay ka dabaqi lahayd Xeerka Saxaafadda, waxay raacday Xeerka Ciqaabta oo ah xeer guud oo gaboobay. Taasina waxay ka soo horjeedda qodobka 130(5) ee dastuurka oo dhigaya in xeerarkii ka horeeyey dastuurka la dabiqi karo oo keliya hadii aanay ka hor-imanayn xuquuqda qofka iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee ku dhigan dastuurka. Qodobku wuxuu sidoo kale dhigayaa marka la sameeyo shuruuc cusub in xeerarkii hore aan la dabiqi karin. Xeerka Ciqaabtu wuxuu ka horeeyey dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa cadaalad-darro qaawan ku tilmaamay xukunka lagu riday wargeyska Haatuf. “Weli tan oo kale ma dhicin, waxa lagu xukumay wax baal-marsan xeerka saxaafadda,” ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA.

Intii ay talada haysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland waxay la kulmeen xadhiggii ugu badnaa, tacaddigii ugu badnaa, xayiraaddii ugu badnayd ee la saaro Hay’adaha Warbaahinta, oo isugu jiray TV-yo iyo Wargeysyo, waxaana Haatuf ka horreeyey oo weli xayiran Wargeyska Hubaal oo isaguna ahaa Wargeys Madax-bannaan oo ka soo bixi jiray magaalada Hargeysa, oo hore Masuuliyiintiisa Xabsi iyo Ganaax loogu xukumay, balse gadaal Masuuliyiintiisa laga soo daayey.

 

SOMALILANDPOST.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories