HomeUrurrada Siyaasadda Somaliland oo Mowqif Adag Ka Qaatay Dagaalka Laascaanood

Ururrada Siyaasadda Somaliland oo Mowqif Adag Ka Qaatay Dagaalka Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ururrada Siyaasadda ee Somaliland, ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood ka socda iyo saamaynta ka dhalatay, waxaanay ugu baaqeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya inay caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan masuuliyiin ka tirsan oo farogelin ku haya dagaalka magaalada Laascaanood oo ay tilmaameen inay sii hurinayaan.

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Ururrada oo uu ku saxeexan yahay Eng. Xamse Xasan Axmed oo ah Xoghayaha iyo Xidhiidhiyaha Dalladda Ururrada Siyaasadda Somaliland, ayaa sidoo kale baaq loogu diray dhinacyada dagaallamaya, dowladda Somaliland, Culimada, Ganacsatada, Hay’adaha waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, oo dhammaan loo soo jeediyey in dhinac waliba doorkiisa ka qaato daminta colaadda iyo taakulaynta dadka ka barakacay dagaalka Laascaanood oo Bilaabmay horaantii bisha February ee sannadkan.

Qoraalka Dalladda Ururrada Siyaasadda Somaliland soo saartay, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Shir balaadhan oo ay Maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 7-03-2023 ay isugu yimaadeen dallada urur Siyaasadeed-yada jsl oo ka qabsoomey Mega Plaza Hotel, Hargeysa ayaa waxa goobjoog ka ahaa dhamaan 10ka Urur Siyaasadeed ee dalladu ka kooban tahay.

Waxa halkaa lagu qaada-dhigey, si weyna loogu falanqeeyey duruufaha dalku ku jiro wakhtigan iyo gaar ahaan dagaalka Laascaanood. Dood dheer ka dib, Dalladda Ururradu waxay si wadajir ah u soo saareen Qodobbada hoos ku xusan:

1) Dalladda Ururradu waxay aaminsan yihiin in dhulka Jamhuuriyadda Somaliland yahay Muqaddas sida ku qoran Dastuurka guud ee Qaranka Qodobka 2aad Faqradihiisa 1, 2 iyo 3, oo ah sidan: ‘’1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii la odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8o ilaa 11o 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42’ 45′ ilaa 49’ Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga, jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).

2- Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.

3- Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

4) Dallada Ururadu Waxay aaminsan yihiin in taako iyo talaabo ka tirsan dhulka qaranka aan gor-gortan laga geli karin.

5) Dallada Ururradu waxay aaminsanyihiin, in aanay xal iyo maangal midna ahayn in la isku dagaalo Magaalo camiran oo carruur, dad waayeel ah iyo Haween joogo iyadoo la wada hadli karo, la iskana qancin karo wax kasta oo la kala tabanayo.

6) Dalladda Ururradu waxay ugu baaqayaan dawladda Federaalka Soomaaliya, iney caddeeyaan mawqifkooda General-da Ciidankooda ee hurinaya kana mid ka ah Colaadda iyo dagaalka Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiin Taliyihi hore ee Booliska Soomaaliya, Taliyihi Ciidammada Badda iyo Taliyihii Ciidammada Dhulka.

7) Dalladda Ururradu waxay sidoo kale ugu baaqayaan dawladda Jamhuuriyadda Kenya, iney caddeeyaan mawqifkooda masuuliyiin sare oo ka mid ah dawladooda, oo si badheedh ah u hurinaya colaadda Laascanood, dadka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland wadajirkoodana burburinaya, kuwaas oo uu ka mid yahay Ku-xigeenka Afhayeenkii hore ee Barlamaanka Kenya.

8) Ururrada Siyaasadda Jsl waxay ugu baaqayaan Xukuumadda, ganacsatada, Hay’adaha samafalka ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba in taakulooyin degdeg ah la gaadhsiiyo Muwaaddiniinta ka barakacay magaalada Laascanood.

9) Ugu danbayn Dalladda Ururradu waxay cod dheer ugu baaqaysaa Xukuumadda, Goleyaasha sharci-dejinta, Culimadda, Ganacsatadda, Madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo saaxiibbada Somaliland in la is garab taago Ciidammada Qaranka ee ka hortaagan kana daafacaya xoogagga huwanta ah ee raba iney dab ku shidaan guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika iyo gaar ahaan magaaladda Laascaanood.”

Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Dalladda Ururrada Siyaasadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories