HomeUrurrada Qurbejoogga Somaliland ee Yurub oo Ciidanka Qaranka ku bogaadiyey Hawl-galka ay...

Ururrada Qurbejoogga Somaliland ee Yurub oo Ciidanka Qaranka ku bogaadiyey Hawl-galka ay kula wareegeen Saax-dheer

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Guddiga Sare ee Dalladda SSE oo ay ku midaysan yihiin Ururrada Jaaliyadaha Somaliland ee Qaaradda Yurub, ayaa ciidanka Qaranka ku hambalyeeyay guusha ay ka gaadheen hawl-galkii ay milatari ee ay kula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool oo fadhiisin u ahayd Kooxda nabadiid-diidka ah ee Cali Khaliif hoggaamiyaha u yahay.

sseBaaq Xambaarsan taageero iyo hambalyo ay ciidanka Qaranka ku garab-taagan yihiin oo ay ku saxeexan yihiin Guddiga Fulinta ee dalladda SSE oo xaruntoodu tahay magaalooyinka London iyo Paris ee dalalka England iyo France, ayaa u dhignaa sidan:- “Dallada Somaliland Societies in Europe (SSE) oo kulmisa Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub waxay fariin taageero ah u dirayaan ciidamadda Somaliland oo maalintii Khamiista ee 28 (ka) Ogoosto ku waabariistay tuulada Saax-dheer si ay u sugaan nabada iyo deganaanshaha Somaliland. SSE waxay hawl galkan ciidan u aragtaa mid lagu fashilinayay mid ka mid ah dibindaabooyinka la rabo in lagu wiiqo midnimada iyo is-huwanaanshaha dadka reer Somaliland.

Ugu horreyn Dallada SSE waxay tacsi u direysaa dadkii iyo ciidankii ku geeriyoodey hawl galkan ciidan, waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu naxariistiisa ka waraabiyo (Aamiin). Sidoo kale waxay caafimaad taama u rajaynayaan kuwa uu dhaawacu ka soo gaadhay. Dallada SSE waxay hawl galkan ciidan u aragtaa mid lagu difaacayay Qaranimada iyo karaamada Somaliland, kaasoo dareen ahaan aanu la qaybsanayno ciidanka Somaliland oo iyagu naftooda u hibeeyay difaaca dalka iyo dadka reer Somaliland.

Sidoo kale Dallada SSE waxay taageero u muujinaysaa Xukuumadda, Golayaasha Qaranka iyo shicibka reer Somaliland oo taageero joogto ah la garab taagan ciidanka. Walow ciidanka Somaliland uu yahay mid aad u nabad jecel isla markaana ku dedaala nabada iyo xasiloonida ayaa talaabadani ciidan ee ay ku dhaqaaqeen ay tahay mid lagu khasbay, maadaama kooxo iyo shakhsiyaad isku tagey ay maleegayeen inay waddanka gudihiisa ka fuliyaan ficilo ka dhan ah danta guud ee dalka iyo dadka reer Somaliland.

Dallada SSE waxay ciidanka uga hambalyaynaysaa guusha balaadhan ee ay ka soo hooyeen hawlgalkan ay ka fuliyeen tuulada Saaxdheer oo ka tirsan Gobolka Sool. Waanu dareensanahay guulaha hawlgalkiinu in aanay aheyn kuwo dhayal iyo sahal ku yimid, balse aad la timaadeen ficilo ku salaysan dedaal, karti, daacdanimo iyo weliba xirfad ciidan oo xeel-dheer iyo talo saarasho Alle. Waa tallaabo fariin cad u direysa dhammaan cadowga Somaliland gaar ahaana kuwa raba inay dhanataalaan nabada iyo xasiloonida Ilaahay ku manaystay shicibka reer Somaliland ee nabada jecel. Waa talaabo aanu rajaynayo inay cashar iyo waayo aragnimo ku qaataan kuwa weli u soo hanqal taagaya inay carqaladeeyaan wanaaaga iyo samaha Somaliland ay ku sugantahay.

Dallada SSE iyada oo ku kasloon mas’uuliyadda ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa haddana waxa aanu ka codsanaynaa in dhammaan maxaabiista lagu qabtay hawlgalkan ciidan loola dhaqmo si ay banii’aadnimo ku jirto.

Ugu dambeynta baaqan taageero waxa aanu uga faa’iideysanaynaa in dhammaan shicibka reer Somaliland ay dhinac uga soo wada jeesteen adkeynta, xoojinta midnimada iyo isku duubnida dadka reer Somaliland meel ay ku suganyihiinba. Dallada SSE iyada oo dareensan dedaalka ay ku jiraan dhammaan Golayaasha Xukuumadda ayaanu si gaara uga codsanaynaa Dowladda ama xukuumadda Somaliland inay xoojiyaan xidhiidhka, dhegeysiga cabashooyinka jira si looga hortago in cadowga Somaliland uu fursad u helo inuu si khaldan uga faa’iideysto qaar ka mid ah shicibka reer Somaliland.

Markale ayaanu baaqan hambalyo la qaybsanaynaa ciidanka Jamhuuriyda Somaliland, Xukuumadda iyo dhamman shicibka reer Somaliland.”

Allah ayaa mahad leh.
Guddiga fulinta ee Dallada SSE

http//www.sseuro.com

info@sseuro.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories