HomeUrurka WIJA oo Madaxweynaha ku Bogaadiyey Xubnaha Haweenka ah ee uu Golihiisa...

Ururka WIJA oo Madaxweynaha ku Bogaadiyey Xubnaha Haweenka ah ee uu Golihiisa Xukuumadda Ku Kordhiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Haweenka Somaliland ee WIJA, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku bogaadiyey magacaabista Xubnaha haweenka ah ee uu ku soo daray GolihiisaWasiirrada Isbeddelkii uu dhowaan ku sameeyey Xukuumaddiisa.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ay ku saxeexantahay Agaasimaha Fulinta ururka WIJA Fahma Yuusuf Ciise, kaas oo qornaa sidan: “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu isku-shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada, wuxuuna xubnaha cusub ku soo daray laba haween ah; marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka Deegaanka iyo horumarinta Miyiga iyo marwo Shukri Xariir Ismaaciil, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Sidaa darteed, marka hore waxaanu Madaxweynaha ku hambalyaynaynaa magacaabistiisa wasiirada cusub ee haweenka ah, kuwaasoo ah xubno hawlkarnimo iyo shaqo wanaag looga bartay, horena wax badan ugu soo qabtay haweenka, bulshada iyo guud ahaan Somaliland.

Waxa farxad noo ah in marwo Shukri Xariir ay ka mid tahay aasaasayaashii WIJA (Somaliland Women in Journalism Association), hoggaanka ururkana ay xubin ka tahay. Sidaa si la mida, ururka WIJA wuxuu ku faraxsan yahay in marwo Shukri Xaaji Baandare ay tahay qof ku haboon wax ka qabasahada wasaarada loo magacaabay, iyadoo aynu ognahay dhibaatada haatan lagu hayo Deegaanka Somaliland.

Dhamaan gabdhaha suxufiyiinta Somaliland iyo ururkooda WIJA waxay ku hambalyeynayaan marwa Shukri Xariir Ismaaciil iyo marwo Shukri Xaji Ismaciil Bandare xilalkaa loo magacaabay, waxaanay Illahay ka baryayaan in uu u fududeeyo.”

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa hore ugu jiray Laba xubnood oo Haweeen ah kuwaas ay k amid yihiin Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, waxaanay magacaabista cusub ee madaxweynuhu tirada Haweenka Golaha Wasiirrada ku jira ka dhigaysa Afar Xubnood oo isugu jira Laba Wasiir iyo laba Wasiir ku-xigeen, taas oo ka dhigaysa Xukuumaddii ugu horreysay Somaliland ee saami-qaybsi intaas le’eg maamulka dalka kaga qayb-galisa Haweenka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories